Gaari siday Qamri badan kuna soo jeeday Muqdisho oo la qabtay

0
Saturday September 05, 2020 - 17:37:00 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari siday Qamri badan kuna soo jeeday Muqdisho oo la qabtay

    Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay gaari leylo-calaawi ah oo ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah, kaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq. Askarta ku sugan barta koontrol ee laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay gaari leylo-calaawi ah oo ay saarneed boqolaal dhalo oo qamri ah, kaasi oo ka yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq. Askarta ku sugan barta koontrol ee laga soo galo Guriceel oo hayay macluumaadka qamrigan ayaa joojiyay gaarigan, kadibna baaris ku sameeyay kartoomo gaarigu siday oo u badnaa qamri ku dahaarnaa kartoomo. Laamaha amniga Degmada Guriceel ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadkii watay maandooriyahaaas qamriga ahaa, iyagoona sidoo kalena tilmaamay in qamriga la burburin doono. Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga siday qamriga ee gacanta lagu dhigay uu kusoo jeeday Magaalada Muqdisho, isla markaana uu ka yimid dhinaca Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galagduud.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip