
Xoogaga Shabaab oo ku fashilmay burburinta Buundada Balcad
Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa lagu ammaanay inay maanta ka hortaggeen weerarkii Shabaabku ku qaadeen Degmada Balcad, oo ujeedkiisu ahaa inay ku burburiyan buundada muhiimka u ah isu socodka deegaanka.
Maleeshiyada Shabaabka ayaa waaberigii saakay dhawr jiho ka weeraray Degmada Balcad, waxaana u suurtagashay in muddo kooban la wareegaan gacan ku haynta xaafado ka mida degmadaasi, isla-markaana ay xabsiga ka sii daayaan maxaabiistii ku xirneyd.
Wasiirka Amniga Hirshabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in bartilmaameedka Shabaabku uu ahaa inay burburiyaan Buundada Degmada Balcad, ayna wateen qaraxyo ay ku doonayaan inay ku burburiyaan, balse ay taasi fashiliyeen Ciidamada Dowladda.
Wasiirka oo u waramay BBC ayaa tilmaamay in muddo kooban ka dib dagaalka lagu jebiyay mintidiinta Al Shabaab, dibna ay uga gurteen Balcad oo 30km u jirta Magaalada Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu sheegay in afar qof ku dhimatay, shan kalana ay ku dhaawacantay. Saddex ka mida dadka dagaalka lagu dilay ayuu sheegay inay ahaayeen Shabaabkii weerarka soo qaaday, midka kalana uu ahaa askari Ciidamada Dowladda ka tirsan. Dadka dhaawacmay saddex ka mida waxaa uu ku sheegay askarta, labada kalana ay yihiin rayid ay guryahooda ugu tagtay rasaastii dagaalka la'isku adeegsanayay.
Wasiir Khayre ayaa beeniyay in Shabaabku maxaabiis ka sii daayeen xabsiga, balse dadka deegaanka waxay sheegayan in ay la wareegeen Saldhiga Booliska, maxaabiistii ku xirneydna ay ka sii daayeen.
Shabaabka ayaa horey u burburiyay qaar ka mida buundooyinka ku yaala Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay weeraro gaadmo ah ku qaadeen. .
Xoogaga Shabaab oo ku fashilmay burburinta Buundada Balcad
Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa lagu ammaanay inay maanta ka hortaggeen weerarkii Shabaabku ku qaadeen Degmada Balcad, oo ujeedkiisu ahaa inay ku burburiyan buundada muhiimka u ah isu socodka deegaanka. Maleeshiyada Shabaabka ayaa waaberigii saak