Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Carte

0
Saturday September 05, 2020 - 21:23:05 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Carte

    Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay ayaa gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirweynihii Soomaaliyeed ee lagu dhisay Dowladdii kumeel gaarka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay ayaa gaaray Carta oo ah magaaladii marti galisay shirweynihii Soomaaliyeed ee lagu dhisay Dowladdii kumeel gaarka ahayd sanadkii 2000. Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo uu socdaalkan ku wehlinayey Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti ayaa tusay goobtii lagu qabtay shirweynihii qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in halkaan la dhisayo taallo lagu xasuusan doona shirkaa dhaxalgal ah. Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa Iyadoo maalmo ka hor dowaldda Jabuuti ay xustay sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii ay martigelisay Shirkaasi. Ugu danbeyntii, Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti martigelinta shirkii Carta oo buddhig u ahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ilaabi doonin hiilka walaaltinimo iyo garab istaaga dowlada Jabuuti ay had iyo jeer u fidinayaan walaalahooda Soomaaliyeed. ..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip