
Maamulka Tv-ga Universal oo ka hadlay Xariga Wariyeyaal Tv-ga ka tirsan Muqdisho loogu geystay
Iyadoo ay taasi ay jirto ayaa mar qura la waayay xiriirka taleefoonada ee labadan suxufi, waxaana markii dambe la ogaaday in la xiray labada Suxufi.
Sidoo kale ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo wata saddex gaadiidka dagaalka ayaa la geeyay Xarunta Tv-ga halkaasi oo baaritaan ay ka sameeyeen, kadibna ay joojiyeen dhamaan shaqadii Tv-ga xafiiskana ay xireen.
Maxamed Axmed Xaaji Axmed (Cagmadhige) madaxa Wararka Tv-ga Universal, ayaa xariga Wariyeyaasha ku tilmaamay ficilkii ugu dambeeyay ee Dowladda Somaliya ay ku kacday, iyadoo Dowladda ay sameyn kartay wado kale.
Sababta ka dambeysay Xariga Wariyeyaasha ayaa wuxuu sheegay Cagmadhige inay tahay Barnaamij Dood Wadaag ah oo Tv-ga Universal ka baxay 30-kii Bishii dhamaatay, Barnaamijkaasi oo lagu marti qaaday Xildhibaano Dowladda Somaliya si kulul u weeraray.
Labadan Suxufi ayaa weli ku xiran Xarunta Nabad Suggida ee Magaalada
Muqdisho, Dowladda Somaliya weli kama aysan hadlin xariga labadan
Suxufi.
Maxamedaxmed Xaaji Cagmadhige oo saakay u waramayey idaacadda VOA Laanteeda Afka Somaliga ku hadasha


0 



Maamulka Tv-ga Universal oo ka hadlay Xariga Wariyeyaal Tv-ga ka tirsan Muqdisho loogu geystay
Maamulka Tv-ga Universal, ayaa ka hadlay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay labo Suxufi oo ka tirsan Tv-ga xaruntiisa Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la xiray Xarunta Tv-ga uu ka howlgalaayay ee Magaalada Muqdisho.