Akhriso:-Suudaan oo Dalab Culus dirtay Dowladda Mareykanka

0
Wednesday August 26, 2020 - 19:26:01 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Suudaan oo Dalab Culus dirtay Dowladda Mareykanka

    Ra'iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo bo qosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay in uu kala hadlay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo bo qosho ku tagay dalkaas arrimo ay ka mid yihiin in Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgaliya aragagxisada si looga qaado cunaqabateynta Dalka Suudan ayaa ku jiray liiska wadamada aragagxisada maalgaliyo laga soo bilaabo sanadkii 1990-yadii markii hogaamiyahii Al-Qaacida Osama Bin Laden uu halkaas ku noolaa, isagoo marti u ahaa xukuumadii Madaxweynihii Xukanka la xooga looga tuuray ee Cumar Al-Bashiir. Dalka Sudan ayaa ka mid ahaa dalalka uu Mareykanka ku daray liiska wadamada taageera argagixisada sida Kuuriyada Waqooyi, Iran iyo Suuriya. Hogaamiyayaasha Sudan ayaa si aad ah u ugu hamuun qaba in la soo afjjaro cunaqabataynta saaran iyo in liiska laga saaro si ay uga baxdo takoorka dhanka dhaqaalaha ee lagu hayo.

     Haddii Sudan laga saaro liiska islamarkana cunaqabataynta laga qaado ayaa waxay fursad u helaysaa inay la macaamisho hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha islamarkana ay soo jiidato maalgashi iyo inay deemo qaadato.

           Mid ka mid ah shuruudaha Mareykanka uu ku xiray si Sudan liiska looga saaro ayaa ah inay magdhaw siiso qoysaska 17 askari ee ku dhintay weerarkii ay Al-Qaacida ku qaadeen markabkii USS Cole ee ku sugnaa xeebaha dalka Yemen sanaddii 2000.

Dowladda Sudan ayaa shuruudaasi aqbashay bishii February ee sanadkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip