Madaxweyne Deni oo ku tilmaamay Wasiir Goodax mid aan waxba kala socon Waxbarashada dalka

0
Tuesday September 08, 2020 - 15:31:51 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni oo ku tilmaamay Wasiir Goodax mid aan waxba kala socon Waxbarashada dalka

    Iyadoo wali ay taagan yahay cabashada ka xiriirta Natiijadio Imtixaanka Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ay shaacisay, ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrintaasi. Shirjaraa,id uu ku qabtay Magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo wali ay taagan yahay cabashada ka xiriirta Natiijadio Imtixaanka Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ay shaacisay, ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Deni wuxuu ka hadlay arrintaasi. Shirjaraa,id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay Wasiir Goodax Barre inuu yahay qof aanan la socon waxbarashada dalka, sidoo kalena warba aan ka haynin Natiijada Imtixaankii ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliya. Waxaa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimad ay ku nool yihiin dadkii ugu tayadda wanaagsan dhanka macalimiinta, sidoo kale ku yaallaan iskuullo sanado badan shaqeynayay oo leh hanaan waxbarasho oo lagu kalsoonaan karo. Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in la sheego in uu iskuullo la og yahay baahiyaha ay qabaan oo gobolada ku yaalla in kaalimaha koowaad ay galeen.       Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay Wasiir Goodax mid aan waxba kala socon waxbarashada dalka loona baahan yahay in uusan niyad jabin waalidiinta Caruurtooda lacagta wax kusoo baray.

       Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in markii horaba ay aheyd Sharci daro in imtixaan ay qaado Wasaaradda dhexe xilli ay jiraan maamul goboleedyo.

Waalidiinta, Aqoonyanada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Siyaasiyiin muddo dheer kasoo shaqenayay waxbarashada dalka ayaa horay u sheegay in humaag badan uu ku jiro hanaanka Natiijadda ay shaacisay Wasaaradda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip