Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo la weeraray

0
Sunday September 06, 2020 - 16:37:17 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo la weeraray

    Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ilaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ilaa 8 Saldhig oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin, kuwaas oo kala ah, Arbacoow, Lambar 60, Buufoow Bacaad,Awdhgeele, Danoow iyo Janaale. Dadka degaannadaas qaarkood oo Risaala la xiriirtay ayaa waxaa ay sheegene inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsadeen labada dhinac, hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.         Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iskla difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

        Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip