Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ahi yeeshay

0
Saturday September 05, 2020 - 20:08:27 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ahi yeeshay

    Waxay faah faahin ka soo baxeysaa kulan saacado badan qaatay, oo xalay Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulankan ayaa ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa kulan saacado badan qaatay, oo xalay Villa Somalia ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Kulankan ayaa ahaa mid uu codsaday Madaxweynaha Somaliya, isagoona Madaxweynaha Jubbaland ugu baaqay bal inay marka hore kulmaan, kana wadahadlaan wixii tabasho ah, ee ay Jubbaland qabto. Jubbaland ayaa ka hortimid inay ka qaybgasho shirkii habeenkii Arbacada lagu waday in uu Magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland, ka dib markii Jubbaland ku xirtay shuruudda ah in marka hore Ciidamada Dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo. Labada dhinac ayaa kulanka uga wadahadlay xaaladda guud ee dalka, arrinta Gobolka Gedo iyo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 2020/21.         Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu ku adkeystay in mid kama dhibcaana ay tahay in la fuliyo wixii, ay labada dhinac ku heshiiyeen kulankii gaar ahaa, ee bartamihii bishii Luulyo ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, ee ahaa in qayb qayb Ciidamada Dowladda looga soo saaro Gobolka Gedo.

         Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa Madaxweynaha Qaranka ka dalbaday in Jubbaland loo madaxbannaaneeyo goobaha ay tahay in lagu soo xulo Xildhibaanada Baarlamaanka xigga, ee ka imaanaya Jubbaland iyo in Gobolka Gedo lagu soo celiyo gacanta Jubbaland.

       Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu dabacsanaan u muujiyay Axmed Madoobe, isla-markaana ay labada dhinac ku heshiiyeen in la magacaabo guddi laba xubnood ah, oo soo saaritsa ciidamada u kuurgala.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in labada xubnood ee laba dhinac kala metelaya, ay isla maantaba u guda geli doonaan fududeynta, sidii qaybta hore ee ciidamada looga soo saari lahaa gobolkaasi.

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay, ee ay labada dhinac si gaar ahi ugu yeeshaan Magaalada Muqdisho, marka laga soo taggo kulankii casho sharafta ahaa, ee Maadaxweyne Farmaajo uu habeenkii Talaadada Magaalada Muqdisho ugu sameeyay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip