HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-SEP-2020

1
Sunday September 06, 2020 - 09:25:53 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 6-SEP-2020

    Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuum ayo 3-da Madaxweyne maamul Goboleed Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa sheega ya in Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo uu Casuumaad rasmi ah u diri doono Madax weyneya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo shir ku casuum ayo 3-da Madaxweyne maamul Goboleed Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa sheega ya in Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo uu Casuumaad rasmi ah u diri doono Madax weyneyaasha dowlad Goboleedyada Galmud ug,Hirshabeelle iyo K/Galbeed Soomaaliya. Ujeedka ugu weyn ee uu Madaxweyne Farmaajo u Casuumayo Madaxda ay aa lagu sheegay inay tah ay sidii ay uga qeyb geli la haayeen Shirka Wadajirka ah ee dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaasoo maalmaha soo socda ka furmi doono Mag aalada Muqdisho. Shir saddex geesood ah ayaa Shalay oo sabti ah dhex maray Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoo mab da' ahaan isla gartay in Dowlad Goboleedyada ka maqan soo biiraan shirka, si loo wada hadlo. Dhinaca kale Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Qoraal kasoo baxay ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada ay qaaday Mad axtooyada, taas oo ah in si wadajir ah isugu keento Magaalada Muqdisho Hoggaamiyeyaa sha Dowlad Goboleedyada, isla markaana la ga hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashada 2020/2021.


Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ahi yeeshay

     Waxay faah faahin ka soo baxeysaa kulan saacado badan qaatay, oo Habeen hore Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyad da Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxa med Islaam (Axmed Mad oobe).

     Kulankan ayaa ahaa mid uu codsaday Mada xweynaha Somaliya, isa goona Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay bal inay marka hore kulmaan, kana wadahadl aan wixii tabasho ah, ee ay Jubbaland qabto.

      Jubbaland ayaa ka hortimid inay ka qay bgasho shirkii habeenkii Arbacada lagu waday in uu Magaalada Muqdisho uga furmo Madax da Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbal and, ka dib markii Jubbaland ku xirtay shuruud da ah in marka hore Ciidamada Dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo.

       Labada dhinac ayaa kulanka uga wadah adlay xaaladda guud ee dalka, arrinta Gobolka Gedo iyo doorashooyinka lagu wado inay dal ka ka dhacaan 2020/21.

      Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu ku adkeystay in mid kama dhibc aana ay tahay in la fuliyo wixii, ay labada dhinac ku heshiiyeen kulankii gaar ahaa, ee ba rtamihii bishii Luulyo ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, ee ahaa in qayb qayb Ciida mada Dowladda looga soo saaro Gobolka Gedo.

    Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxweynaha Qaranka ka dalbaday in Ju bbaland loo madaxbannaaneeyo goobaha ay tahay in lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlam aanka xigga, ee ka imaanaya Jubbaland iyo in Gobolka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubb aland.

     Wararka ayaa intaa ku daraya in Madax weyne Farmaajo uu dabacsanaan u muujiyay Axmed Madoobe, isla-markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in la magacaabo guddi laba xubnood ah, oo soo saaritsa ciidamada u kuurgala.

      Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lab ada xubnood ee laba dhinac kala metelaya, ay isla Shalayba u guda geli doonaan fudu deynta, sidii qaybta hore ee ciidamada looga soo saari lahaa gobolkaasi.

      Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horeey ay, ee ay labada dhinac si gaar ahi ugu yee shaan Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo kulankii casho sharafta ahaa, ee Maa daxweyne Farmaajo uu habeenkii Talaadada Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo diray fariin muhiim ah, ka hor furitaanka shirka Muqdisho

    Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ah eyd ee dalka Mudane Cabdiqaasim Salaad Xa san ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaa ladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga u dhexeeya madaxda dowla dda iyo kuwa ma amul gobol eeyada dalka.

      Cabdiqaasim ayaa kula tal iyey madaxda dowladda dhe xe iyo kuwa kale ee dowlad gob oleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubba land in xalka la ga abaaro dhanka wanaaga, wa da shaqeynta iyo isu tanaasulka, si loog gaaro horumarka la hiigsanayo.

   Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan loo baahan in laga gudbo nidaamka 4.5, islama rkaana dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne, si ay shacabku wax u doortaan.

     "4.5, awood qaybsiga beelaha waxa ay ah ayd arrin muddo kooban loo baahnaa in ay ah aato oo qabiil iyo waxaas ku dhismin, haatan waxaa loo baahan yahay in loo gudbo doora sho dadweyne si shacabka ay u doortaan qof ka ay doonayaan” ayuu yiri C/qaasim.

     Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan dowladdo oda, islamarkaana ay ku kalsoonaan, si looga gudbo marxalada kala guurka ee haatan lagu jiro.

      Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ha atan magaalada Muqdisho ay shir wada-tashi ah ku leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, iyo hoggaamiyeyaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo weli furmi la’a, sababo ku aadan is mari-waa u dhexeeya dhinacy adaasi.

Shir looga hadlay soo saarista Shidaalka Somalia oo ka dhacay Muqdisho

      Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Siihaya ha Wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, Siihayaha Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Siihayaha Wasiirka Cadaaladda, mas’ uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maa reeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soom aaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.Shirka ayaa looga hadlay xoojinta ahmiyad da ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’ iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaa booyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Siihayaha Ra’iisal wasaar aha dalka Ma hdi Maxamed Guul eed Khadar ayaa shee gay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dal ka oo laga faa’ iidaysto, iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bul shada.

   Sharciga batroolka dalka oo dhaqangal oo ta aba gal noqday bilowgii sanadkan ayaa was aaradda batroolka iyo macdanta fursad u siiy ey inay qaado tallaabooyin muhiim ah oo ku aadan in la xoojiyo sahanka shidaalka badda ku

Dowladda Mareykanka oo soo dhaweysay in dhammaan Madaxda maamulada Muqdisho la isku keeno

     Safiirka dawladda Mareykanka u jooga Soo maaliya ayaa soo saaray war kale oo ku wajah an arrimaha doorashada dalka.

      Mareykanka ayaa bogaadiyey talaabada ay Madaxtooyada Soom aaliya ugu howlan tahay in dawladdaha xubnaha ka ah, ay ke ento Muqdisho.

   Dowladda waxay u mah adcelisay hogaaminta Madaxw eynaha Galmud ug Axmed Ca bdi Kaar iye (Qoor-Qoor) ee la xariirtay shirkii Dhuusa-Mar eeb3 iyo Hoggaamintiisa.

   Mareykanku waxay soo jeediyeen in dhamm aan dhinacyada laga doonayo Tanaasul, Heshi is wadajir ah iyo horumar wanaagsan.

 

Toogasho ka dhacday Muqdisho & Maam ulka Gobolka oo ka hadlay

    Laamaha Ammaanka DFS ayaa waxaa la sheegay in xalay Saqdii dhexe ay degmada Ya aqshiid ee G/Banaadir ku dileen Nin Miino Aas ayay.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka D/ Yaaqshi id ayaa waxaa ay sheegeen in Ninla la toogtay uu kamid ahaa 3 Nin Miino ku Aasayay mid ka mid ah waddooyinka Xaafada Suuq Bacaad.

    Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bul shada D/Yaaqshiid C/hi Shiilow ayaa sheegay in 3 Nin oo ku hubeysnaa Bustoolado ay miin ada Aasayeen, hayeeshee Ciidamada Amma anka oo ka warhelay ay rasaaseyn dhex-mar tay taas oo uu ku geeriyooday mid kamid ah raggaas.

 Waxaa uu sheegay in 2da kale ay baxsaden, hayeeshee Ciidamada Ammaanka ay ku raad joogaan,waxaana uu sheegay in amniga guud ee D/Yaaqshiid uu yahay mid wanaagsan


Axmed Madoobe oo la kulmaya Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare

    Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha D/G/Jubbaland Axmed Maxa med Islaam uu la kulmo Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada ee Golaha.

     Kulanka ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu khudbad dheer ka jeediyo sidoo kale Senatorada Aqalka Sare ay su’aalo dhowr ah ku weeydiiyaan.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yi mid Muqdisho Talaa dadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah.

     Axmed Madoobe ayaa Muqdisho u yimid in Madaxweyne farmaajo uu kala hadlo tabasho uu dowladda ka qabo Maamulkiisa Jubbaland, hayeeshee caqado dhwor ah oo kulankaas soo wajahay uu qabsoomi waayay.

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Pun tland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la kulmay Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddi ga Joogtada, iyada oo sidoo kale uu weli Muq disho ka wado kulamo siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland oo weli kulamo ka wada M/Muqdisho

      Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xub naha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtoyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yee shay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

       Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegay stay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wa fdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalam ka oo looga hadlay arrimaha Puntland sida Nid aamka Diqmuraadiyadda, dib-u-habeynta Ciid amada, horumarinta hanaanka Maaliyadda, sa ameynta dhaqaale ee Covid19, arrimaha hor umarineed ee Gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn iyo saameynta Ayuxu u geystay daaqa iyo beeraha.

Senatorada Aqalka Sare oo dhageystay warbixin la xiriirta Dastuurka

     Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka Somaliya ayaa Shalay Xaruntooda M/Muqdisho ku yeeshay kulankii 5aad ee Kal fadhiga 7aad.

      Ajandaha kulanka ayaa ahaa Dhageysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastu urka,waxaana shir gu doominayay Cabdi Xa ashi C/hi, G/G/ Aqalka Sare. Senatorada ayaa kulanka ku dhageystay warbixin uu Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ka soo diyaariyay Dastuurka Qabyo Qoraalka.

    Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ayaa Sen atorada Golaha Aqalka Sare u faah faahiyay warbixinta,ay ka soo diyaariyeen Dastuurka da lka loo sameynayo. G/G/Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/hi ayaa gelinkii dambe ee Shalay soo xiray kulankaasi.

Guddoomiyaha cusub Degmada X/Jajab oo xilka la wareegay

     Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxa med (Cumar finish) iyo Gudoomiye ku Xigeen ka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Cabdula ahi (Tuulax) ayaa ka qeyb galay Munasabad uu xil kula Wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab Md.Maxamed Cabdi Axmed.

     Gudoomiyaha cusub ayaa Is la Shalay la wareegay xilka Gu domiyaha D/ Xamar Jajab.

   Guddoomiyihii Degmadan ay aa loo bedelay Degmada Dharkiinley, ka dib is bedel uu sameeyay Duqa Muqdisho.

Ciidanka Dowladda oo gacanta ku dhigay rag Qarax aasayay

     Ciidanka DFS ayaa saacadihii lasoo dhaaf ay howlgal miino baaris ah waxaa ay ka same yeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelleha Hoose, iyagoona gacanta ku dhigay laba ruux

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sa meeyay deegaanada Sabiib iyo Caanoole, wax aana lagu soo qabtay rag ka tirsan dagaalam ayaasha Al-shabaab, xili ay ku sugnaayeen halkaas.

      Saraakiisha Ciidanka dowladda ee howlga lka hoggaaminayay ayaa sheegay in ragga la qabtay ay miino ku aasayeen wadada dheer ee soo gasha deegaanka Sabiib ee G/Sh/ Hoo se. Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in ay sii wadani doonaan howlgalka miino baaris ta ah, iyagoo xusay in Ciidanka ay ka hortegi doonaan falalka amniga darro ee xiliyada qaar kood ka dhaca inta dhexeeysa Sabiib iyo Caanoole.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer qarax yo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah  dee gaano ka tirsan Shabeellaha Hoose kula eeg tay Ciidanka Dowladda Federaalka, waxaana inta badan qaraxyadaas ka dhashay Khasaaro soo gaaray Ciidanka.

Dil ka dhacay M/Garoowe iyo faah faahin kasoo baxeysa

      Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil barqanimadii Shalay ka dhacay gudaha M/Ga roowe ee Xarunta G/Nugaal, sida ay sheega yaan wararka aan ka heleyno halkaas.

Nin ku hubeysnaa Basto olad ayaa toogtay Nin ka mid ahaa dadka xoogs at ada, xili uu ku sugnaa wado ku taalla Garoowe, isla markaana xiliga as wadada ay aheyd mid uu ka jiray cariiri bad an, ayna gaadiid isku xireen wadada.

    Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Mag acaabi jiray Yaasin Aways Maxamed kana ka mid ahaa dadka xoogsatada ah ee kasoo jeeda K/furta Somaliya, gaar ahaa M/ Jawhar ee Xarunta G/Sh/Dhexe. Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ninka dilka geystay lagu mag acaabo Sadiiq Aw-Cali, isla markaana Maxru um Yaasin Aways uu u dilay sababo la xiriira jidka oo xirmay awgiis, isagoo falka ka dib go obta ka baxsaday.

    M/Garoowe ee Garoowe ee Xarunta G/Nug aal ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dadka deegaanka ay ka cabanayeen dhac ay geysan ayaan rag hubeysan iyo amni darro ka jirta halkaas.

Siihayaha RW dalka oo kulan la qaatay Mad axweyne ku-xigeenka Galmudug

      Siihayaha xalka R/Wasaaraha XFS Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan la qa atay Madaxweyne ku-xig eenka D/G/Galmudug Cali Daahir Ciid oo maa lmahaan Safar shaqo ku jooga Muqdisho.

     Mahdi Guuleed iyo Madaxweyne ku-xigeen ka Galmudug ayaa wada hadlay xaaladda gu ud ee dalka iyo sidii DFS ay uga qayb qadan la hayd Horumarinta Galmudug.

     Sido kale 2da dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay wadashaqayn xogg an u dhexmari lahayd Was aaradaha XF iyo Wasaarad aha D/G/Galmudug.

Siihayaha R/Wasaaraha dalka ayaa dhankiisa Madaxda Galmudug ku amanay shaqadii wana gsanayd ee ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay inay garab u noqondoono Hormarada ka socda Galmudug

     Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid oo safar shaqo ku jooga M/Muqdi sho ayaa kulamo la qaatay Madax ka tirsan Dowladda, qaar kamid ah Safiirada dowladaha taageera Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale.

Shabaab oo toogtay afar ruux uu ku jiro Oday 57 jir ahaa

      Al Shabaab ayaa Jimcihii fagaare ku yaala Degmada Saakow ee G/Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay ahaa yeen basaasiin, sida Warbaahinta Shabaab la ga sheegay.

     Afar nin oo ninka ugu wayn uu yahay 57 sa no jir ayay toogteen Shabaab, waxaana raga an dhamaantood ay ku sheegeen dowlado ka la duwan sirdoonkooda inay u shaqeynayeen.

    1:Maxamed Aadan Xassan (Maxamad Kha yr) oo 51 jir ahaa ayay Shabaab ku eedeeyeen in uu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka iyo Q/Midoobay, waxay kaloo sheegeen inuu kul asoo kulmay Xubno Sird oon Xerada Xalane ee M/Muqdisho.

    2:Cismaan Faarax Dhaq ane oo 27 jir ah aa ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka DFS.

3-:Cali Cabdiraxmaan Cabdi oo 33 jir ahaa ay aa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sir doonka Dowladda.

    4: Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo 57 jir ahaa ayaa isagana waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynaayay Sirdoonka Kenya, waana ninka ugu da’da weyn xubnaha la toogtay.

      Dadka Shabaab xukunada kala duwan ay ku ridaan ayaanan intooda badan helin cadaa lad & qareen u dooda, maadaama Shabaab xukunadooda hal dhinac keliya yihiin.


30 qof oo ku dhintay dagaallo culus oo Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhexmaray koonfurta Mudug

    Daraasiin dad ah ayaa ku dhintey ka dib is ka hor imaad u dhexeeyey dadka tuulada shabeelow ee K/ta Mudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo maalintii Dorraad ka dhacay halkaas.

     Waxaa jira warbixino sheegaya in ku dhow aad 30 qof, oo ay ku jiraan 16 mintidiinta Al-shabab lagu dilay tuulada Shabeelow, halkaas oo dad rayid ah ay hubka qaateen si ay ula da gaallamaan kooxda Al-shabaab.

      Maleyshiyo degaanka kasoo jeeda oo is ab aabulay, ayaa go’aansaday inay la dagaallam aan mintidiinta Al-shabaab si ay uga difaacaan xoolahooda, sida uu sheegay Cismaan Ciise    Nuur, afhayeenka maamulka Galmudug.

Shan saacadood oo dagaalo qaraar ay socde en jimcihii ayaa waxaa maleyshiyada kaga dhi ntay 14 qof halka kuwo kale oo bandanna dhaawacooda la jiifiyay isbitaalada magaalada gaalkacyo.

     "Dadka tuulada waxay ku mashquulsan yihi in isdifaac ka dhan ah waxa uu ku tilmaameen  cabsi gelinta Al-Shabaab" ayuu yidhi Cabdi Siy aad, oo kamdid ah odayaasha deegaanka Shabeelow. "Waxay cadaadis saareen dadka deegaan ka ah ee ku nool Shabeelow si ay ugu qasb aan inay u dhiibaan hubkooda iyo xoolahooda, si ay uga qeyb qaataan wax loogu magac dar ay dagaalka barakaysan ee ka dhanka ah gaal ada kusoo duulay dalka. Dadka deegaanku way ka daaleen cadaadiska kooxda Al-shab aab,"ayuu yiri Siyaad Cabdi.

Galmudug oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Galgaduud

    Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weer arkii Habeen hore lagu qaaday Dad shacab ah oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla inta dhe xeeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuu samareeb ee G/Galgaduud.

    Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu she egay inay aad uga xun yihiin falkii rasaasta ah ee lagu furay dad isugu jiray Car uur iyo Haween, kuwaasi oo ku sugnaa Maqa ayad ku taalla deegaanka Mareergur.

    Waxaa uu sheegay Wasiir Axmed Falagle in Ciidanka amniga ay ku raad-joogaan raggii ka dambeeyay weerarkaas oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah, isla markaana xusay in maamu lka Galmudug uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga Jawaabi doono falkaas.

     "Ciidamada amnigu waxa ay ku raad joga an kooxo amniga iyo xasilooyinada Galmudug diidan oo Habeen hore weeraro ka geystay Deegaana da qalaanqale iyo mareergur, falalkii Habeen hore dha cay waan ka xunnahay waana ka jawaabey naa sida ugu dhaqsida badan” ayuu yiri Wasiir Falagle.

    Sidoo kale waxaa uu intaas kusii daray Was iirka Warfaafinta "aqbali mayno in dad shacab ah oo guriyohooda jooga rasaas lagu furo, cii damadeenu waxa ay ku dhow yihiin in ay soo qabtaan kuwii falalkaasi geystay.”   Ugu yara an 7 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii rasaasta ahaa ee lagu qaaday dad kaas oo ku sugnaa Maqaayad ku taalla deega anka Mareergur, waxaana dhaaw acyada loo qaaday dhinada Dhuusamareeb, iyadoona weerarkaas uu la xiriiray aano qabiil, isla mark aana waxaa baxsaday ragii maleeshi yaadka ahaa ee ka dambeeyay. 

Qarax miino oo ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka

     Wararka inaga soo gaaraya M/Muqdisho ayaa sheegaya Shalay oo Xalay ah in qar ax miino uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Mgaalada Muqdisho.

    Qaraxan oo miino la soo galiyay bac ayaa waxaa la dhigay meel ku dhaw masaajidka ku yaallo Isgoyska Sayidka, waxaana halkaas

 ka dhashay Khasaare dhaawac ah.

       2 ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawac may Qaraxaasi, ma jirin dhimasho ka dhalatay, maadaama Bacda miinada ay ku jirtay la dhig ay meel luuq ah.

     Wadada sayidka ayaa inta badan waxaa maraya gaadiidka ay wataan madaxda dowlad da, waana goob amnigeeda si wayn loo illa aliyo, inkastoo luuqyada xaafadaha ka yimaa do ammaankooda ay dayacan yihiin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip