Arturo Vidal oo Qarka u Saaran In uu Ku Biiro Inter Milan
Arturo Vidal XS: onlineCayaaryahanka reer Chile, Arturo Vidal ayaa buraashaddiisa u biyeystay dalka Talyaaniga iyada oo lagu soo warramayo in uu qarka u saaranyahay in uu qalinka ku duugo heshiis uu la gaaro kooxda dalkaasi ka dhisan Inter Milan.
Heshiis uu cayaaryahankan kula joogay kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa haatan gebogebo ku dhow iyada oo ay uga harsantahay kaliya hal sano waxayna Barcelona go'aansatay in ay iska fasaxdo cayaaryahankan.
laacibkan khadka dhexe ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Linate Airport ee Magaalada Milan waxaa halkaas ku soo dhaweeyay taageerayaasha kooxda Inter iyo warbaahinta.
Vidal ayaa labo xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Barcelona tan iyo markii uu kaga soo biiray Bayern Munich sanadkii 2018-kii.
Cayaaryahankan 33 jirka ah ayaa kooxda Barcelona u saftay 96 kulan wuxuuna u dhaliyey todobo gool.
Waxa uu kula guuleystay horyaalka La Liga Spain kal ciyaareedkii 2018-19, iyo waliba Koobka Supercopa de Espana sanadkii 2018.