Xasan Sheekh oo shaaciyey in mucaaradka ay door ku yeelanayaan shirka Muqdisho

0
Tuesday September 08, 2020 - 20:27:21 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo shaaciyey in mucaaradka ay door ku yeelanayaan shirka Muqdisho

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo shalay siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflad qado sharaf ah oo shalay siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horayntii sheegay in Muqdisho qof walba iska arki karo, islamarkaana ay joogaan magaaladoodii, isagoona xusay in isagu xitaa uu aadi doono gobolada kale ee Soomaaliyeed. Wuxuuna tilmaamay in xiligan wixii ka dambeeya ay mucaaradka ay doorkooda ka ciyaari doonaan kulamada ka socda magaalada Muqdisho, xili ay ka maqnaayeen kulamadii Dhuusamareeb ee lagu kala kacay. "Maalintii 1-aad iyo maalintii 2-aad iyo kulli waa furnayd gogoshu waana quruxsanaynaa laakiin hadda anaga dadkeenii Xamar joogey ee Dhuusamareeb aan tegin waaba geeddii waa idiin timi armayan idinka fakan ayaan ku jirnaa," ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in kulan kasta oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka iyo masiirka dalka ay uga qeyb gali doonaan goob kasta oo uu ka dhacayo, midaasi oo muujinaysa daneynta mucaaridka ee qabsoomida doorashooyinka. "Taladii haday idiin soo dhowaatey armaa lugta ku dhegtaana waa nagu jirtaaye haddii Muqdisho la geeyo ama Garoowena ka hari mayno" ayuu yiri. Waxa uu sidoo kale soo jeediyey in ka hadalka doorashada laga billaabo xilliga doorashada, marka taas la isku raaco kadibna laga wada-hadlo nooca doorashada. Ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay xiligan leedahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro arrimaha doorashooyinka oo jahwareer siyaasadeed u horseeday dalka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip