
Taabit "Shirka Muqdisho kadib wixii sii jiitama waxa ay ka marqaati kici doonaan damac liita"
Marka la eego halka ay maanta Soomaaliya joogto, ma xamili karto waqti lumin siyaasaddeed, jahwareer doorasho iyo xifaaltan kooxeed. Ummaddeena intaas waa ka baahi badan tahay, waana ka maamuus weyn tahay.
Shirka#Muqdishowaa inuu noqdaa midkii gunnaanadi lahaa geedi socodkii shirrarka, doodihii arrimaha doorashooyinka iyo khilaafkii soo jiray, waana inuu xaaladda taagan si waadix ah u go’aamiyaa. Waxa qura ee la qaadan karo waa inuu shirkan kadib dalku doorasho aado, si ayshacabka, xisbiyada iyo cid walba u qaadato kaalinteeda.
Waxaan boggaadineynaa in dhammaan dhinacyadu aqbaleen iney#Muqdishoisugu yimaadaan, waxaana ku baaqeynaa in danta guud loo tanaasulo oo aan waqti kale laga lumin shacabka Soomaaliyeed ee indhaha iyo dhaggaha ku haya shanqarta siyaasiyiinta.
Wixii hadda kadib sii jiitama waxaa ay ka marqaati kici doonaan damac liita iyo mas’uuliyad darro, waxaana ceebteeda qaadan doonta ciddii fasha.
Taabit "Shirka Muqdisho kadib wixii sii jiitama waxa ay ka marqaati kici doonaan damac liita"
Gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ayaa fariin uu bartiisa facebook soo dhigay ku muujiyay dareenkiisa shirka la filayo inuu muqdisho uga qabsoomo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Hogaamiyaha xisbiga awoodda shacabka wu