
Shabaab oo saacado kooban dagaal kula wareegay xaafado ka tirsan Degmada Balcad
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen saaka aroortii Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo qiyaastii Muqdisho u jirta 30 KM.
Dagaalka oo ahaa mid si aad ah u soo abaabuleen Shabaab, ayaa waxaa u suuragashay inay gudaha ugu galaan Xaafado ka mid ah Degmada Balcad intii xabada ay ka dhaceysay Magaalada. Warbaahinta Shabaab waxa ay sheegtay Ciidamada weeraray Magaalada
inay qabsadeen Saldhiga, Xarunta Maamulka Degmada Balcad &
Koontaroolo kala duwan oo ah kuwa laga soo galo Magaalada, islamarkaana
xabsiga Degmada Balcad ay ka sii daayeen Maxaabiis kala duwan.
Inkastoo sheegashada Shabaab aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin ayaa dadka ku nool Magaalada Balcad waxa ay xaqiijinayaan in Shabaabka ay gudaha u soo galeen xaafado ka mid ah Degmada Balcad.
Intii dagaalka uu socday ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay rasaasta dagaalka la isku adeegsaday qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalada Balcad gaar ahaan dumar ku jiray guryahooda oo rasaas habow ah ugu tagtay halkaasi.
Xaaladda Degmada Balcad ayaa ah mid hadda degan, waxaana dib ula wareegay guud ahaan ammaanka Magaalada Ciidamada Amisom & kuwa dowladda Federalka Somaliya oo sugaya ammaanka Magaaladaasi.
Shabaab oo saacado kooban dagaal kula wareegay xaafado ka tirsan Degmada Balcad
Ciidamo fara badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar culus waxa ay ku qaadeen saaka aroortii Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo qiyaastii Muqdisho u jirta 30 KM. Dagaalka oo ahaa mid si aad ah u soo abaabuleen Shabaab, ayaa waxaa u su