Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digey Khatarta macluusha ee wadamada colaadaha ka socdaan!!!.

0
Saturday September 05, 2020 - 18:37:16 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digey Khatarta macluusha ee wadamada colaadaha ka socdaan!!!.

    Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay inay jirto khatar macluul iyo cunno la'aan baahsan oo ka jirta afar dal oo ay saameeyeen iskahorimaadyo Congo,Yemen,waqooyi bari Nigeria iyo Koonfurta Suudaan,nolosha malaayiin q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay inay jirto khatar macluul iyo cunno la'aan baahsan oo ka jirta afar dal oo ay saameeyeen iskahorimaadyo Congo,Yemen,waqooyi bari Nigeria iyo Koonfurta Suudaan,nolosha malaayiin qofna ay qatar ku jirto.
             Madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa wareysi uu siiyay AP ku sheegay in dhaqaalaha ku dhacay musiibada ay ka mid yihiin xirnaanshaha, xiritaanka xuduudaha iyo xaddidaadda dhaqdhaqaaqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay sugnaanta cuntada iyo wax soo saarka beeraha.

         Lowcock ayaa yiri "Qof walba aad ayuu ugu mashquulsan yahay COVID iyo fayraska,”, laakiin ma ahan fayraska abuuraya inta badan gumaadka. Waa waxyaabo kale, oo waxaan u baahannahay inaan xoogga saarno waxyaabaha runtii sababi doona khasaaraha ugu weyn ee nolosha.

         Dhanka kale Dagaalada waxaa weheliyay weeraro baahsan oo lagu qaaday dhul beereed iyo dhul daaqsimeed iyo dhaca xoolaha iyo cuntada, taas oo ka dhigeysa in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ku nool aagaasi ay wajahayaan dhibaato ama heerar ka xun oo cunto la’aan daran, intaas waxaa sii dheer, ugu yaraan 350,000 oo carruur ah ayaa la il daran nafaqo-xumo daran ama dhexdhexaad ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip