Mo Farah oo jabiyey Rikoorka Dunida ee masaafad saacad lagu ordi karo.

1
Saturday September 05, 2020 - 17:39:37 in Wararka by
  • Visits: 1456
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Farah oo jabiyey Rikoorka Dunida ee masaafad saacad lagu ordi karo.

    Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mo Farah oo ku soo noqday ciyaaraha orodada afar goorna noqday horyaalka Olombigga, ayaa jabiyey rikoodhka dunida ee masaafada qof ordi karo muddo saacad ah, waxaanu ku jabiyey tartanka la yidhaa Diamond League oo lagu qabtay magaalada Brussels Jimcihii.

         Farah ayaa jaray masaafo dhan 21,330 mitir waxaanu sidaa ku jabiyey rikoodhkii uu dhigay sannadkii 2007 Haile Gebrselassie oo ahaa 21,285 mitir.

        "Wax fudud looma haysan in la jabiyo rikoodhka dunida laakiin waxaan kuu sheegi karaa waa in ay runtii adkayd. Rikoodhkani wuxuu jiray muddo dheer” ayuu yidhi Farah.

      "Markaa arintaasina wax badan bay muujinaysaa. Aad baan ugu faraxsanaa inaan tartannada ku soo noqdo. Waxa ugu weyn ee i dhiirri gelinayey wuxuu ahaa ku soo noqoshada tartanka”.

Tartankan saacadda ah waxay ku tartamaan orodyahannadu masaafada ugu dheer ee qof ku ordi karo mudo lixdan daqiiqadood ah.

Mar sii horaysay isla Jimcihii ayaa Sifan Hassan oo reer Netherlands ahi waxay iyaduna dhigtay rikoodh cusub oo tartanka haweenka ah. Masaafada ay oroday oo ah 18,930 mitir waxay dhaaftay rikoodhkii ay dhigtay Dire Tune sannadkii 2008 oo ahayd 18,517 mitir.

Farah wuxuu tartankii Olomigii Rio u wareegay dhanka orodada dhaadheer ee magaalooyinka dhexdooda ah, laakiin wuxuu dib ugu soo noqday orodada garoomada dhexdooda ah si uu ugu diyaar garoobo inuu ku tartamo 10,000 mitir sannadkan dambe ciyaarihii ka dhici lahaa Tokyo ee dib loo dhigay.

          Waa tartankii ugu horeeyey ee uu galo tan iyo bishii October ee Marathon kii Chigago. Waxaanu Farah daba ordayey Bashir Abdi oo Belgium ah sodonkii daqiiqo ee u dambeeyey.

Labadooba waxaa laga shakisanaa in aanay jabin doonin rikoodhkii uu dhigay Gebrselassie markay ordayeen garoonkaas oo aanay joogin taageerayaal dhiirri geliyaa. Laakiin rubuc saacihii ugu dambeeyey ayay dardar hor leh bilaabeen.

        Abdi ayaa markii hore hogaanka u hayey laakiin kama dambaystii ayaa Farah oo lix goor ku guulaystay horyaalka dunidu mijaha kala bixiyey oo uu si sahlan u guulaystay.

Wuxuu ku dhameeyey 53 wareeg midkiiba celcelis ahaan 67 ilbidhiqsi waxaanu sidaa ku noqday orodyahankii 12 ee rikoodhkaa qaata.

            "Mar ayaa iyada oo 10 wareeg hadhsanyihiin ayey xaaladdu igu adkaatay laakiin waxaan ku farxay in Bashiir hogaanka qabtay markiiba” ayuu yidhi Farah.

” Laakiin farxad baan dareemay markii daqiiqad keli ahi hadhsanayd waxaanan kalsooni ku qabay xawaarahayga oo waxaan ogaa in aan fursad fiican oo aan ku guulaysto haysto. Wareega ugu dambeeyaa had iyo goor waa xarfaddayda ugu fiican” ayuu intaa ku daray.

         Farah waxa uu ku noqon doonaa orodada dhaadheer ee wadooyinka marka uu ka qayb galo tartanka nus Marathon ka Antrim Coast ee dhici doona 12 Sebtember.

Ka dib na wuxuu horseed ugu noqon doonaa ugu noqon doonaa ninka haysta rikoodhka dunida ee reer Kenya, Eliud Kipchoge iyo Kenenisa Bekele oo reer Itoobiya ah Marathon-ka London ee dib loo dhigay 4 Oktoobar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip