
Fanaanad dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Elite oo Muqdisho ku geeriyootay
Magaalada Muqdisho waxaa saaka ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanada lagu magacaabi jiray Fa'isa Ibraahin Yuusuf (Faisa Beela) oo ka tirsaneyd Fanaaniinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho, taasi oo dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarkii Hotelka Elite ee Muqdisho.
Fa'isa ayaa habeen hore iyadoo dhaawac ah waxaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo xaaladeeda caafimaad lagula tacaalaayay, waxaana ay ku jrtay xaalad miir dabool ah (Koomo).
Marxuumad Fa'isa ayaa ugu dambeyn saaka ku geeriyootay Isbitaalka gudihiisa, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid Ehelada Marxuumada oo Warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay.
Fa'isa ayaa ka tirsaneyd Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska Somaliyed, waxa ay xilliga dhaawaca culus uu soo gaarayay ay ku jirtay duubista hees ay dooneysay inay la wadaagto Bulshada Somaliyed, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Cameromankii ka duubaayay heesta.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya Sadiiq Doodisho oo ka hadlay Khasaarihii ka dhashay weerarkii Hotel Elite ayaa sheegay in lix iyo toban qof ku dhimatay weerarkaasi, kuwaa oo shan ka mida uu ku sheegay inay yihiin dableydii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saddex iyo toban oo kale ku dhaawacantay weerarkaasi, inkastoo Maamulka Gaadiidka Gurmadka Deg-degga ee Aamin Ambulance ay kol sii horeysay sheegeen inay goobtaasi ka qaadeen dhaawacyada sideed iyo labaatan qof.
Tirada dhimashada rasmiga ah ee hadda la og yahay waa 17 ruux, marka lagu daro geerida Fanaanadan ka tirsaneyd Ciidamada Booliska Somaliya, waxaa sidoo kale jira dhimasho aan Saxaafadda lala wadaagin oo maydad hor leh kuwaasi oo laga soo saaray shalay dhismaha bur burka Hotelka.
Fanaanad dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Elite oo Muqdisho ku geeriyootay
Magaalada Muqdisho waxaa saaka ku geeriyootay Allaha u naxariistee Fanaanada lagu magacaabi jiray Fa'isa Ibraahin Yuusuf (Faisa Beela) oo ka tirsaneyd Fanaaniinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho, taasi oo dhaawac culus uu ka soo gaaray weerarkii