Dowladda oo War ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee Jannaay Cabdalle

0
Tuesday September 08, 2020 - 14:45:09 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo War ka soo saartay weerarkii Al-shabaab ee Jannaay Cabdalle

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamiin oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. War-saxaafadeed ka soo bax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamiin oo shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay ka hortegeen weerar ay ku soo qaadeen Al-shabaab, xilli ay ku sugnaayeen xero ku taalla Jannaay Cabdalle. Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka, waxaana dowladda ay sheegtay in halkaas ay uga dhinteen laba Askari, halka 3 kalena ay ka dhaawacmeen. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Ciidanka Mareykanka uu weerarka Al-shabaab ee Jannaay Cabdalle uga dilay hal Askari, isla markaana uu jiro Khasaaro dhaawacyo soo gaaray kuwa Mareykanka. Al-shabaab warar ay qoreen barahooda dhinaca Internet-ka ah ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas'uuliyada weerarka qaraxa ku bilowday, iyagoona tilmaamay in weerarka ay ku dileen 16 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda iyo 4 Sarkaal oo Mareykan ah, halka 12 kalena ay dhaawaceen, sidoo kalena la gubay saddex gaari oo gaashaaman. Si kastaba Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanka Jannaay Cabdalle oo 55 KM u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip