Cali Mahdi oo shaaciyey ujeedka kulankii Hawiye u qabtay A/Madoobe iyo Deni

0
Tuesday September 08, 2020 - 20:23:09 in Wararka by
  • Visits: 331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Mahdi oo shaaciyey ujeedka kulankii Hawiye u qabtay A/Madoobe iyo Deni

    Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madaxweyneyaashi hore ee dalka oo shalay ka qeyb-galay kulan qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka kulankasi. Cali Mahdi ayaa sheegay in ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Mahdi Maxamed oo kamid ah Madaxweyneyaashi hore ee dalka oo shalay ka qeyb-galay kulan qado sharaf ah oo siyaasiyiinta beelaha Hawiye ay u sameeyeen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka kulankasi. Cali Mahdi ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn oo aan la xiriirin arrimaha siyaasada, isla markaana ay muteysteen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Wuxuuna ku tilmaamay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay yihiin labo madaxweyne oo qaranka Soomaaliyeed meel weyn uga jirra, xili ay dhawaan ka hor yimaadeen shirkii Dhuusamareeb-3. "Ujeedka kulanka waa marxabeysiinta iyo soo dhaweynta madaxda nooga timid Jubbaland iyo Puntland, waa labo madax oo qaranka meel weyn uga jira oo qiimo weyna ku leh umadda Soomaaliyeed" ayuu yiri. Wuxuuna intaas kusii daray "Wey naga muteysteen in aan soo dhaweyno, cid kasta oo dadkeeda wanaag u sameysa sidaan oo kale iyo si ka fiican ayaa u soo dhaweynaynaa". Cali Mahdi ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo xaalada cakiran ee dalka, xili uu dhawaan si kulul uga hadlay qalaalasaha siyaasadeed ee ka taagan dalka oo horseed u tahay arrimaha doorashooyinka. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip