
Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho
Jugta qarax ayaa goor dhaweyd oo fiidkaan caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo jawiga Magaalada uu ahaa mid degan.
Qaraxa la maqlay ayaa noociisa wuxuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhaca Qaraxa wadada 21 October ee Degmada Waaberi, gaar ahaan nawaaxiga Suuqa Beerta wadada meesha ay ka soo gasho.
Saraakiisha ammaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay hal ruux inuu ku dhaawacmay Qaraxaasi oo sida la sheegay saarnaa gaari surf ah oo meesha maraayay.
Ciidamada Booliska ayaa durba gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaan ku aadan waxa dhacay.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan av mid wanaagsan, inkastoo Qaraxyada Miinooyinka ay sidan oo kale uga dhacaan Muqdisho. .
Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho
Jugta qarax ayaa goor dhaweyd oo fiidkaan caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo jawiga Magaalada uu ahaa mid degan. Qaraxa la maqlay ayaa noociisa wuxuu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhaca Qaraxa wadada 21 October ee Degmada