Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

0
Saturday September 05, 2020 - 09:39:37 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoorqoor oo kulan la yeeshay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

    Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga,Arimaha gudaha iyo Taliyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug iskaga kaashan lahaayeen howlgalada lagaga hortagayo Al-Shabaab, iyo in ay dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug. Kulanka ayaa waxaa ku wehliyay Madaxweyne Qoorqoor Wasiirada Amniga iyo Arimaha gudaha waxaana ay sheegeen in wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmari doonto Jabuuti iyo Galmudug. Qoorqoor ayaa sidoo kale kulan la qaatay Gudoomiyaha Dekeddaha dalka Jabuuti oo uu kala hadlay dhismaha dekedda weyn ee Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip