
Ismaamulka Tigreega oo saaka doorasho qabsanaya
Guddiga doorashada oo ay samaysteen Ismaamulka Tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhacaysa doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay.
Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol iyo todobaatan) goobood oo laga codeyn doono, iyada oo ay codka dhiiban doonaan 2.7 malyan oo qof.
Doowlada federaalka Itoobiya, ayaa doorashadan ku tilmaamtay sharci darro, waxaana diiday aqalka sare ee baarlamaanka dalkaas ee loo yaqaan house of federation.
Doorashada Itoobiya oo lagu waday in ay dhacdo bishii Agoosto, ayaa dib loo dhigay muddo 9 bilood ah sababa la xiriira COVID-19, balse ismaamulka tigreega ayaa diideen arintaasi. .
Ismaamulka Tigreega oo saaka doorasho qabsanaya
Guddiga doorashada oo ay samaysteen Ismaamulka Tigreega Itoobiya ayaa sheegay in saakay oo arbaco ah ay dhacaysa doorashada xilli guud ahaan doorashooyinka Itoobiya dib loo dhigay. Guddigu wuxuu sheegay in la diyaariyay 2,672 (Laba kun lix boqol i