Weerar ka dhacay Galgaduud

0
Saturday September 05, 2020 - 09:35:46 in Wararka by
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay Galgaduud

    Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar iyo dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah gobolka Galgaduud. Dilalka iyo weerarka ayaa inta badan ku saleysanaa anooyin qabiil. Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar iyo dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka mid ah gobolka Galgaduud. Dilalka iyo weerarka ayaa inta badan ku saleysanaa anooyin qabiil. Maleeshiyo beeleed hubeysan ayaa xalay waxa ay rasaas ku fureen goobo muqaayado ah oo dad badani ku sugnaa, waxaana ka dhashay khasaare dhaawac ah. Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 7-ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Dhuusamareeb. Waxaa sidoo kale shalay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud ka dhacay dilal qorsheysan oo ku saleysanaa aanooyin qabiil. Xiisadda u dhaxeysay Maleeshiyaadkaan weerarka qaaday ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd deegaanada u dhexeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip