Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo tilmaam ka bixiyay nooca ay tahay dhibaatada haysata ciidamada Dowladda

0
Saturday October 03, 2015 - 08:44:30 in Wararka by
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Somaliya oo tilmaam ka bixiyay nooca ay tahay dhibaatada haysata ciidamada Dowladda

    Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa tilmaam ka bixiyay nooca ay tahay dhibaatada haysata ciidamada Xooga dalka Somaliyed oo xilligan Dowladda ay ku bixinayso waqti b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa tilmaam ka bixiyay nooca ay tahay dhibaatada haysata ciidamada Xooga dalka Somaliyed oo xilligan Dowladda ay ku bixinayso waqti badan si dib u dhis loogu sameeyo. Cumar C/rashiid waxa uu sheegay ciidamada Dowladda inaysan haysan Xerooyin ciidan oo lagu xareeyo, taasina ay keenayso in uu lumo Dishbiliinka Askariga, isaga oo sheegay dhibaatada ugu weyn ee ciidamada haysata inay tahay Xero ciidan oo aysan laheyn.

"Waxa noogu daran oo hada dhibka inaga haysata waxa weeye Xeryaha ciidanka, ciidan hadii uusan haysan Xero waxaa lumaayo dhishbiliinka, ciidan gurigiisa u hooyana ee aan maanta Xero haysan dee waa nin gurigiisa ka soo kacay, ciidanka waxa uu u baahan yahay Xeryo waxa aan hada dadaal ugu jirnaa sidii Xerooyin loo heli lahaa, anaga maadaama aan dagaal ku jirno wadamo kala duwan ayaa ciidanka u dirnay si tababaro ay u soo qaataan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo la hadlay VOA.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sidoo kale sheegay Beesha caalamka inay kala kaashanayaan dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Somaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip