Koonfur Galbeed oo amar ku bixisay xaasaska Ragga Shabaabka inay deg deg isku diiwaangeliyaan

0
Sunday March 13, 2016 - 10:42:23 in Wararka by
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Galbeed oo amar ku bixisay xaasaska Ragga Shabaabka inay deg deg isku diiwaangeliyaan

    Maamulka Koonfur Galbeed oo ka duulaya Suggida ammaanka Magaalooyinka uu ka taliyo Maamulkaasi, ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah xaasaska Ururka Al Shabaab iyo dadka taageerada u muujiya Shabaabka ee qariya xubnaha Ururkaasi ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka duulaya Suggida ammaanka Magaalooyinka uu ka taliyo Maamulkaasi, ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah xaasaska Ururka Al Shabaab iyo dadka taageerada u muujiya Shabaabka ee qariya xubnaha Ururkaasi ka tirsan.

Guddi amni oo ka kooban xubnaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay ayaa soo saaray awaamiir la xiriira dhanka amniga, iyadoo Guddigan shalay Warbaahinta ay kula hadleen Magaalada Baydhabo.

Sheekh Xasan Lugbuur oo ah Wasiirka Maaliyada ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in si deg deg ah looga baahan yahay Xaasaska Shabaab ee ku sugan Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed inay si deg deg ah u tagaan xarumaha Maamulka oo ay isdiiwaangeliyaan, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Waxa uu sheegay sidoo kale dadka ganacsatada ah iyo dadka ku nool Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed in dhankooda looga baahan yahay inaysan qarin xubnaha Shabaabka ee ay arkaan, hadii ay qariyaana iyaga loo arkaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin.

Awaamiirtaan ayaa la xiriirta suggida ammaanka Magaalooyinka Maamulka Koonfur Galbeed, si looga hortaggo weeraro Shabaab ay ka geystaan Magaalooyinka Maamulkaasi uu ka taliyo.

Taliyaha ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay dhankiisa Askariga ka tirsan Maamulka ee isaga oo Isbaaro dhiganaayo la qabtaa si toos ah loogu gudbinaayo maxkamada ciidamada Qalabka sida si loo xukumo.

Shalay Magaalada Baydhabo waxaa lagu xukumay 7 ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyadoo 5 ruux dil lagu xukumay, halna xabsi saddex sano ah lagu xukumay, iyadoo midka kalena la sii daayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip