
Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi ka dhacay Qarax Khasaare gaystay.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, kaasi oo maraayay meel ku dhaw Isbitaalka Al Biri ee u dhaw Siinka dheer.
Qaraxaasi ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Askartii saarnayd gaariga, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Al Biri halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu daaweynaayo.
Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontaroolka Siinkadheer ayaa u gurmaday Ciidanka waxyeelada ay soo gaartay, waxaana ay xireen wadada markii uu dhacay Qaraxa.
Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo dhisme uu ka socdo ayaa dhinaca kale waxaa jirta halis wayn oo ka taagan maritaanka wadada, maadaama Miinooyin Al Shabaab wadada ay ku aasaan, taasi oo halis ku ah socodka wadada. ,,,


0 



Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, waxaa halkaasi ka dhacay Qarax Khasaare gaystay. Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, kaas