Galmudug oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Galgaduud

0
Saturday September 05, 2020 - 21:12:18 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Galgaduud

    Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Dad shacab ah oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla inta dhexeeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday Dad shacab ah oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla inta dhexeeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay aad uga xun yihiin falkii rasaasta ah ee lagu furay dad isugu jiray Caruur iyo Haween, kuwaasi oo ku sugnaa Maqaayad ku taalla deegaanka Mareergur. Waxaa uu sheegay Wasiir Axmed Falagle in Ciidanka amniga ay ku raad-joogaan raggii ka dambeeyay weerarkaas oo geystay Khasaaro dhaawacyo ah, isla markaana xusay in maamulka Galmudug uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga Jawaabi doono falkaas.


"Ciidamada amnigu waxa ay ku raad joogaan kooxo amniga iyo xasilooyinada Galmudug diidan oo xalay weeraro ka geystay Deegaanada qalaanqale iyo mareergur, falalkii xalay dhacay waan ka xunnahay waana ka jawaabeynaa sida ugu dhaqsida badan” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Sidoo kale waxaa uu intaas kusii daray Wasiirka Warfaafinta "aqbali mayno in dad shacab ah oo guriyohooda jooga rasaas lagu furo, ciidamadeenu waxa ay ku dhow yihiin in ay soo qabtaan kuwii falalkaasi geystay.”

Ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii rasaasta ahaa ee lagu qaaday dadkaas oo ku sugnaa Maqaayad ku taalla deegaanka Mareergur, waxaana dhaawacyada loo qaaday dhinada Dhuusamareeb, iyadoona weerarkaas uu la xiriiray aano qabiil, isla markaana waxaa baxsaday ragii maleeshiyaadka ahaa ee ka dambeeyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip