Faah faahin: 2 Qarax oo ka dhacay Emirate-ka Carabta (SAWIRRO)
Inta laga warqabo saddex qof ayaa ku dhimatay laba qarax, oo maanta siyaabooyin kala duwan uga kala dhacay Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta.
Haanta gaaska ayaa ku qaraxday maqaaxi ku taala Magaalada Dubai, saacadihii h
Inta laga warqabo saddex qof ayaa ku dhimatay laba qarax, oo maanta siyaabooyin kala duwan uga kala dhacay Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta.
Haanta gaaska ayaa ku qaraxday maqaaxi ku taala Magaalada Dubai, saacadihii hore ee maanta, waxaana ku dhintay hal qof, sida ay ku warantay warbaahinta dalkaasi.
Qaraxa labaad oo ka dhacay maqaaxida KFC ee Magaalada Abu Dhabi ayaa samayn ku yeeshay maqaaxida kale ee Hardees, taasoo ay isku garab yaallaan, waxaana ku dhimatay laba qof.
Saraakiisha Booliska Abu Dhabi ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen dhawr qof, oo ka mid ah dadka degan dhismooyinka ku dhow dhow labadaasi maqaaxi.
Maqaaxiyadahan ayaa ku yaala wadada mashquulka badan ee Rashid bin Saeed, taa oo si toos ah u tagto Garoonka Diyaaradaha ee Abu Dhabi.
Muuqaalo lagu daabacay barraha bulshada ayaa muujinaya burbur uu qaraxaasi u gaystay maqaaxiyadaha isku garab yaala, waxaana socda baaritaan lagu xaqiijinayo waxa sababay qaraxaasi labaad.
Warbaahinta Reer Galbeedka ayaa sidii looga bartay uga hadlin qaraxyada ka dhacay dalkaasi, oo ku soo aadaya, xilli ay maanta duulimaad toos ahi ku tagtay diyaaraddii ugu horeysay oo Israel laga leeyahay. ..
Faah faahin: 2 Qarax oo ka dhacay Emirate-ka Carabta (SAWIRRO)
Inta laga warqabo saddex qof ayaa ku dhimatay laba qarax, oo maanta siyaabooyin kala duwan uga kala dhacay Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta. Haanta gaaska ayaa ku qaraxday maqaaxi ku taala Magaalada Dubai, saacadihii h