
Dad ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ahaa ka dhashay iska hor-imaad laba maleeshiyo Beleed Maanta ku dhexmaray degaanka Jidbaale oo kamid ah degaannada hoostaga gobolka Sool.
Labada maleeshiyo Beeleed oo Xolo Dhaqato ah ayaa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul daaqsimeed ku yaalla degaanka ay ku dagaalameen,waxaana iska hor-maadkaas ku dhintay ilaa Saddex Ruux.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in geerida saddexda Ruux ay ka dambeysay, kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka labada beelood ay weerareen Qoys Reer Guuraa ah, iyaga oo u diidayay inay degaan degaanka Jidbaale.
Saddexdii sano ee la soo dhaafay aya Koonfurta iyo Bartamaah Soomaaliya waxaa kusoo batay Colaad Beeleedyada, kuwaas oo xal laga gaaray halka kuwo kale ay socdaan sidii loo dhameyn lahaa.

Dad ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Sool
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ahaa ka dhashay iska hor-imaad laba maleeshiyo Beleed Maanta ku dhexmaray degaanka Jidbaale oo kamid ah degaannada hoostaga gobolka Sool. Labada maleeshiyo Beeleed oo Xolo Dhaqato ah ayaa waxaa la sheegay i