Sidee laga yeelayaa Ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka Dowladda?

0
Friday September 04, 2020 - 19:35:59 in Wararka by
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee laga yeelayaa Ardayda Puntland ee aan gelin Imtixaanka Dowladda?

    Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in lala wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka. Siihayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka. Dhanka kale Goodax Barre ayaa soo hadal qaaday sida la ga yelayo Ardayda waxkabarata Dugsiyada Puntland, waxaana uu caddeeyay in arday aan galin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaradda Waxbarshada uusan heli doonin shahaado. Waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay xil weyn iska saartay soo diyaarinta iyo horumarinta waxbarashada dalka, sidaa darteedna ay doonayaan in guud ahaan dalka ay gaarsiiyaan Manhajka Cusub ee dowladda, ardayda deegaanada Puntland ayuu sheegay in looga bahan yahay in ay galaan Intixaanka Wasaaradda Waxbaarshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaddo, haddii taasi ay dhici weydana waxaa uu sheegay in aysan heli doonin wax shahaado ah.

                Siyaasyiinta Puntland ayuu ugu baaqay in aysan siyaasadeyn Mustaqbalka ardayda Puntland wax-kabarata, isagoo sheegay in siyaasiyiintu aysan hayn meel ay shahaado ka siiyaan ardayda kasoo baxda dugsiyada Puntland, waxaana uu uga digay dhammaan siyaasiyiinta in aysan Mustaqbalka ka lumin Ardayda.

          Goodax Barre waxaa uu sheegay in ay Nasiib darro tahay in siyaasiyiinta Puntland ay ardayda Marin habaaabiyaan oo ay waqtiga ka lumiyaan, iyagoon wax shahaado ah u haynin, Imxtixaankii ugu danbeeayay ayuu sheegay in ay kasoo qayb galeen 600 oo arday kuwaas oo ka socday dugsiyada Puntland.

      Dadaal dheeri ah ayuu sheegay in ay ku bixinayaan sidii Puntland ay u dhaqan galin lahayd Manhajka ay soo diyaarisay Wasaaraddu.

Siihayaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer u sheegay in aan shahaado la siin doonin arday aan galin Imtixaanka Mideysan ee Wasaaraddu qaaddo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip