Dowladda Somalia oo soo saartay digniin la xiriirta fatahaada Wabiga Shabeelle

0
Friday August 14, 2020 - 20:09:30 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo soo saartay digniin la xiriirta fatahaada Wabiga Shabeelle

    Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaada xoogan oo Wabiga Shabelle laga cabsi qabo in uu ka geysto degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe. Siiha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaada xoogan oo Wabiga Shabelle laga cabsi qabo in uu ka geysto degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe. Siihaya xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Biyo horleh keenay Wabiga Shabeelle, isla markaana laag cabsi qabo in uu ka fataho degaano hoostaga Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar. Waxaa uu sheegay in roob saacadihii la soo dhaafay ka da'ay dhulka Buuraleyda ah ee Itoobiya ay keentay in Wabiga uu Biyo badan keeno,isla markaana taasi ay sababi karto fatahaado ka dhaca degaannada uu maro Wabiga Shabeelle, isla markaana sababi karto dhimasho & burbur hantiyaded.    

        Ugu dambeynWasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa ugu baaqay dadka ku nool hareeraha wabiga inay feejignaan muujiyaan kana fogaadaan.

     Horay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fatahaad uga geystay degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan,waxaana uu sababay inay kumanaan qoys barakacaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip