HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-SEP-2020...

1
Wednesday September 09, 2020 - 10:09:34 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-SEP-2020...

    Villa Somalia oo shaacisay waqtiga uu furmayo shirka DF iyo maamul goboleedyada Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Do wladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleed yada ee looga hadlayo arrimaha door

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Villa Somalia oo shaacisay waqtiga uu furmayo shirka DF iyo maamul goboleedyada Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay waqtiga uu furmayo shirka Do wladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleed yada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyin ka.Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Ca bdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in shir ka Maamulada dalka iyo Dowladda Dhexe uu Maalinta Khamiista ah ee taariikhda tahay 10 Bisha September ka furmi doono Madaxtooya da. Agaasime Cabdinuur ayaa she egay in shirkaas lagu dhameys tiri doono hanaanka doorashoo yinka dalka. Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 ay asal u noqon doonaan shirka dhawaan u fur mayo Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada. Dhawaan ayey aheyd markii madaxwey nayaasha Jubbaland, Puntland iyo madaxwe yne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay isku fahmeyn in shir kale loo qabto dhammaan maa mul Goboleedyada si loo gaaro go'aan loo dhan yahay oo ku saabsan qaabka ay noqone yso doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo. Hadalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa ku soo aadayo xilli madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ay shir ku yeelan rabaan Magaalada Baydhabo halkaas oo ay kaga tashan doonaan shirka Muqdisho ka furmayo, waxaana hadda Baydhabo ku wa da sugan Lafta Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare iyadoo la filayo inuu ku biiro Axmed Qoor Qoor.
Cali Mahdi oo shaaciyey ujeedka kulankii Hawiye u qabtay A/Madoobe iyo Deni

       Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madax weyneyaashi hore ee dalka oo Dorraad ka qe yb-galay kulan qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka kulankasi.

      Cali Mahdi ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn oo aan la xiriirin arri maha siyaasada, isla markaana ay muteyst een madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbal and.

     Wuxuuna ku tilmaamay Saciid Deni iyo Ax med Madoobe inay yihiin labo madaxweyne oo qaranka Soomaaliyeed meel weyn uga jirra, xili ay dhawaan ka hor yimaadeen shirkii Dhuu samareeb-3.

"Ujeedka kulanka waa marxabeysiinta iyo soo dhaweynta madaxda nooga timid Jubbaland iyo Puntland, waa labo madax oo qaranka meel weyn uga jira oo qiimo weyna ku leh um adda Soomaaliyeed” ayuu yiri.

      Wuxuuna intaas kusii daray "Wey naga mu teysteen in aan soo dhaweyno, cid kasta oo dadkeeda wanaag u sameysa sidaan oo kale iyo si ka fiican ayaa u soo dhaweynaynaa”.

Cali Mahdi ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo xaalada cakiran ee dalka, xili uu dhawaan si kulul uga hadlay qalaalasaha siya asadeed ee ka taagan dalka oo horseed u tah ay arrimaha doorashooyinka.

Xasan Sheekh oo shaaciyey in mucaaradka ay door ku yeelanayaan shirka Muqdisho

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sh.Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflad qa do sharaf ah oo Dorraad siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axm ed Madoobe, ayaa ka hadlay xaaladda Soom aaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gu horayntii sheegay in Muqdisho qof walba iska arki karo, islamark aana ay joogaan magaaladoodii, isagoona xusay in isagu xitaa uu aadi doono gobolada kale ee Soomaaliyeed.

     Wuxuuna tilmaamay in xiligan wixii ka da mbeeya ay mucaaradka ay doorkooda ka ciya ari doonaan kulamada ka socda magaalada Muqdisho, xili ay ka maqnaayeen kulamadii Dhuusamareeb ee lagu kala kacay.

     "Maalintii 1-aad iyo maalintii 2-aad iyo kulli waa furnayd gogoshu waana quruxsanaynaa laakiin hadda anaga dadkeenii Xamar joogey ee Dhuusamareeb aan tegin waaba geeddii   waa idiin timi armayan idinka fakan ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

     Madaxweyne Xasan ayaa carrabka ku adk eeyay in kulan kasta oo looga arrinsanayo arr imaha doorashooyinka iyo masiirka dalka ay u ga qeyb gali doonaan goob kasta oo uu ka dha cayo,midaasi oo muujinaysa daneynta mucaar idka ee qabsoomida doorashooyinka.

     "Taladii haday idiin soo dhowaatey armaa lugta ku dhegtaana waa nagu jirtaaye haddii Muqdisho la geeyo ama Garoowena ka hari mayno” ayuu yiri.

     Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in ka had alka doorashada laga billaabo xilliga doorasha da, marka taas la isku raaco kadibna laga wa da-hadlo nooca doorashada.

     Ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay xiligan leedahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyin ka oo jahwarer siyaasadeed u horseday dalka  

Xoogagga Shabaab oo ku fashilmay burbur inta Buundada Balcad

     Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa lagu ammaanay inay Shalay ka hortaggeen weerar kii Shabaabku ku qaadeen Degma da Balcad, oo ujeedkiisu ahaa inay ku burburiyan buundada muhiimka u ah isu socodka deegaanka.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa waaberigii Shalay dhawr jiho ka weeraray Deg mada Balcad, waxaana u suurtagashay in mu ddo kooban la wareegaan gacan ku haynta xa afado ka mida degmadaasi, isla-markaana ay xabsiga ka sii daayaan maxaabiistii ku xirneyd.

     Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Ca bdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in bartilmaa meedka Shabaabku uu ahaa inay burburiyaan Buundada Degmada Balcad, ayna wateen qar axyo ay ku doonayaan inay ku burburiyaan, balse ay taasi fashiliyeen CXDS .

     Wasiirka oo u waramay BBC ayaa tilmaam ay in muddo kooban ka dib dagaalka lagu jebiy ay mintidiinta Al Shabaab, dibna ay uga gurte en Balcad oo 30km u jirta M/Muqdisho. WAA Siduu Hadalka U Dhigaye

     Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ka dha shay dagaalka ayuu sheegay in 4qof ku dhim atay, shan kalana ay ku dhaawacantay. 3ka mi da dadka dagaalka lagu dilay ayuu sheegay inay ahaayeen Shabaabkii weerarka soo qaad ay, midka kalana uu ahaa askari Ciidamada Dowladda ka tirsan. Dadka dhaawacmay 3 ka mida waxaa uu ku sheegay askarta, 2da kal ana ay yihiin rayid ay guryahooda ugu tagtay rasaastii dagaalka la’isku adeegsanayay.

    Wasiir Khayre ayaa beeniyay in Shabaabku maxaabiis ka sii daayeen xabsiga, balse dadka deegaanka waxay sheegayan in ay la wareege en Saldhiga Booliska, maxaabiistii ku xirneyd na ay ka sii daayeen.

     Shabaabka ayaa horey u burburiyay qaar ka mida buundooyinka ku yaala Degmooyinka G/Sh/Hoose, ka dib markii ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen.

Madxweyne Deni "Lacagaha loogu taloga lay DG, hadiii ay sii xayirnaato, taasi waxay helis noqon doontaa …”

   Md.Saciid C/hi Deni Madaxweynaha DG /Pu ntland ayaa sheegay in DFS ay u xayiran tah ay lacago deeq ah oo D/Goboleedyada dalka loogu tala-galay.

    Isaga oo warbaahinta kula hadlay Saciid Deni Muqdisho ayuu sheegay in Maamul Goboleedyada aan weli la soo gaarsiin lacag Baniga Addu unka u siiyay Soomaaliya, isla markaana la xanibay.

      Wasaaradda Maaliyadda XFS ayuu ku eed eeyay Maadxweynaha Puntland inay lacagtaas xanibtay, isla markaana lacagta ay ku jirto Ban iga dhexe, wuxuuna sheegay in haddii ay laca gtaas sii xayirnaato ay helis ku noqon doonto in mar kale la is-aamino.

      Madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay lacagta deeqda ah ee Baniga Adduunka dowladda u marsiisayay dowlad Goboleedyada dalka inay fasaxdo, iyadoona lacagtaas wax farabadan loogu qab an doono shacabka, loona bixiyo si cadaalad ah.


Akhriso: Magacyada iyo Beelaha Guddiga Madaxa bannaan ee La dagaalanka Musuqmaasuqa

   Golaha wasiirrada ee XFS ayaa isniintii mee lmariyey guddiga ladagaalanka musuqmuuqa oo ka kooban ilaa 9 xubin oo ay soo xuleen.

    Xubnahan ayaa loo qe ybiyey beelaha Soomaali yeed, laguna qeybsaday 4.5 oo ah 5.4 Beel oo weyn iyo beelaha laga tir ada badan yahay.

    Haddaba, Goobjoog News ayaa heshay magacayada guddiga iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

Waxaana loo magacaabay Xubnaha kala ah:

– Maxamed Cabdikariim Ibraahim (Reer Aw-xasan)

– Avv. Cabdiweli Axmed Cumar (Ogaadeen)

– Dr. Xasan Khaliif Xasan (Mareexaan)

– Avv. Maxamed Xuseen Xaamud (Gaal-jecel)

– Avv. Saciido Maxamed Xaashi (Xawaadle)

– Mudane Amiin Axmed Sh. Cabdiraxmaan (Raxanweyn)

– Mudane Cabdullaahi Sh. Abuukar (Garre)

– Mudane Khadar Axmed Diiriye (Isaaq)

– Saamiya Saciid Xuseen (Gudabiirsay)

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray Gobolka Gedo iyo Ujeedkiisa

     Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hoggaa minayo ayaa gelinkii dambe ee Shalay gaaray D/Doolow ee G/Gedo.      Guddoomiye Shuute ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Doolow ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmadaas, kan Gobolka iyo Saraaki isha Ciidanka Dowladda Federaalka ee halka as ku sugan.

     Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ay aa waxaa lagu wadaa in maalinta berri uu deg mada Balad-xaawo ka bilaabo dhageysiga dac wado la xariiro Askar ka tirsan Ciidamada Dow ladda oo falal amni darro ka sameeyay degma daas.

     Sidoo kale Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kulamo kala duwan la qaadan Sa raakiisha Ciidanka D/G/Gedo, isagoo kala had li doono arrimo kala duwan.

    Si kastaba D/Balad-Xaawo ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo u dhexee ya Ciidanka Dowladda ee kal hore halkaas la geeyay, waxaana ugu dambeeysay maalintii Dorraad oo Balad-xaawo uu ka dhaxay dagaal geystay Khasaaro dhaawacyo ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga oo xir ay Tahriibayaal ay Soomaali ka mid tahay.

      Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa xiray Tahriibayaal u kala dhashay dalalka Soo maaliya, Afghanistan, Hindiya, Pakistan Siiriya iyo Iiraan, waxay ku how lan ayeen inay ka gudbaan biya ha dalkaas uu la wadaago Giriigga.

    Booliiska Turkiga ayaa dad kaan ku haya Degmada Kumluca ee Gobolka Xeebta ah Antalya, mana soo bandhigin qorsh aha xiga ee tallaabada ka dhanka ah Tahriibayaashaan u qorsheysan Dowladda Turkiga. Wakaaladda Wararka u faafisa Turk iga ayaa sheegtay in Ciidamada howlgal ay sa meeyeen u suura-gashay soo qabashada dad kaan gaaraya 165-ta ruux ee heysta dhalasho oyin dalal kala duwan.

       Ujeedka Tahriibayaasha ayaa ahaa inay ka gudbaan biyo xuduudeedka u dhaxeeya Tur kiga iyo Giriigga si ay usii galaan safar kale oo ay isaga gudbayaan wadamada Yurub oo dam acoodu yahay saldhigashada wadamo ay u arkaan in ay ka nolol wanaagsan yihiin dalal kooda.

   Turkiga ayaa diiwaangeliyay in dad dhan 15,535 oo qaxooti Tahriibayaal ah, kaliya san adkaan 2020 ayay galeen gudaha dalkaas, iya ga oo doonaya in ay uga sii gudbaan wadanka Giriigga si ay ugu sii tallaabaan safarkooda dalalka kale ee Qaaradda.

      Sanadkii 2019-kii, guud ahaan tahriibayaa sha galay Turkiga waa 29,279.-ruux, waxaana la saadaalinayaa in tirada sanadkaan ay ka badbaanayaan kuwii hore, maadaama si indho qabad ah Muhaajiriinta u galayaan ciidda Turkiga.

     Dhanka kale waxaa intaas dheer, Turkiga oo martigeliyay ku dhawaad 4 milyan oo qax ooti Suuriyaan ah kana gudbay Soohdinta laba da dal, dhawaan ayuu wadamada Yurub ugu goodiyay in uu kusoo fasaxayo qaxootigaas iyo kuwo kale haddii ay go’aansadaan in ay wa xyeeleeyaan danaha Xukuumadda Ankara.

Gabar dhimirka la’ oo fal kufsi ah loogu geystay Magaalada Garoowe

    Wararka Idaacadda Dalsan ee M/Muqdisho ay ka heleyso M/Garoowe ee Xarunta Nugaal ayaa waxaa ay ku warramayaan in halkaas fal kufsi ah loogu geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka.

      2 rag ah ayaa kufsiga u geystay Gabadha oo aheyd mid dhimirka la’, taas oo marka hore la waayay, kadibna la helay iyada oo meel taa llo, isla markaana loo geystay dhibaato.

     Qaar kamid ah Ehelada Gabadha ayaa xaqi ijiyay inay gabadhooda ay baxsatay, iyada oo  Silsilad lugaha uga xirneyd, markii la raadiyay na la waayay, hayeeshee la helay iyada la kufs aday.

      Khaqaatiir Caafimaad oo ku sugan M/Gar oowe ee Xarunta G/Nugaal ayaa soo weriyay in Gabadha la geeyay Xarun Caafimaad, isla markaana haatan lagu dabiibayo xaaladeeda caafimaad.

    Garoowe ayaa waxaa horey uga dhacay fa lal isugu jiray kufsi iyo dil oo loo geystay Ga bdho, waxaana falalkaas qaarkood loo soo qa btay rag farabadan, kuwaasi oo qaar kamid ah ka mid ah dil toogasho ah lagu fuliyay, halka kuwo kalena xukuno lagu riday.

Wasiir Goodax Barre oo Su’aalo laga weydii yay natiijadii imtixaanka

     Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha bina’adannimada, warfaafinta iyo dha qanka ee golaha Aqalka sare BFS ayaa kulan xog wareysi la yeeshay siihayaha Wasiirka Wa saarada Waxbarashada XFS Md.C/hi Goodax Barre.

 Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Xar unta golaha Aqalka eare ee Baarlamaanka FS, gud iga iyo sii hayaha wasiirka waxbara shada ay aa waxa ay qaateen kulan saacado socday, kaas oo looga hadlayey hawlqabadka wasaar adda Siihayaha wasiirka wasaarada waxbara shada XFS C/laahi Goo dax Barere ayaa shee gay in gudiga uu warbI xn guud ka siiyay waxq abadka Wasaarada waxbarashada, natiijada imtixaanka dugsiyada sare dalka iyo arimaha Jaamacadaha Soomaaliya ka hawlgala.

     Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Goodax Barre ay Guddiga Su’aalo ka weydi iyeen Natiijada Imtixaankii maalin kahor la sha aciyay, isla markaana Imtixaanka ay ku dhac een 8 kun oo Arday (90%) ay yihiin ardayda M/Muqdisho, iyadoona natiijadaas ay siweyn uga fal-celiyeen siyaasiyiin iyo waalidiin badan.

    Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adee ga Bulshada, arimaha bina’adannimada, warf aafinta iyo dhaqanka BFS Axmed Macalin Cu mar Nadiir ayaa wasiirka uga mahadceliyey wa rbixinta guud ee uu ka siiyay waxbarashada dalka, isla markaana gudiga hawlaha uu u xils aaranyahay ay ka mid tahay inay wasaarada ha hawlahooda kormeeraan.

Mareykanka oo ka digay musuq maasuq iyo qaraaba-kiilka la xiriira dib u habeynta Amniga

     Mareykanka ayaa sheegay inuu taageerayo dib u habeynta qeybta Amniga oo horseedaya mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhan. Farriin lagu qoray barta Twitter-ka ee Safaarad

da Mareykanka oo aanay caddeyn cida loo waday ayaa u qornaa sidan:-

    "Mareykanak wuxuu taageerayaa dib u hab eynta qeybta Amniga Soomaaliya oo hors eedeysa mustaqbal ifaya Soomaaliya iyo Soo maalida oo dhan, musuq maasuqa iyo qara abo-kiilka waxay dhaawacayaan horumarka, wa xayna wiiqeysa amniga dadka Soomaaliye ed, iyadoo xoojineysa Cadawga”

     Farriintan ayuu Mareykanka ku soo beegay, iyadoo dalku ku jiro xilli kala guur ah, oo aanu dalku laheyn Ra’iisul Wasaare muddo 45 cisho ah, sidoo kale qoraalka ayaa u muuqday farriin toos ah oo ku socday Milateriga Soomaaliya, kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii Ciid anka DANAB ee uu Mareykanka tababaro oo lagu magacaabayay Ismaaciil oo ku heyb ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

     Sidoo kale waxaa dhowaan is casilay Mas ’uulkii qeybta dib u habeynta amniga u qaab ilsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ka cabanayay faragelin uu sheegay inuu uga imaanayay La Taliyaha Amniga Qar anka ee Madaxweynaha.

     Dhinaca kale La Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid oo qoraal u muuqday mid jawaab ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa ku sheegay inay ku boggaadinayaan taageerada Saaxibada Caalamiga.

     "Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helayno Saaxibadda Ca alamiga, waxaana aaminsanahay inay door muhiim ka ciyaari karaan horay u socoshada. Hay’adaha Soomaaliyeed waa in lala tashadaa oo ay si firfircoon uga qayb qaataan dejinta, hirgelinta iyo gaarsiinta dhammaan arrimaha muhiimka ah ee amniga la xiriira”ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.


Madaxweyne Qoorqoor oo sababo amni u tegi waayay degaan uu Shalay ku wajahnaa

     Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axm ed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay ka baaqday socdaal uu ku tegi lahaa deegaanka Xananbuure ee waqooyiga G/Galgaduud, hal kaas oo 2 maalin ka hor uu ka dhacay dagaal.

     Sababta uu socdaalka uga baaqday Madax weyne Qoorqoor ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay arrimo la xariira mid amni, maadaama deegaanka ay ka jirto xiisad dagaal, sida laga soo xigtay Ilo-wareedyo.

     Md.Qoorqoor ayaa deegaanka Xananbuure u diray Saraakiil Ciidan iyo wafdi uu hoggaa minayo Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb Cab diraxmaan Cali Geeda-qoroow iyo xubno kale.

Ujeedka Madaxweynaha Galmudug uu u tegi lahaa Xananbuure ayaa aheyd sidii uu kulan kula qaadan lahaa Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka laba maleeshiyo beeleed oo dag aal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Xana nbuure ee Gobolka Galgaduud.

     Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay dagaalka maleeshiyaadka ah, kuwaasi oo Dorr aad ay kala dhex-galeen Ciidanka Xoogga dal ka gaar ahaan qeybta 21-aad, sidoo kalena he shiis hordhac ah ka gaaray Colaadda soo cusboonaatay.

    Dagaalka ayaa waxaa la xiriiray weerar loo adeegsaday rasaas oo maalmo kahor lagu qa aday dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maq aaxi ah oo ku taalla deegaanka Mareerguur, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Batuulo Gabale

    Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi Deni ayaa Xalay M/Muqdisho kula kulmay Batuulo Sheekh Axmed Gabale, Gudoomiyaha Ururka Ha weenka Qaranka.

     Sida lagu sheegay qo raal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Ma daxweynaha ayaa hoyga uu ka deganyahay M/Muqdisho ku qaabilay Batuulo Sheekh Ax med Gabale iyo haween kale, oo la socday.

     "Madaxweynaha Dowladda Puntland, Md. Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuulo Sh.Axmed Gabale iyo qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

    Md.Deni ayaa weli M/Muqdisho ka wada kulamo gooni gooni ah, tan iyo markii uu soo gaaray 1-dii bishan September.

Bangiga Adduunka oo agaasime cusub u soo magacaabay Soomaaliya

   Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa laga bilaabo 8-da bishan September loo magacaabay inuu no qdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dala lka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda.

     Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America.

     Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ay aa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu ga can ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa ko boc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada.

    Magacaabistan ayaa timid xilli wadamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda ay wajah ayaan saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudu rka faafa ee Coronavirus.

      Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka, waxaana hadda la filayaa inuu xo ogga saaro ka soo kabashada Covid-19.  Bang iga Adduunka ayaa si weyn u taageero DFa Soomaaliya, isaga oo dhowaan ugu dee qay lacago badan oo wax looga qabanayo arrim aha bani’aadanimada.

Wararkii ugu dambeeyay Qarax lala eegtay Ciidan Somali & Kenyan

    Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Kenya ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip