Turkiga oo sheegay inuu dhiirigelinayo midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiin

0
Friday September 04, 2020 - 19:38:34 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo sheegay inuu dhiirigelinayo midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiin

    Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Turkiga ayaa soo dhoweeyay kulan maalinimadii shalay dhexmaray Madaxweynaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas iyo hoggaanka qeybaha Bulshadaasi ee gudaha iyo dibadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Turkiga ayaa soo dhoweeyay kulan maalinimadii shalay dhexmaray Madaxweynaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas iyo hoggaanka qeybaha Bulshadaasi ee gudaha iyo dibadda.

      Kulankaan ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa qorshayaasha Israel ee ay dooneyso in ay la wareegto deegaano hor leh ,waxaa qadka Internetka uga qeybgalay Madaxda ku sugan Ramallah iyo Beirut.

           War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay ahmiyadda iyo mudnaanta howlaha dib-u-heshiisiinta iyo dhiirigelinta qadiyadda reer Falastiin,waxaana intaa la raaciyay inTurkigu uu sii wadi doono inuu dhiiri gelinta dadaalka loogu jiro gaaritaanka midnimada iyo wadajirka dhinacyada Falastiiniyiinta.

       Maamulka Falastiin iyo kooxaha wax iska caabinta ayaa cambaareeyay heshiiska Imaaraatka iyo Israa’iil, waxayna sheegeen inuusan u adeegeynin qadiyadda Falastiin ayna iska indha tirayaan xuquuqda Falastiiniyiinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip