Xeer illaaliyaha guud ee dalka oo digniin adag u diray Wasiirada dowladda

0
Monday August 31, 2020 - 23:03:47 in Wararka by
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xeer illaaliyaha guud ee dalka oo digniin adag u diray Wasiirada dowladda

    Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay'ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan ay ku ridday Maxakmadda Gobalka Banaadir. Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in inta baaritaanku socday sheegay in fatashaad lagu sameeyay Xarumo Dowladeed oo kale duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Maaliyadda , Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Wasaaradda Warfaafinta ,Xafiiska Xisaabiyaha Guud, hay'addo gaar loo leeyahay, shirkaddo dhismo, Xarumo ganacsi sida Huteelo, makhaayado cuno, Supper Marketyo, xarumo daabacaad iyo meelkasta oo laga heli karay xogta uu daba socday Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, si looga gun gaaro ujeeddooyinka iyo natiijada barista. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleebaan ayaa intaas kadib digniin u diray Wasiiradda Dowladda, Agaasimayaasha maamulka & Maaliyadda , Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha, Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay'adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya, kuwaaso uu sheegay in qaadan doonan dayacaad kasta oo ku timaada xafiisyada ay masuulka ka yihiin si waafaqsan xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed Iyo Xeerka Maaliyadda Dalka.

           "Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa agaasinka maamulka&maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adahaDawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in lagarab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii wasiir, W/dawle, W/ku/xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya uu ku siiyo amar khilaafsan habraacyada maaliyeedwaa in uu ka dalbada masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan

       Sidoo kale xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa intaas ku daray "Waa in wasaaradahu ka fogaadaan in ay la tacaamulaan shirkado aan lahayn jiritaan sharci ah oo aan xafiisyo iyo adeegyo muuqda aan bixin,waa in saraakiisha Dawladdu ay ka dheeraadaan in ay samaystaan shirkado gaar ay u leeyihiin ama ay saami ku leeyihiin oo adeeg-siinaya isla xafiiska uu ka shaqeenayo Saraakiishaas si looga fogaado ku danaysi Xafiis Dowladeed. Waxaa la farayaa Bangiyada ganacsiga, Xawaaladaha iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed ee ka diiwaan gashan Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya in ay u hogaansamaanay ayna raacaan Xeerarka Maaliyada, Habraacyada iyo Haggista joogtada ah ee uu bixinayo Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo hay’adda FRC iyada oo ganacsatadu maskaxda ku haynayaan in ay hay’adda FRC aysan xaq u lahayn in ay xayiraad kaligeed ku samayso akoono shakhsiyadeed iyo mid ganacsi oo ay leeyihiin mawaadiniin Soomaaliyeed iyada oo aan la soo ogaysiin Xafiiska Xeer ilaaliya Guud lana helin waaran Maxkamadeed oo lagu xayirayo akoonadaas, si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed”

           Dhanka kale Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ayaa sheegay in uu gacanta ku hayo baarista kiisas kale oo musuq-maasuqa oo ay ku lug leeyihiin wasaarado iyo hay’addo kale oo Dowladeed, Safaarado Soomaaliyeed, Shirkaddo ganacsi , Degmooyinka ka mid ah Gobolka Banaadir. Xawaalado, hay’addo iyo shirkaddo u shaqaysta hab maaliyadeed oo aan ka diiwaan gashnayn shatina ka haysanin Bangiga dhaxe ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo aanan bixin canshuuraha ku waajibay, marka ay baaritaankaas oo dhami soo gabagaboobaan ayuu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud sheegay wa in uu horkeeni doonaa Maxkamadaha awooda u leh si loo maxkamadeeyo ciqaabaha ay mutaystaana loo marsiiyo

        Ugu danbayn dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka mid yihiin shaqaalaha iyo howl-wadeenadda Xafiisyada kala duwan, waxaa la amarayaa in ay soo gaarsiiyaan warbixinadda danbiyada musuqmaasuqa iyo danbiyadda kale qaybaha kala duwan ee Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo baliiska si waafaqsan Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip