Taariikhda iyo horumarka Dalxiiska Soomaaliya (warbixin)

0
Monday August 17, 2020 - 13:11:47 in Wararka by
  • Visits: 2066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda iyo horumarka Dalxiiska Soomaaliya (warbixin)

    Dalxiiskuwaa adeeg lagama maarmaan ah oo dhaliya in dakhli fara badan laga soo xareeyo goobaha taari ikhiga ah ee ka haray ilbaxnimadii hore iyo daawashada kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay caalam kaan quruxda badan ee loo hibeeyay in ay k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalxiiskuwaa adeeg lagama maarmaan ah oo dhaliya in dakhli fara badan laga soo xareeyo goobaha taari ikhiga ah ee ka haray ilbaxnimadii hore iyo daawashada kheyraadka dabiiciga ah ee Alle ku maneystay caalam kaan quruxda badan ee loo hibeeyay in ay ku noola adaan qeybaha bulshada ee ku kala firirsan koonkaan. Quruxda dabiiciga ah iyo cimilada wanaagsan ee Alle ku maneystay Dalka, waxa ay sababtay in la dardargaliyo Sameynta maamul nidaamiya Dalxiiska Dalka,sidaa dara adeed, sanadkii 1960-kii Dalxiisku waxa uu ka mid noq day adeegyadii lagala wareegay Dowladdii Daakhiliga ee ku tiirsaneyd maamulkii Talyaaniga ee xoriyad gaarsiinta Soomaaliya sanadkii 1956-60-kii. Si kor loogu qaado adeegyada suurtagaliya Dalxi iska sanadkii 1969-kii waxaa dowladdii Mileteriga ay meel marisay sharci qeexaya Ilaalinta Duur-joogta,dhowrista deegaanka iyo diyaarinta aagag la xakameeyay oo loogu tala galay in ugaarta ay ka helaan cows iyo keydad biyo. Dalxiisku waa qeyb ka mid ah ilaha laga helo dhaqa alaha ee lama huraanka u ah jiritaanka Dowladnimo iyo horumarka dalka,waxaana arintaasi daliil u ah tiro badan oo dalxiisayaal Ajanabi ah iyo Dad Soomaali ah ayaa san ad kasta booqda goobaha taariikhiga ah iyo meelaha ka le ee ku habboon Dalxiiska sida:- xeebaha Berbera, Saylac, Bullo-xaar, Maydh & Xiis, Laas-qoray, Jasiira .Liido, iyo Daalo oo ah Buurta Soomaaliya ugu dheer.

         


     Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka hodanka ku ahadeegyada dabiiciga ee suurtagaliya Dalxiiska sida goobaha taariikhiga ah,Xeebaha, Biyo dhacyada ,Buurahakala sareeya,Wabiyada iyo deegaanada kale ee Biyo qabatinka leh,dhammaantoodna waxa ay soo jiitaan Dadka Dalxiisayaasha ah ee doonaya in ay ku safraan gudaha Dalka Soomaaliya.

        Dhinaca kale,waxaa xaqiiqo ah in ay jiraan goobo dabiici ah oo ku wanaagsan Dalxiiska,isla markaana soo jiidan kara qeybaha bulshada Soomaliyeed iyo kuwa caalamka,hasa yeeshee xilligaan aan u diyaarsaneyn Nidaamkii ama adeegyadii socodsiin lahaa Dalxiiska,waxaana ka mid ah:- Sanbuusi. Abaay-dhaxan, Goobweyn oo ah halka ay isaga daraan wabiga Jubba iyo badweynta Hindiya iyo goobo kale.

             Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya waa meesha kaliya ee laga heli karo raadadka goobo taariikhi ah ee ku haboon Dalxiiska sida, Daljirka dahsoon, Dhagaxtuur , Xaawo Taako, Axmed Gurey ,Sayid Maxamed Cabdule Xasan ,SYL,Madxafka iyo kuwo kale.

            Marka laga yimaado Hoteellada ,goobaha kale ee loo Dalxiis tago iyo Taallooyinka qiimaha leh ee ku wanaagsan Daawashada,waxaa jira dhismayaal qadiimi ah oo soo jiidan kara Dalxiiska,Waxaana ka mid ah Dhismihii Sayid Barqash ,Masaajidka C/Casiis,Masaajidka Arbaca-rukun, Qalcadaha Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee Eyl iyo Taleex ,Masaajidka Qiblateenka ee ku yaala Saylac iyo kuwo kale

Inkastoo wixii ka dambeeyay 1990-kii, ay gudaha dalka ka dhaceendagaal sokeeyeoo hakiyay dhamaan ilihii dalxiiska,haddana, Ganacsato iyo Qurba-joog Soomaaliyeed oo ku soo noqday dalka ayaa sanadihii dambe ku dhaqaaqay dhismaha Hoteello badan, guryo iyo Barxado loogu talagalay nasashada,waxayna qeyb libaax ka qaateen horumarka Dalxiiska iyo koboca dhaqaale ee dalka.

Soo celinta bilicda ama quruxda ku soo korortay Dalka waxa ay qeyb weyn ka qaadatay horumarka Dalxiiska ,sidaa aawadeed,adeegaan Dowliga ah,waxa uu u muuqda mid abuuraya fursado shaqo oo wax u tara dadka,bacdamaa Dowladnimada Soomaaliya ay ku soo laabaneyso sidii caadiga aheyd,dadkuna ay gaareen biseyl siyaasadeed iyo wadajir bulsho.

           Dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan dadaallo ku aadan horumarinta Dalxiiska iyo dib u dhiska Hoteeladii Dalka sida Jubba,Shabeenlle,Curuba,Baar Bulsho iyo kuwo kale,waxaana xiga qorsho labaad oo la doonayo in sidoo kale dib loogu dhiso Hoteeladii iyo goobihii Dalxiiska ee ku yiillay Gobolada Dalka Soomaaliya.

            Iyadoo fursad la siinayo ama loo faa’ideynaayo dadka Dalxiisayasha ah ee doonaya in ay booqdaan goobaha muhiimka ah,waxaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada kale ay xilligaan si hordhac ah ugu asteeyeen meelo mucayin ah oo ay ka mid yihiin xeebaha Jasiira ee duleedka Muqdisho, tan Liido ,Seylac,Berbera iyo deegaanno kale oo ku haboon Dalxiiska.

           Waxaa haboon, Maadaama Dalka Soomaaliya uu hodan ku yahay buuro, wabiyo, xeeb aad u dheer, biyo-dhacyo iyo goobo taariikhi ah in marka hore cid kasta ay ka qeybqaadato soo celinta amniga Dalka ,tan labaad in Ganacsatada Soomaaliyeed ay xoogga saran maalgashiga goobahaasi oo muhiim u ah socodsiinta Dalxiiska iyo guud ahaan horumarinta Dalka .

W/Qoray: Shire Xasan Kulmiye



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip