WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA OGTOOBAR 2015-KA

0
Saturday October 03, 2015 - 08:39:28 in Wararka by
  • Visits: 1605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 3-DA OGTOOBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO KA SOO LAABTEY SHIRKA GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dorraad dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, ka dib socdaal saddex maalmood ah oo uu k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO KA SOO LAABTEY SHIRKA GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY Madaxweynaha Jamhuriyadda Feder aalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dorraad dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, ka dib socdaal saddex maalmood ah oo uu ku te gey magaalada New York ee dalka Mare ykanka, halkaas oo uu kaga qeybgaley Shirkii 70-aad ee Golaha Guud ee Qara mada Midoobay.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa ka qeybgaley shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir madaxeed ku saabsan la dagaalanka xag jirnimada, shir madaxeed ay isugu yimaa deen madaxda dalalka Afrika ee ciidam madooda qeybta ka ah AMISOM iyo kula mo kale. Waxaa kale oo uu Madaxweyn aha kula mo la qaatey madaxda caalamka qaarko od oo ay ka mid yihiin Madaxweyn aha Dji bouti, Md.Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Came ron, Bo qorka Jordan, Boqor Cabdalla Bin Xuse en, Boqorka Swaziland King Mswati III iyo madax kale.

Md.Xasan Sh.Maxamuud iyo wafdigi isa waxaa garoonka diyaaradaha ee M/Muqd isho ku soo dhoweeyay G/ Baarla manka FS,Md.Maxamed Cusmaan Jaw aari iyo mas’uuliyiin kale.-DHAMMAAD-

DOWLADA OO BILAABAYSA WADATASHIYA DA ISBADALKA LA DOONAYO 2016-KA

Xilli Labada Gole ee Dowlada Federa alka Soomaaliya si rasmi ah u shaaciyeen ina an suurta gal ahayn in 2016-ka dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa Dowlada waxay ka fekereysaa marka la ga aro sanadka 2016-ka waxa dhici kara.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay Iney bilaabanayaan wada tashiyo ay isugu imaanayaan madaxda dalka,maamul gob oleedyada iyo Bulshada rayidka oo looga arinsan doono aayaha dalka iyo sida laga yeelayo qorshaha 2016-ka.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay war baahinta Risaala ayaa sheegay in bisha December dhamaadkeeda Dowlada Soo maaliya la imaan doonto qorshe cad oo la gu wajahayo sanadka 2016-ka iyo Hiigs iga la doonayo in la gaaro.

Sidoo kale,Daa’uud Aweys,ayaa sheeg ay in hadda shaqada ay si toos ah u bila abatay dhawaana Muqdisho lagu qabtay shir looga tashanayey aayaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka. Shir ka dhacay mag aalada New York oo ay ka qeyb galeen madaxda sare ee Dowlada,xubnaha Bee sha caalamka iyo dalalka daneeya arima ha Soomaaliya ayaa lagu garowsaday in sanadka 2016-ka doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhici karin,meeshana looga saar ay in Hay’adaha dastuuriga ee Dowlada aan mudo kororsi sameyn Karin.Siyaasa da Soomaaliya ayaa hada meel xasaasi ah mareyso,iyadoo ay jiraan khilaaf imin ka ka dhaxeeya Dowlada oo ku aadan mo oshinka laga gudbiyay madaxweynaha So omaaliya,kaasi oo looga dalbaday inuu Xil ka iska casilo.

GUDOOMIYAHA DEGMADA JALALAQSI OO KA WARBIXIYAY WEERAR LAGU QAADAY HOOYGIISA

Wararka ka imanaya degmada Jalal aqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabab ay weerar ku qaadeen guriga uu ka dagan yahay degmada Jalalaqsi guddoomiyaha degmada Maxamed Cabdulle Fiidow (Max amed Ganey).

Weerarka lagu qaaday Hooyga gu do omiyaha Jalala qsi ayaa socday mu ddo koo ban,waxaa na qas aaraha ka dhashay lagu shee gay dhaawac soo gaaray mid ka ah ilaalada gudoomiyaha.

Weerarka oo dhacay habeen hore saq dii dhexe,ayaa gudoomiyaha degmada Jal alaqsi ee gobolka Hiiraan wuxuu shalay warbaahinta uga warbixiyay qasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo Cida soo qa aday,isagoo sheegay in wax dhib ah ays an ka soo gaarin ayna iska caabbiyeen weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen balse mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaaw ac ka soo gaaray.

Sidoo kale,Wuxuu gudoomiyaha Carra bka ku adkeeyay ilaa iyo dhulka howdka ay ku ceersadeen dagaalyahanadii Al-sha baab ee weerarka soo qaaday,sida uu hadalka u dhigay.Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka,waxayna bartooda ku shaaciyeen in gudoomiyaha weerarkaasi si dirqi ah kaga badbaaday.

RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA IYO BANKI-MOON OO KA WADA HADLAY XAALADA SOOMAALIYA

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo ka qeyb gal aya shirka kala fadhiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xafiiskiisa ku booqday xoghayaha guud ee Qarama da Midoobay Banki-moon. Ra’iisal was aaraha iyo Xoghaha guud ayaa ka wada xaajooday arimo la xiriira hormarkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya ay gaartay.

Ugu horeyn,Cumar C/rashiid Cali Shar marke,ayaa soo hadal qaaday dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo waliba hormarka laga sameeyay,inkastoo uu she egay in wali ay harsan tahay dhismaha maamulkal Gobolada Hiraan iyo Sh/dh exe,sidoo kale,ra’iisal wasaaraha ayaa xu say in natiijo wanaagsan ay ka soo bax day shir wada tashi bishii hore 19-21 September ka dhacay Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ca rrabka ku adkeeyay in Dowlada waajibaad uu ka saaran yahay iney ixtiraamto Laam aha Dowlada sharci dejinta iyo Fulinta.

Sidoo kale,Wuxuu Cumar Cr/rashiid u sheegay Banki Moon in Bulshada iyo da dka Talada ay ka go’do lagala tashanayo sida ay noqon karto doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo sanadka 2016-ka, inkastoo Dowladda horay u shaacisay in aanay qof iyo cod doorasho dalka ka dhici Karin. Labada Hogaamiye ayaa isku raac ay si da loogu baahan yahay xoojinta Man date-ka Q/M. ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya kuwaasi oo guulo la taa ban karo ka gaarayo dagaalka Al-shaba ab si da 2da mas’uul ay sheegeen.

TALISKA BOOLISKA SOOMAALIYA OO SHEEG AY IN PUNTLAND AY ULA MACAAMILAAN SI KA DUWAN MAAMULADA KALE

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliye ed Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaa mud,ayaa ka hadlay Howlaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo xiriirka kala dhaxeeyo maamul goboleedyada dalka ka dhisan. Marka Hore,Generaal Xaamud ay aa sheegay in Ciidamada Booliska Soom aaliyeed ee ka howlgala maamul gobole edyada dalka Sida Koonfur Galbeed, Ga lmudug iyo JubbaLand uu xiriir wanaags an kala dhaxeeyo kana warqabaan kan xafiis ahaan,inkastoo tirada Ciidamada Bo oliska ee ka howlgala JubbaLand uu sha aciyay iney aad u yar yihiin.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Taliya ha Ciid anka Booliska Soomaal iy eed Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaam ud, maad aama ma amul goboleedka Pu ntland uu ya hay ma amul wax badan soo dhisnaa, isla marka ana ka horeeyay maamulada KMG ee hadda jira si gaar ah xagga Booliska ugala macaamilaan.

Sidoo kale,Generaal Xaamud ayaa car rabka ku adkeeyay in deeqaha ay ka hela an dalalka daneeya arimaha Soomaaliya iney si siman ugu qeybiyaan gobolada da lka si loo hormariyo hannaanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. jer Xaamud ayaa Hadalkaan ka sheegay Warbaahinta Dowl ada. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay aa lagu ammaanaa iney qeyb weyn ka qa ataan sugida amniga dalka iyo waliba dib u dhiska,waxayna taageero kala duwan ay ka helaan beesha caalamka.

Tan iyo Markii la magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gener aal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud, ay aa la sheegaa in Ciidamada Booliska uu moral ahaan wanaagsan yahay.

RA'IISAL WASAARAHA KHUDBADA UU KA JEEDIYAY SHIRKA GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo habeen hore Khudbad ka jeediyay Shirka loo dhan yahay ee Golaha amaanka ee Q/Midoob ay ayaa inta badan wuxuu khudbadiisa dii rada ku saaray hormaradii ugu danbeeyay iyo waliba kheyraadka Soomaaliya dhexe yaala ee aan cidi eegeyn.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Soom aaliya ay leedahay Xeebta ugu dheer Afri ka, oo ay ka buuxaan Saliid iyo Gaas ,isa goona carabka ku dhiftay in Soomaaliya ka soo laabatay meel Halis ah, hadana ho rmaro la taaban karo ay ku talaabsaneys.

"Qiyaastii Waxaan leenahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer dunida,oo ay ka bu uxaan Saliid iyo Gaas,Waxaan si xoogan u wadnaa dib u dhiska iyo hormarka da lka, si aan kheyraadka dihan dalkeena uga faa’ideysan lahayn,Fiiriya Fool xuma da halka aan ka soo noqonay,Waxaana ka mahad celineynaa balaayiin Lacago ca nshuuraad laga soo qaaday oo Sooma aliya lagu bixiyay,”ayuu Yiri Cumar C/ras hiid.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaare Cumar C/ra shiid Cali Sharmarke ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ahayd wadanka kaliya ee madaxweynihii ugu horeeyay si dimuqra adiyad lagu soo doorto,isagoona cadeey ay in hormarka uu yahay mid isdaba joog ah oo mid maalin la gaarayo.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Soomaa liya ayaa xusay in taageerada beesha caa lamka ay tahay mid wax badan ka tartay xaaladihii kala duwanaa ee dalka Soo ma ray,wuxuuna beesha caalamka ka dalbad ay iney sii wadaan taageerada Soomaliya

DOWLADA SOOMAALIYA IYO BANGIGA ADUU NKA OO NAYROOBI KU KALA SAXIIXDAY HE SHIIS LAGU BIXINAYO MUSHAARKA SHAQAA LAHA DOWLADA

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Ad duunka ayaa shalay Magaalada Nayroobi ku kala saxiixday heshiis mudo shan sano ah soconayo oo ay ku baxeyso lacag dha n 144 milyan oo doolar,taasi oo lagu bixin doono mushaaraadka shaqaalaha dowla da dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira. Heshiiskan ayaa waxaa dowlada Soomaaliya u saxiixay wasiirka maaliyad da Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeet i),iyadoo dhanka Bangiga aduunkana ay u saxiixday Mss Bella Bird oo bangiga add uunka u qaabilsan Soomaaliya.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka maaliya dda ee mamulkaPuntland C/llahi Shiikh Axmed,wasiirka maaliyadda Jubbaland Ibr aahim Xasan Cabdi iyo wasiirada Maaliy adda Galmudug iyo Koonfur galbeed Soo maaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale dha nkooda ka saxiixay qaar ka mid ah wadda mada deeq bixiyaasha ah ee lacagtan bixi yay oo ay ka mid ahaayeen Midowga yur ub iyo dowlada talyaaniga,waxaana dhan ka dowlada talyaaniga u saxiixay safiirka dowlada talyaaniga u qaabilsan Soomaali ya Fabrizio Marcelli,halka midowga yuru bna ay u saxiixday Mss Daria Fane.

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumada So omaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Far geeti) ayaa ka dib saxiixa heshiiska u she egay warbaahinta in mashruucan oo ay ku kaceyso lacag dhan 144 milyan oo doolar uu yahay wajigii labaad oo ay dowlada So omaaliya la saxiixato Bangiga Aduunka.

Wasiir Fargeeti ayaa intaasi ku daray in dowlada Soomaaliya iyo maamul gobolee dyadaba ay si wanaagsan u maamuli doo naan lacagtan oo aysan mari doonin meel aan ahayn halkii loogu tala galay.

Bangiga adduunka iyo wadamada de eq bixiyaasha ayaa sanadihii ugu danbee yay dhinacyo badan ka taageerayay dowl adda Soomaaliya.

SHIRKAD BIXISA SHIDAALKA DIYAARADAHA OO SHALAY KA SHAQO BILLOWDAY GAROONKA AADAN CADDE

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo du ulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaa raddaasi ayaa shalay ka qeybgalay mun aasabad xarigga looga jarayay shirkad cusub oo shidaalka siineysa diyaaradaha, taasoo ka shaqeyneysa gudaha garoonka Aadan Cadde.

Madaxa shirkadda HASS ee lagu ware ejiyay shidaalka diyaaradaha ee garoonka Aadan Cadde C/raxmaan Cali Axmed ay aa sheegay in shirkadani ay ka shaqeyso shidaalka diyaaradaha iyo kan baabuurta, wuxuuna intaasi raaciyay in shirkaddu ay ka howlgasho waddamo badan oo Africa ah. Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadi idka Maxamed Isaaq Cismaan ayaa soo dhaweeyay shirkada HASS inay ka howlg asho garoonka diyaaradah Aadan Cadde, isagoo xusay iney tahay markii ugu horre eysay ee shirkad shidaalka siisa diyaara daha oo ay Soomaali leedahay laga furo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale wasiirka gaadiidka iyo duul ista hawada Cali Axmed Jaamaca Jengeli oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ey dalkooda maalgashadaan, isagoo soo dhaweeyay howsha shirkaddu ka bilawd ay garoonka Aadan Cadde.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSIXIYAY SHARCI GA WAX KA QABADKA MIINADA IYO WALXAHA QARXA

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Fed eraalka Soomaaliya ayaa Dorraad isugu yi mid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Mudane Cabdullaahi Jaamac Il-ka-jiir, iyadoo looga hadlay qod obo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ansixin ta sharciga wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa, Ansixinta dhismaha Hay'adda wax ka qabadka Miinda iyo Wa lxaha Qarxa (SEMA).

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii si qota dheer uga dooday hindise sharciye edka wax ka qabadka Miinda iyo Walxaha Qarxa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana faah faahin dhe er ka bixiyay Wasiirka Wasaaradda Amni ga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxam ed, isaga oo xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay helista iyo nidaam xaqiijinaya wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qa rxa oo dhibaato ku haya dadka iyo xool aha ku dhaqan miyi iyo magaaloba, maa daama dalku soo maray dagaalo kala duw an ayna jiraan walxo aan weli qarxin, kuna aasan dhulka hoostiisa, markastana ku qa rxa si aan ku talagal aheyn, ayna dhibaat eeyaan shacabka iyo hantidiisaba.

"Waxaa cad baahida loo qabo in la he lo barnaamij ku haboon howsha Miinada laguna baajinayo dhibaatada iyo khatarta aadami ee ka dhalata Miinda dhulka iyo walxaha aan weli qarxin” ayuu yiri Was iirka oo xusay in Miinada iyo Waxlaha kale ee qarxa ay dib u dhac dhaqaale u keento degaanada, maadaama laga cabsi qabo in la maalgashado ama dib u dhis iyo hor umarinba lagu sameeyo.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii ansixiyay sharciga wax ka qabadka Miin ada iyo Walxaha Qarxa, waxayna sidoo kale isla kulankoodan ku ansixiyeen dhis maha hay’adda wax ka qabadka Miinada iyo Walxaha Qarxa (SEMA).

Ugu dambeyntiina golaha Wasiirada ay aa meel mariyay xeer nidaamiyaha hay’ addaha Caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka howlgala ee ka shaqeeya howlaha Mii nada iyo Walxaha Qarxa.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO GAROON DIYA ARADEED CUSUB MUQDISHO KA DHISEYSA

Cali Jaamac Jangali Wasiirka Wasaar ada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuk umadda Soomaaliya ayaa sheegay in xu kumaddu ay wado qorshe lagu dhisi doo no Garoon Diyaaradeed oo aad u weyn isl amarkaana looga maarmi doono Garoon ka hadda Muqdisho ka shaqeeya ee Aad an Cadde. 18

Wasiirka ayaa sheegay in Garoonka Diy aaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde uu sii yaraanayo islamarkaana howlaha uu qabto ay aad u fara badan yihiin, isagoo cadeeyay in loo baahan yahay garoon baaxad wayn,Wasiirka Gaadiidka ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya Mash ruuca Dhismaha Garoonkaasi ay kala kaa shan doonto Dowladda Shiinaha, horaan ta bishaan, sidoo kale waxaa la hadal ha yaa in Shiinaha uu dib u dhisi doono Wa dooyinka Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad ka dhacday Ma gaalada Muqdisho oo Safiirka Shiinaha Wasaarada Gaadiidka uu ku Gudoonsiina yay Qalab Xafiiseed heer sare ah, iyadoo dhowr jeer horay loo sheegay in Shiinaha dhismooyin casri ah dhamaadka sana dkaan ka fulin doonto Magaalada Muqd isho.

WADDO ISKU XIRAYSA CAABUDWAAQ IYO HOBYO OO LA DHAGAX-DHIGAY IYO MUDANE KA HADLAY

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Dha gax dhigay Wa ddo isku xirido onta Degm ooyinka Caabu dwaaq iyo Hob yo oo ka ka la tirsan Gobolla da Galgadu ud iyo Mudug ,Iya doo dhismaha waddadan uu ka hadlay Xild hibaan Maxa med Geeddi Cawaale oo ka mid ah Guddi ga Dib u Dhis ka Waddo oyin ka iyo Dekedd aha Galmudug

Shirkadaha ku howlan Dhi smaha Wa dda dan oo ka billa abata Afaafka hore ee M/ Cadaado, wa lina ma helin maalgalin balaaran oo haw sha lagu wadayo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas'uuliyi inta Maamulka Galmu dug.

Md.Cilmi Nuure Wehliye oo Madax ka ah mid ka mid ah Shirakadaha Dhismah an wada ayaa sheegay inay faleen dhawr kii maalmood ee lasoo dhaafay dhul 1-km ah oo ay ku shubeen carro-kaawo; taasoo uu xusay in laamiga ugu horreeya ay saari doonaan.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Cabdullaahi C/raxmaan oo isna saxaafa dda kula hadlay goobta dhagax-dhigga wa ddadan ayaa sheegay in waddadaan ay mari doonto Deegaannada Gidhays, Ardo, Baxdo, Qaydaro, Bajeela, Wisil, Gawaan iyo Hobyo, iyadoo Galbeedna u aadi doon ta Degmada Caabud-waaq.

Sidoo kale, Cabdikariin Guuleed ayaa isna sheegay in ka maamul ahaan ka sha qaynayaan hormarinta kaabayaasha dha qaalaha, waxaana dhismaha jidkan uu u gu yaboohay 50-kun oo Doollarka Mareyk anka ah. Dhanka kale, Xildhibaan Maxa med Geeddi Cawaale ayaa isagoo Muqdi sho ku Sugan u sheegay HOL in tani ay ta hay tallaabadii ugu Muhiimsanayd oo uu qaado Maamulka tan iyo markii lagu dhi say Cadaado.

"Wadadan la dhisayo waxay muhiim u tahay isku xira deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug, waxay fududeyn do ontaa kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo ka le waxay qayb ka qaadanaysaa howlaha dekedda Hobyo oo dhawaan la dhisi doono iyadana,” ayuu mar kale yiri Xildhib aan Cawaale oo ka mid ah Guddiga dib u Dhiska Waddooyinka iyo Dekedaha Maamulka Galmudug.

Ugu dabmeyn, dhismaha waddadan oo loo arko inay tahay mid muhiim ah u ah maamulka KMG ah Galmudug ayaa ku soo beegmaysa xilli Hawl-galinta Deked da Hibyo dhawaan la filayo

MAREYKANKA OO MAR KALE MUWAADINIIN TIISA UGA DIGAY INAY U SAFRAAN SOOMAALIYA

Mareykanka ayaa mar kale uga digay Muwaadiniintiisa inay u safraan Soomaa liya, iyadoo wali ay jirto khatar dhinaca amniga ah. War ka soo baxay Waaxda Arr imaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhashay Mar eykanka haddii ay tagaan Soomaaliya ays an heli karin caawinaadii ay u baahnaaye en marka ay dhibaato la kulmaan.

Mareykanka ayaa wax safaarad ah ku laheyn Soomaaliya, marka laga reebo in si KMG ah Safaaradda Soomaaliya ay u gu shaqeyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Digniinta ka soo baxday Mareykan ka ayaa lagu sheegay in xaalada amni ee So omaaliya aysan wali aheyn mid xasil an, Is la markaana ay jiraan weeraro ay geysan ayaan Al-Shabaab.

Mareykanka oo mar kale muwaadiniin tiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya

Sidoo kale waxaa laga digay afduubyo ay damacsan yihiin waxa loogu yeeray Arga gixisada, isla markaana qorsheynayaan in ay dilaan ama afduubtaan dadka Ajnabiga ee Soomaaliya tagaya, taasoo aan tilma ameyn halis toos ah ku tahay muwaadin iinta Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareyk anka ayaa uga digtay maraakiibta Caala miga ah in aysan u safrin biyaha Soomaa liya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ama ilaalo, waxaana warbixinta lagu sheegay inay wali jiraan halista bur cad badeeda. Ma ahan markii u horeysay ee Mareykanka uu uga digay muwaadinii ntiisa inay u safraan Soomaaliya iyo dal alka deriska la ah, iyadoo sanadkii 2014 sidan uu muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya.

WASAARADA HOWLAHA GUUD OO SHEEGT AY INAY BILAABAYSO DAYACTIRKA WADOOYINKA BUR BURSAN

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhis ka Xukuumada Soomaaliya Eng-Faarax Cusmaan Muuse ayaa sheegay in Wasaa radiisu ay wado qorshe ay dib u dayactir balaaran ugu sameyneyso wadooyinka muhiimka u ah dalka ee ku bur buray dag aaladii sokeeye ee dalka ka jiray.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhi ska ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha hada ay wadaan qeyb ka tahay dhismaha wadooyinka Halbowlaha u ah isku xirita anka gobolada dalka ee gaadiidka sida aad ah u isticmaalaan. Wuxuu sheegay Wasiirka in talaabadaan ay ka qeyb qaa daneyso dib u soo celinta bilicda dalka iyo dib u dhiskiisa,wuxuuna Shacabka Sooma aliyeed kula dardaarmay iney ka qeyb qa ataan qorshahan muhiimka ah.

Waddooyin muhiim u ah maritaanka ga adiidka ganacsiga ee isugu jira kuwa qa ada Rakaabka iyo Xamuulka ayaa hadda laga dareemayaa bur bur xooggan haba u gu badnaadaanee kuwa gobolada, kuwa asi oo dhibaato xooggan ku qaba.

Waddooyinka magaalada Muqdisho qa arkood ayaa Dowlada Turkiga waxay ku sameysay dib u dayactir kuwaasi oo loo ar kay iney Halbowle u yihiin ganacsiga hal ka kuwa kale wali u baahan yihiin dayactir xooggan. Tan iyo Bur burkii Dowlada dhe xe ee uu hogaaminayay Max’ed Siyaad Barre ayaa ma aysan helin waddooyinka dalka ee bu buray wax dayactir.

ISKU SOO BAX LOO SAMEEYAY ARDAYDII LAGU DILAY MACHADKA

Isku soo bax duco ah, ayaa xalay loo sameeyay ardaydii Khamiistii lagu dilay Machadka Roseburg Ee Gobolka Oregon Ee Wadanka Mareykanka. Ardayda ayaa waxaa dilay nin hubeysnaa.

Isku soo baxaan oo ka dhacay Magaalada Winchester, ayaa shu macyo loogu shiday ardayda la dilay, wax ayna dadku Warbaah Inta u sheegeen inay si weyn kaga xun yihii n dhacdadaasi.

Ninka weerarkan gaystay oo Warbaahinta Mareykanka ay magaciisu ku sheegtay Chris Harper-Mercer,ayaa deganaa dhis mo ku yaala Magaalada Winchester Ee Gobolkaasi Oregona.

Gudoomiyaha Gobolka Oregon, haweeneyda lagu magacaabo Kate Brown oo ka hadashay weerarkan, ayaa waxay muujisay sida ay kaga xun tahay, waxay na tacsi u dirtay qoysaska ardayda.

Kate Brown, ayaa sidoo kale sheegtay laa maha ammaanka in ay weli gacanta ku ha yaan baaritaanada weerarkan, isla-marka ana ay ka dhursugayan faah faahin ay ka soo saaraan.

Warbaahinta Mareykanka, ayaa warar is khilaafsan ka qortay tirada dadka lagu dilay weerarkaasi. Warbaahinta qaar wa xay sheegtay in lagu dilay 13 ruux, halka 20 kalana lagu dhaawacay. Warbaa hinta kalana waxay sheegtay in dhimashadu tahay sagaal ruux, halka dhaawacuna uu yahay 7 kale. Madaxweyne Barack Oba ma, ayaa dadka Mareykanka ugu baaqay in Congress cadaadis ku saaraan, sidii wa x ka bedel loo gu samayn lahaa sharciga haysashada hubka

FANAANADDA UMU SHARIIF OO KU GEERI YOOTAY HABEEN HOREM/MUQDISHO

Fanaanadda Umu Shariif oo ka mid ah Fanaaniinta Somaliyeed ee sanadahan da mbe ka soo shaac-bax ay ayaa habeen hore ku geeriyootay Isbitaal ka Banaadir ee M/ Muqdisho. Fan aanad da, ayaa 3xdii maalmo od ee ugu dambeysay ku xanu unsaneysay Muqdi sho, ka gadaal markii ay ka soo laabatay M/Jowhar, oo ay ma almi hii Ciidda ay ku qabatay bandhig fan eed.Agaasimaha Kooxda Hobolada Waabe ri,Maxamed Xasan Barrow, ayaa xaqiijiy ay geerida naxdinta leh ee ku timid Fanaa nadda, isagoona tacsi u diray qoyskii iyo eheladii ay ka baxday.

Agaasimaha, ayaa sheegay in Fanaan addu ay tagtey M/Jowhar iyadoo caafima ad qabta, lagana keenay iyadoo xanuuns an, ugu dambeena ay habeen hore ugu geeriyootay Isbitaalka Banaadir. Iyadoo shalay lagu aasay marxuumad uma shariifa m/muqdisho Umu Shariif, ayaa ka mid ahayd Fanaaniinta ugu da’da yar ee deggan M/Muqdisho, geerideeduna waa mid ay ka naxeen intii maqalka iyo muuq aalkeedaba taqaanay.dhammaan fannaa niinta soomaaliyeed ayaa ka tacsiyade ynaya geerideeda

HOGAAMIYIHII AFGAMBIGA BURKINO FASO GENERAL DIENDERE OO XABSIGA LOO TAXAABAY

Hogaamiyihii afgambi muddo gaaban qalqal geliyay dalka Burk ino Faso Gen Gilbert Diendere ayaa ciidamada amniga xabsiga u taxaabeen sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada Burkino Faso, Wararka qaar ayaa sheega yay in Generalkan uu hore isugu dhiibay safaarad aan la magacaabin caasimada Oua gadougou, hase ahaatee warka xar iga Generalkan ayaa waxaa soo dhoweey ay inta badan shacabka dalka Burkino Faso.Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalka Burkino Faso Mi chel Kafando ayaa dib loogu celiyay talada dalkiisa ka dib markii ay farogelin ku sameeyeen ciidamada iyo hogaamiyaasha galb eedka Afrika. Ilaalada madaxtooyada oo ka dambeeyay afg ambi gan ayaa la sheegay in la kala dirayo hase yeeshee taas ayaa waxa diidanaa Generalkan haatan xabsiga loo taxaabay.

Hantida uu leeyahay Generalka iyo 13 kale oo ka mid ahaa ciidamadii ku lug lahaa afgambiga ayaa la fariisiyay toddobaadkii hore.

Gen Diendere ayaa ka qeybgalay labo afgambi oo hore ugaga dhacay dalka Burkino Faso 1987dii kaasoo uu xukunka kula wareegay Blaise Compaore ka dib markii la diley Capt Thomas Sankara. Afgambigii dhowaan ka dhacay dalka Burkino Faso ayaa waxaa ku dhintey toban ruux halka boqol kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada afgambiga dhigay ay rasaas ku fureen dad banaanbaxyay oo ka soo horjeeday afgam biga.

CALANKA FALASTIIN OO MARKII UGU HORE YSAY LAGA TAAGAY XARUNTA QARAMADA MIDOOBE

Calanka Maamulka Falastiin, ayaa waxaa dorraad si rasmi ah looga taagay bannaanka hore Xarunta Qaramada Midoobe Ee Magaalada New York, waxaana suray Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas. Madaxweynaha, ayaa waxaa barbar taagnaa Xoghayaha Guud Qaramada Midoobe, Ban Ki-moon, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu iyo masuuliyiin kale. Ban Ki-moon ayaa la arkaayay isagoo dhoola-cadeynaya, wuxuuna Madaxweynaha Falastiin uu ugu yeeray in Calanku uu la soo ba xo, isla-markaana uu ku dhiirado in uu ka taaggo booskii loogu tallagalay. Madaxweynaha Falastiin oo khudbad ka jeediyay shirka Gola ha Ammaanka Qaramada Midoobe kaga soconaya Magaalada New York, ayaa shalay ku tilmaamay maalin mudan in lagu mah diyo. "Maanta{shalay} waa maalin la mahdiyo in Calanka Falast iin laga taaggo Xarunta Qaramada Midoobe. Waana wax wanaa gsan in la soo dhaweeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Falastiin shalay oo u ahyed markii calnka falastiin laga dul taagay Xarunta Qaramada Bidoobay .

Madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqay wixii maanta/dorraad ka dambeeyay inaanay dadka reer Flaastiin u hogaansami doonin heshiiskii, ay la gaareen Maamulka Yahuudda, sanadkii 1993-kii.

Mahmoud Abbas, ayaa sheegay Falastiin inaanay wax wada ha dalo ah la furi doonin Maamulka Yahuudda, illaa iyo inta ay adee gsanayan awood militari.

"Illaa iyo inta ay Israel diidan tahay heshiiskii ay inala saxiixatay, oo dhigaayay inaanu noqo laba dowladood oo jaar ah, iyadoo ay san wax awood ihi jirin, illaa inta Israel diidan tahay xasilooni ka dhacda Bariga Dhexe, xoriyadooduna ay ka siinayso dhalinteeda ku jirta xabsiyadeeda. Anaga ma sii ahaan doono kuwa keliya ee ilaaliya heshiiska, inta Israel si joogto ihi ugu xadgudbayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Mahmoud Abbas, ayaa dhinaca kale sheegay inay midayn doonaan Daanta Galbeed iyo Gaza, oo kala go’an. Gaza waxay ku jirtaa cunaqabateen uu Maamulka Yahuuddu saaray sanadkii hore. Boqolaal ka mid ah shacabka reer Falastiin, ayaa waxay habeen hore isugu soo baxeen Magaalada Ramallah, xilli ay sa re u lulayeen Calanka Falastiin. Wado laga shiday TV laga daaw anaayay khudbaddii Madaxweynaha Falastiin, ayaa waxaa la ar kaayay sida ay ula dhacsan yihiin dadka reer Falastiin.

Dadka reer Falastiin, ayaa si weyn u soo dhaweeyay in Calanko oda markii ugu horeysay laga taago afaafka hore ee Xarunta Qaramada Midoobe, waxayna dorraad u ahayd maalin taariikhi ah, oo taariikhduna ay xusi doonto.

BOOLISKA OO XIRAY WADOOYINKA SOO GALA HOYGII UU KU NOOLLAA NINKII WEERARAY MACHADKA ROSEBURG)

Ciidanka Booliska Mareykanka, ayaa waxay xireen waddooyi nka soo gala hoygii uu deganaa ninkii dhalinyarada ahaa, ee Khamiistii toogashada ka gaystay Machadka Roseburg Ee Gob olka Oregon. Ninka weerarkan gaystay oo Warbaahinta Marey kanka ay magaciisu ku sheegtay Chris Harper-Mercer, ayaa de ganaa dhismo ku yaala Magaalada Winchester Ee Gobolkaasi Oregona.

Xoogaga Booliska oo wata eeyda wax urisa, ayaa gudaha u galay hoyga ninkaasi, waxayna ka sameeyen baaritaano la xir iira weerarka uu gaystay iyo haddii ay jiraan cid ku gacan siisay weerarkaasi iyo haddii kalaba. Suxufiyiinta, ayaa su’aalo weydi inaayay dadkii garanaayay dhagarqabaha, kaasoo ay muuqato in aanu wax xiriir ah la lahayn kooxaha Islaamiyiinta, ee xilliyada qaar weerarada ka gaysta gudaha dalkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Oregon, haweeneyda lagu magacaabo Kate Brown oo ka hadashay weerarkan, ayaa waxay muujisay sida ay kaga xun tahay, waxayna tacsi u dirtay qoysaska arday da. Toogashada ka dhacday Machadka Roseburg, ayaa waxay Warbaahinta Mareykanku sheegtay in lagu dilay 13 qof, halka 20 kalana lagu dhaawacay. Warar kalana waxay sheegayan in dhim ashadu tahay 10 qof, halka dhaawacuna uu yahay 7 kale.

Weerarkan, ayaan waxyeelo ka soo gaarin xoogaga amni ga, sida uu Warbaahinta u sheegay John Hanlin oo ka tirsan Sa raakiisha Booliska Mareykanka. Boolisku waxay toogasho ku dileen gacan ku dhiiglaha. Booliska, ayaa waxay Machadka ka dhex helayn saddex bistooladood iyo laba qori, waxaana loo ma leynayaa inuu watay ninka toogashadan ka gaystay.

Wadanka Mareykanka, ayaa waxaa ku soo noq noqday dila lka ay gaysanayan dadka hubeysan. Tani waxay dood xoogani ka dhex abuurtay dadka Mareykanka.

LAMAANE ISRAEL U DHASHAY OO LAGU DILAY DAANTA GALBEED

Lamaane u dhashay Israel, ayaa waxaa habeen hore lagu dil ay Daanta Galbeed, dhulka shacabka re er Falastiin ee xoogga ku haysato Israel, iyadoo ay baxsadeen dabley hubeysan oo dilk aasi gaysatay. Lamaanahan, ayaa waxaa lagu dhex dilay gaar igoodii ga arka ahaa, xilli ay la socdeen afar carruur ah oo ay dha leen. Kuwii dilka gaystay ay aan waxyeelo u gaysan carruurtaasi oo kan ugu weyn uu sagaal sano jir ahaa, halka midka ugu yar na uu billo jiray. Cii danka Yahuudda, ayaa isla habeen hore bilaabay baa ritaano ka dhan dableydii dilka gaysatay, oo lagu tuhmaayo inay ka tirsan yihiin shacabka Falastiiniyiinta ee dhulkooda la haysto.

Hay’adaha ammaanka Yahuudda, ayaa maanta boqolaal askari soo dhoobay wadooyinka Daanta Galbeed. Askartu waxay baa ritaano adag ku samaynaysaa gaadiidka gaarka loo lee yahay.

Toddobaadkii hore, ayaa mid ka mid ah Ciidanka Yahuudda wuxuu si bareer ah uu Daanta galbeed ugu dilay gabar reer Fal astiin ah, taa oo xilligaa ka timid Jaamacaddii ay dhiganeysay.

Wadamada Reer Galbeedka, ayaa waxaa si xooggan loogu dhaliilaa inaanay waxba ka qabanayn gardarada uu Maamulka Yahuuda ku haayo dadka iyo dhulka reer Falastiin. Dalalka Car abta, ayaa iyana lagu eedeeyaa inay Falastiin ku e eganayan dhi baatada muuqato ee Yahuudu ku hayso, sidoo ka lana ay Yah uuda u muujinayan mid ay xushmad badani u hayaan

AGAASIMIHII BARIGA AFRIKA EE TALEEFISHINKA UNIVERSAL IYO SAXAFI CAAN AH OO LA XIRAY

Agaasimihii taleefishinka Universal ee Bariga Afrika Cabdullahi Xirsi Kulmiye iyo saxafiga ruugca daaga ah ee Cawil Daahir Salaad ayaa la gu xirey xarunta naba dsugida ma gaalada Muqdisho.

Xarriga agaasimaha iyo saxaf igan ayaan la ogeyn sababta keen tay iyadoo weriyaasha iyo shaqaala ha taleefishinka afka Soomaali ga ku hadla ee Universal xarunteeda Muqdisho ay sheegeen in loo ga yeeray xarunta Nabadsugida ka dibna ay waayeen xiriirkooda oo taleefanada gacan qaadka ah ay siteen hawada ka maqan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada amniga oo ku sa absan mas’uuliyiinta Universal iyo weliba mas’uuliyiinta sar sare ee taleefishinka Universal. Hase yeeshee wararka qaar ay aa she egaya in laga yaabo sababaha loogu yeeray agaasimaha iyo weriye Cawil Daahir ay tahay dood laga sii daayay taleefishin ka oo labo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ay ka hadl een aragtiyado oda ku aadan dowlada Soomaaliya.

Labada xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Cabdi Xaashi Ca bdullaahi ayaa barnaamijka Doodwadaag waxa ay ka she egeen hadalo lid ku ah dowlada kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in aysan ba jirin wax dowlad ah dalka Soomaaliya. Labadan xil dhibaan ayaa wararku sheegayaan in ay ka mid ahaayeen saxii xayaashii Mo oshinka laga keenay Madaxweyne Xasan.Sh. Xigasho:-jowhar.com.

NIGERIA: SHAN GABDHOOD OO WEERARRO QARAXYO AH KA FULIYAY MAIDUGURI OO AH XARUNTA G/BORNO

14-qof oo ay ku jiraan koox Gabadho ah oo is-qarxiyay ayaa ku dhintay, 39-ruux oo kalena way Dhaawacmeen, ka dib Qaraxyo ka dhacay Magaalada Maiduguri ee dalka Nigeira, sida laga soo xigtay Saraakiisha Amaanka dalkaas.

Gabdhahan Weerarka Qaraxyada ah geystay ayaa la shee gay inay ahaayeen shan gabdhood iyagoo Weerareen Masjid ku yaalla Magaaladaas iyo Guriga Hoggaamiye Dhaqameedka Mai duguri, iyadoo la sheegay in gabadhahan yar-yar loo maleynayo inay soo Adeegsadeen Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalkaas.

Sidoo kale, 100-qof ayaa ku dhintay qaraxyo noocan oo kale ah oo ka dhacay Magaaladaas laba toddobaad ka hor, kuwaa soo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda Boko Haram oo dagaal kula jirta Dowladda Nigeria.M/Maiduguri oo ku Taalla Wa qooyi-bari Niri geria ayaa ahayd xarun ay awood ku leedahay koo xda Boko Har am lixdii sano ee ugu horreysay markii ay dalkaas ka billaabeen weerarrada is-daba-joogga ah.

Tan iyo markii xilka loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Nige ria, Muhammadu Buhari bishii May ee Sanadkan ayaa la sheegay in Boko Haram ay 17,000 ruux ay dishay weerarro kala duwan oo ay dalkaas ka geysatay. Wariye ka tirsan BBC-da ay aa sheegay in Weerarkan ay geysteen Gabadhahan uu dhacay xilli ay Dadka Magaaladaas isku diyaarinayeen fiidnimadii xalay inay Tukadaan Salaaddii Maqrib.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Nigeria ayaa Warbaahinta u she egay in laga yaabo inay sare u kacdo khasaaraha ka dhashay Qara xyada ay sare u kici karto, Ilo wareedyo kale ayaa iyana sheegay in Gabadhaha Qaraxyadan Is-miidaaminta ah geystay ay ku jireen kuwo da'doodu ay ahayd sagaal sano jir.

Wariyeyaal ku sugan Nigeria ayaa iyagana sheegay in Gabdhah aan Qaraxyada ka geystay Maiduguri oo ah xarunta Gobolka Borno ee dalka Nigiera ay soo galeen Magaalada iyag oo u socday sidii hablo aroos galbinaya.

Bishii Juun ee Sanadkan ayaa Saldhigyo Millateriga dalkaas ay ku lahaayeen magaaladaas laga raray, iyadoo Buhari uu sheegay inuu Qaab ka duwan sidii hore ula Dagaallami doono Kooxda Boko Haram.Dhanka kale, Bartamihii Sannadkan ayay Saraakiisha Ciid amada Nigeria Waxay Sheegeen inay xoog uga soo furteen Boko Haram qaar ka mid ah gabadho ay sannadkii la soo dhaafay Afdu ubeen; ayna kooxda ka saareen deegaanno badan.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa imaanaya Xilli Madaxweyna ha dalka Nigeria Muhammadu Buhari uu Wacad ku maray markii Xilka loo dhaarinayay inuu soo Af-jarayo Kooxda Boko Haram oo tan iyo sannadkii 2009-kii ka waday dalkaas Weerarro iyo qara xyo khas aare naf iyo maalba leh geystay.

TALIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY CIIDAMADA DALKA UGANDA EE KA HAWLGALA G. SHABEELLADA HOOSE

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa u Magacaabay, Col. Omolo Peter Gatilano Taliyaha Ciidam ada Uganda ee AMSIOM ee ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoo se. Wamala ayaa xusay in taliyahan cusub uu Hoggaamin doono Guutada 16-aad ee ciidamada Uganda ee ka Tirsan AMISOM ee Gobolka Sh/Hoose ka Howlgala, isagoo bedeli doo na taliyihii hore ee Ciidamada Uganda ee 10-dii Bishii hore lagu Weeraray Deega anka Jannaale, Col. Bosco Mutambi oo shaqa da laga fariisiyay.

Col. Omola ayaa ahaa Taliyaha ciidamada Bariga Afrika ee aan weli howlgelin ka tirsanaa; iyadoo sidoo kale, taliyaha guud ee Ciidamada lugta dalka Uganda ee ka howlgala G/Sh/Hoose loo magacaabay, Jen. David Muhoozi. Sidoo kale, Col. Muhoozi oo isagu Booqday Somalia ayaa soo jeediyay in Col. Omola loo maga caabo uuna bedelo, Col. Bosco Mutambi, kaasoo wararku ay xusay aan in maxkamad loosoo taagi doono weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Saldhiga ay AMISOM ku leedahay Deega anka Jannaale.

Afhayeenka Millateriga dalka Uganda, Paddy Ankunda ayaa Warbaahinta Dalka Uganda u sheegtay Jimcaha ah in Col. Mut ambi uu weli ku sugan yahay Somalia; Laakiin uu dib ugu soo laaba nayo Kampala, marka howsha uu hayo uu wareejiyo.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay saldhi gga AMISOM ee Jannaale looga dilay 19-askari, inkastoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay inay weerarka ku dishay in ka badan 50-askari oo Ciidamada Uganda ka tirsan.

Ugu dambeyn, Col. Omola oo horay uga mid ahaa saraakiishii ciidamada dalka Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM oo Al-shab aab ka Saaray M/Marko ee Xarunta G/Sh Hoose ayay dowladda Ug anda sheegtay inuu Weerarro ka dhan ah Al-shabaab qaadi doono marka uu xilka ciidamada la wareego. Si kasta ha ahaa tee, G/Sh/Hoose ee K/Soomaaliya ayaa Wa xaa ka howlgala ciid anka Uganda, kuwaasoo Dagaallo Qaraar la galay Al-shabaab, kana qabsaday deegaanno dhowr ah oo Gobolkaasi ka tirsan.

NUSOJ OO CAMBAAREYSAY XARIGGA MAAMULKA SARE EE TELEF ISHINKA UNIVERSAL, SHAQO KA JOOJINTA XAFIISKA TELEFSIHIN KA MUQDSHO, KUNA BAAQDAY IN XORRIYADODA DIB LOGU SOO CELIYO

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUS OJ) ayaa camba areeyay xarigga qaar ka mid ah maa mulka sare ee Unibersal, iyo sha qo ka joojinta lagu sameeyay xafiiska telefishinka ee Muqdisho, isla ma rkaana ku baaqay in xorriyadooda dib loogu soo celiyo, loona ogolaado in telefishinka shaqadiisa dib u bilaabo Cawil Daahir Salaad oo ah da adiyaha barnaamijka Doodwadaag iyo Cabdullahi Xersi oo ah agaasimaha Bariga Afrika ee Telefishinka ayaa waxaa looga yeeray Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir, su’aala na halkaa lagu weydiinayay. Waxaana xalay xafiiska Universal ee Mu qdisho NUSOJ u xaqiijiyeen in ay xiran yihiin.

Sida ay xafiiska Universal ee Muqdisho u xaqiijiyay NUSOJ, Cawil Dahir iyo Cabdullahi Xersi waxaa u wacay hay’adda Nabadsugidda Qa ranka, waxaana goor fiidkii xalay ah la demiyay taleefoonadooda gaca nta, iyadoo xaqiijiyay xarigga masuuliyiintaas.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo MaamulkaI Universal xafiiska Muqd isho ayaa NUSOJ u sheegay in sababta loo xiray ay uga shaki qabaan inay la xiriirto barnaamij ka baxay telefshinka, gaar ahaan barnaamijka Doodwadaag oo uu Cawil Dahir daadihiye ka yahay.

Abdiasis Ibrahim Axmed, tifaftiraha Telefishinka Universal ee Xafiis ka Muqdisho ayaa NUSOJ u sheegay in ciidamada Nabadsugidda ay ku bixiyeen amar in xarunta aanay wax shaqo ah qaban Karin ilaa am ar dambe, kuna amray waardiyayaasha in ay demiyaan nalalka banaan ka. Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed xarigga weriyayaasha iyo shaqo ka joojinta lagu sameyay xafiiska Telefishinka, waxa uu ku baaqayaa in laga joojiyo su’aalo weydiinta lagu hayo Agaasimaha Uni versal iyo weriye Cawil Dahir, isla markaana xorriyadooda dib loogu soo celiyo. "Waxaan codsaneynaa in saaxiibadeen xorriyadooda loo soo celiyo, loona ogolaado in xafiiska telefsihinka shaqadiisa dib u bilaabo, iyadoo la ixtiraamayo xoriyadda Saxaafadda” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliye ed ,Maxamed Ibra him, isagoona intaasi ku daray in xorriyadda saxaaf addu ay aas-aas u tahay horumarka bulsho walba oo horumarta. Wixii faahfaahin dheeri, waan iidinla soo wadaagi doonaa Insha allah

©2015 National Union of Somali Journalists is an independent national Journalists’ Trade Union that was established to promote press freedom and defend the rights of the working Journalists for Decent working Conditions. Email: nusojsomali@gmail.com | Mogadishu, Somalia

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip