Hawlgal weji cusub oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo

0
Sunday September 20, 2020 - 14:00:11 in Wararka by
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlgal weji cusub oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo

    Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xalay hawl ka duwan kuwii hore ka sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoona ku soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah. Ciidamada ammaanka ayaa ku fiday suuqa ganacsiga ee Magaalada Kis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xalay hawl ka duwan kuwii hore ka sameeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyagoona ku soo qab qabtay boqolaal dhalinyaro ah. Ciidamada ammaanka ayaa ku fiday suuqa ganacsiga ee Magaalada Kismaayo iyo wadooyinka soo gala, iyadoo laga soo xir xiray boqolaal dhalinyaro ah. Intii uu hawlgalku socday ayay ciidamada baaritaano amni xaqiijin ahi ku sameynayeen gaadiidka. Inta badan dhalinyaradii hawlgalka lagu soo qab qabtay ayaa dib loo sii daayay, iyadoo intii kalana lagu xiray Saldhiga Booliska Kismaayo, si baaritaano dheeri ahi loogu sameeyo. Gaashaanle Warsame Axmed Geelle, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kismaayo ayaa sheegay in hawlgalkan uu ka duwanaa hawlgaladii magaalada laga samayn jiray, iyagoo markaan beegsaday goobaha ganacsiga. Ujeedada loo hujuumay ayuu ku sheegay inay xilliyada habeenkii ku badan yihiin dhalinyaro fara-badan, oo xilli dhow buu yiri magaalada yimid. Sidoo kale waxa uu sheegay in suuqa ay ku badan yihiin dhalinta ka ganacsatada teleefanada la soo dhaco amaba bulshada laga soo xado, isla-markaana ay ku soo dhex dhuntaan maleeshiyada Al Shabaab.

      

Taliyaha oo la hadlay Jubbalandtv ayaa sheegay in hawlgalku ahaa mid looga hortaggayay falalka amni-darro, ee ay maleygayaan Shabaabka.

Taliyaha ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay ugu tala-galeen in ay qalqal-geliyaan xaaladda amni ee Magaalada Kismaayo, hawlgalkooduna uu la xiriiray, sidii qalqal-gelintaasi looga hortaggi lahaa.

      Shabaabka ayaa 11-kii bishan Magaalada Kismaayo ka gaystay weerar is qarxin ahaa, kaasoo lagu dilay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip