Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaalla Jubbada Hoose

0
Saturday September 05, 2020 - 09:34:52 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano ku yaalla Jubbada Hoose

    Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Janaanay oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayaa dhowr jeer degaankaan kala wareegay Al-Shabaab, waxaana ay Al-Shabaab kala wareegeen Sanadkii 2016-kii walow ay dib uga soo baxeen. Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab. Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo Shabaab looga saaraayo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip