Weli ma ku sirantay Maddax Magac qurxoon lah , oo aan leheyn Sifadda Magacoodu sheegayo? Yaa ka mid ah?=Nasashada Jimcaha.Q-218=

0
Friday September 18, 2020 - 20:05:37 in Wararka by
  • Visits: 1600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weli ma ku sirantay Maddax Magac qurxoon lah , oo aan leheyn Sifadda Magacoodu sheegayo? Yaa ka mid ah?=Nasashada Jimcaha.Q-218=

    1- Haweeneey Foolaneeysay ayaa dhashay Wiil, Umulisadii ayaa la yaabtay markii ey aragtay Wiilkii oo markii uu dhashayba Qoslaayo. Waxa ey dareentay in Wiilka Gacantiisa ey wax ku jiraan. Markii ey Gacantiisa Furtay waxa ey ku aragtay 3 Xabbo oo ah K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Haweeneey Foolaneeysay ayaa dhashay Wiil, Umulisadii ayaa la yaabtay markii ey aragtay Wiilkii oo markii uu dhashayba Qoslaayo. Waxa ey dareentay in Wiilka Gacantiisa ey wax ku jiraan. Markii ey Gacantiisa Furtay waxa ey ku aragtay 3 Xabbo oo ah Kaniiniga Ubadka Uurka ku jiro lagu soo Tuuro. Wiilkii ayaa ku qeyliyay Hooyo weli waan Noolahay ee Naaska ii nuuji, hana i sumeeyn. ( F.S: 1aad) (Haddii Adiguna aad u baahan tahay 3 Kaniini oo khatar kasta aad uga badbaado. Ha moogaan Qur'aanka , Axaadiithta iyo Sunnadii Rasuulka CSW).

2- Nin ayaa la weeydiiyay , Haddii lagu yiri: Billadda, Nabadda Aduunka ee "Nobel Peace Prize” Qof somaliya sii. yaad siin leheeyd?. Waxa uu yiri: Ninkii Qabo 4 Xaas oo Reer Gaalkacyo ah, ee Farxad ku seexday Nabbadna ku soo toosay.

( Nin kale ayaa yiri: Anna waxaan siin lahaa Ninkii " Diaspora Warlords) Qurba Joog Xil u dhiibay ee Xabbad la’aan ka qaaday, iyo kii Qurba joog Darajo siiyay ee Dollar ka ilaaliyay).

3- Wiil ayaa Saaxiibkii macasalaameeyay, kuna yiri: Taajir Habeen wanaagsan. Gabar Meesha mareeysay ayaa ku tiri: Aboowe maad Super Marketkaan Nagu leexisid, Haddii aad deg deg san tahayna i sii Numbarka Telephone kaaga. Waxa uu ku yiri: Abaay Anigu Taajir ma ihi ee Magaceeyga ayaa Taajir la yiraa. ( F.S: 2aad)

( Weli ma ku sirantay Maddax Magac qurxoon lah , oo aan leheyn Sifadda Magacoodu sheegayo? Yaa ka mid ah?)

4- Oday 60 jira oo Taajir ahaa, ayaa waxa uu Qooyskeedii ka doontay Gabar 17 jir ah, waa la siiyay waxa eyna u dhashay 10 Caruur ah. Muddo kadib Odaygii waa Hanti beelay. Isaga iyo Qooyskiina waxa ey u guureen Magaalo kale. Caruurtiina waxa ey Bilaabeen in ey Magaalada ka tuugsadaan, Bacdamaa Aabahood uuna shaqeey Karin, Horena uma barin Xirfado ey ku shaqeeystaan.

Islaantii ayaa waxa ey aragtay in Duqeedu uu iL ka dhacsan yahay. waxa ey weeydiisay ishaan kaa maqan Goormeey ka dhacday. Waxa uu yiri: Markii aan ku guursanayay waa iga dhacsaneed, ee Adigaan i weeydiin intaan Hantiilaha lahaa. ( F.S:3aad)



( Ar Dollaraa! Muxuu Doqon dheexaa Xildhibaan ama Mas’uul ka dhigay, Markuu Xilka ka dhacayna la ogaaday inuu Doqon yahay)

5-Nin ayaa waxa uu qabay Cudurka Kansarka oo Baarka iyo Uur ku jirka oo dhan ku fiday, Sanka iyo Afkana dhiig ka keenay. Dhakhtar ayuu u tagay Baaritaan dheer kadib. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Saddax Bil kadib waad dhimanee. Ninkii Bukaanka ahaa waxa uu dilay Dhakhtarkii. Maxkamad ayaa la geeyay waxa eyna ku xakuntay 36 Sanno oo Xabsi ah. Laakin Ninkii 3 Bil kadib ayuu dhintay. (F.S:4aad)

( Dadka qaar Ciladahooda aadan xalin Karin looma sheego. Dowlad Saddax Bil u dhiman tahayna Saadaasheeda looma sheego)

6- Nin ayaa Garoob deriskiisa ahaa oo uu aad iyo aad u jeclaa laga aroosay , oo Qol ku dhagan lala soo degay, shanqar ayuu maqlay Habeen barkii, isaga oo aad u Maseeyrsan ayuu Iriduu ku soo furay, .Surwaalkii ayuuna isga Siibay, si Ogaal la’aan ah ,kuna yiri: Ninka Baafka dharka ku dhaqanayoow Surwaalkaan iigu dar. ( F.S: 5aad)

( Maamul Gobaleed Shirkii 1aad iyo 2aad loo diiday hadduu Irida kuu soo Garaaco, wax kasta ka filo).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip