Wasiirka Goodax oo Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare

0
Saturday September 05, 2020 - 09:41:47 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Goodax oo Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare

    Wasiirka waxbarashasda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare, oo dhowaan dowladda federalka kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho. Wasiir Goodax ayaa ka digay in Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka waxbarashasda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maamulka Puntland ugu baaqay inay qaataan manhajka cusub ee dugsiyada sare, oo dhowaan dowladda federalka kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho. Wasiir Goodax ayaa ka digay in Puntland siyaasadayso manhajka dowladda Soomaaliya ay kasoo shaqeysay, isagoo sheegay in horey loo siyaasadeeyay arrimihii imtixaanka dugsiga sare. Goodax ayaa sheegay Puntland in looga baahan yahay inay joojiso fikirka ku saabsan "doonista waxa iyaga u gaarka ah, isagoo tilmaamay haddii ay dowladdu si gaar ah u qanciso Puntland inay kicineyso kala qeybsanaanta gobollada. Puntland ayaa horey u diiday inay ka qeyb ahaato imtixaanka Soomaaliya, iyagoo diidmadooda u daliishay in aanay imtixaan wada gali karin arday aan isku manhaj ahayn, sidoo kalena aan lagu kalsoonaan karin imtixaanka dowladda maamulayso oo mar suuqa ku faafay. Sanadkaan waxaa mar kale laga cabsi qabnaa in ardayda reer Puntland shahaadadooda kuwaayaan khilaafka udhexeeya labada wasaaraddood. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip