
Taliye cusub oo loo Magacaabay ciidamada dalka Uganda ee ka Hawlgala G. Shabeellada Hoose
Col. Omola ayaa ahaa Taliyaha ciidamada Bariga Afrika ee aan weli howlgelin ka tirsanaa; iyadoo sidoo kale, taliyaha guud ee Ciidamada lugta dalka Uganda ee ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose loo magacaabay, Jen. David Muhoozi.
Sidoo kale, Col. Muhoozi oo isagu Booqday Somalia ayaa soo jeediyay in Col. Omola loo magacaabo uuna bedelo, Col. Bosco Mutambi, kaasoo wararku ay xusayaan in maxkamad loosoo taagi doono weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Saldhiga ay AMISOM ku leedahay Deegaanka Jannaale.
Afhayeenka Millateriga dalka Uganda, Paddy Ankunda ayaa Warbaahinta Dalka Uganda u sheegtay Jimcaha Maanta ah in Col. Mutambi uu weli ku sugan yahay Somalia; Laakiin uu dib ugu soo laabanayo Kampala, marka howsha uu hayo uu wareejiyo.
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay saldhigga AMISOM ee Jannaale looga dilay 19-askari, inkastoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay inay weerarka ku dishay in ka badan 50-askari oo Ciidamada Uganda ka tirsan.
Ugu dambeyn, Col. Omola oo horay uga mid ahaa saraakiishii ciidamada dalka Uganda ee Qaybta ka ah AMISOM oo Al-shabaab ka Saaray Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayay dowladda Uganda sheegtay inuu Weerarro ka dhan ah Al-shabaab qaadi doono marka uu xilka ciidamada la wareego.
Si kasta ha ahaatee, Gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Waxaa ka howlgala ciidanka Uganda, kuwaasoo Dagaallo Qaraar la galay Al-shabaab, kana qabsaday deegaanno dhowr ah oo Gobolkaas ka tirsan.
Taliye cusub oo loo Magacaabay ciidamada dalka Uganda ee ka Hawlgala G. Shabeellada Hoose
Taliyaha Ciidamada Lugta ee Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa u Magacaabay, Col. Omolo Peter Gatilano Taliyaha Ciidamada Uganda ee AMSIOM ee ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose.