Shabaab oo toogtay afar ruux uu ku jiro Oday 57 jir ahaa

0
Saturday September 05, 2020 - 20:02:11 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo toogtay afar ruux uu ku jiro Oday 57 jir ahaa

    Al Shabaab ayaa Jimcihii fagaare ku yaala Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin, sida Warbaahinta Shabaab laga sheegay. Afar nin oo ninka ugu wayn uu yahay 57 sano jir a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa Jimcihii fagaare ku yaala Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe waxa ay ku toogteen rag ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin, sida Warbaahinta Shabaab laga sheegay. Afar nin oo ninka ugu wayn uu yahay 57 sano jir ayay toogteen Shabaab, waxaana raggaan dhamaantood ay ku sheegeen dowlado kala duwan sirdoonkooda inay u shaqeynayeen.            1:Maxamed Aadan Xassan (Maxamad Khayr) oo 51 jir ahaa ayay Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, waxay kaloo sheegeen inuu kula soo kulmay Xubno Sirdoon Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

2:Cismaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Somaliya.

3-:Cali Cabdiraxmaan Cabdi oo 33 jir ahaa ayaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Dowladda.

4: Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo 57 jir ahaa ayaa isagana waxaa lagu eedeeyay inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Kenya, waana ninka ugu da’da weyn xubnaha la toogtay.

Dadka Shabaab xukunada kala duwan ay ku ridaan ayaanan intooda badan helin cadaalad & qareen u dooda, maadaama Shabaab xukunadooda hal dhinac keliya yihiin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip