Deni oo sheegay in DF ay xanibtay lacag loogu tala-galay M/Goboleedyada

0
Tuesday September 08, 2020 - 15:15:24 in Wararka by
  • Visits: 351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deni oo sheegay in DF ay xanibtay lacag loogu tala-galay M/Goboleedyada

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xayiran tahay lacago deeq ah oo dowlad Goboleedyada dalka loogu tala-galay. Isaga oo warbaahinta kula hadlay Saciid Deni Muqdisho ayaa wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xayiran tahay lacago deeq ah oo dowlad Goboleedyada dalka loogu tala-galay. Isaga oo warbaahinta kula hadlay Saciid Deni Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Maamul Goboleedyada aan weli lasoo gaarsiin lacag Baniga Adduunka u siiyay Soomaaliya, isla markaana la xanibay.         Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda ayuu ku eedeeyay Maadxweynaha Puntland inay lacagtaas xanibtay, isla markaana lacagta ay ku jirto Baniga dhexe, wuxuuna sheegay in hadii ay lacagtaas sii xayirnaato ay helis ku noqon doonto in mar kale la is-aamino.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay lacagta deeqda ah ee Baniga Adduunka dowladda u marsiisayay dowlad Goboleedyada dalka inay fasaxdo, iyadoona lacagtaas wax farabadan loogu qaban doono shacabka, loona bixiyo si cadaalad ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip