Dad u badan Haween iyo Dhalinyaro rag ah ayaa Maanta waxa ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne, kuwaas oo ka cabnayay in Goobo Ganacsi ay lahaayeen la bur buriyay.
Banaanabaxaaysha qaarkood ayaa
Dad u badan Haween iyo Dhalinyaro rag ah ayaa Maanta waxa ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne, kuwaas oo ka cabnayay in Goobo Ganacsi ay lahaayeen la bur buriyay.
Banaanabaxaaysha qaarkood ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Dowladda, iyaga oo sheegay in Goobahooda Ganacsiga oo nolol maalmeedka qoysaskooda ku maareyn jireen si bareer ah loo burburiyay.
Qaar ka mid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Goobaha laga burburiyay ay kiro ka bixin jireen, sidoo kale dowladda ay Canshuur ka qaado, hayeeshee loogu bedelay in Goobahooda Ganacsiga laga bur buriyo.
Gudoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir oo kusoo baxay rabshado ka dhashay banaanbaxa ayaa sheegay in dadka ku Ganacsada Goobaha la burburiyay ay kasoo cawdeen Shacabka degmada Xamarweyne, kadib markii ay waayeen wado ay maraan.
Waxaa uu ugu baaqay Ganacsatada waratada ah ee banaanbaxa sameeyay inay tagaan Xarunta Maamulka degmada si ay uga wada hadlaan xalka ugu habeen oo aan aheyn inay wadada ku ganacsadaan.
SAWIRRO: Banaanbax ka dhacay Muqdisho
Dad u badan Haween iyo Dhalinyaro rag ah ayaa Maanta waxa ay banaanbax cabasho ah ka dhigeen dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne, kuwaas oo ka cabnayay in Goobo Ganacsi ay lahaayeen la bur buriyay. Banaanabaxaaysha qaarkood ayaa