Maareeye: Masuuliyiinta Somaliland uma khalmaan xilalka ay ka hayaan dowladda

0
Wednesday August 12, 2020 - 20:12:12 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye: Masuuliyiinta Somaliland uma khalmaan xilalka ay ka hayaan dowladda

    Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay inaanay Siyaasiyiinta Somaliland u khalmin xilalka ay ka hayaan Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Sii Hayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay inaanay Siyaasiyiinta Somaliland u khalmin xilalka ay ka hayaan Dowladda Federaalka.       Wasiirka ayaa sheegay masuuliyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan Dowladda Federaalka in loo dhiibay xilal uu sheegay inaanay u khalmin.

Wasiirka oo la hadlay Dalsantv ayaa tilmaamay in xilalka ay ka hayaan Dowladda Federaalka, ay ku sugayaan oo keliya in dib loola midoobo Somaliland.

           Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan in xilal sar sare ka qabtaan Dowladda Federaalka, sida inay dalka ka noqdaan Madaxweyne ama Ra’iisal Wasaare.

     "Waxa aan ku fadhino maaha wax noo khalma, waxa aan dooneynaa in reer Somaliland hellaan xilalka ay u khalmaan, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

      Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray "Balse waxaan waa wax aan ku sugeyno in lala midoobo Somaliland.”

Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka soo jeeda Bariga Somaliland ayaa noqday siyaasiga keliya ee reer Somaliland ee jegada Ra’iisal Wasaarenimo dalka ka soo qabta, tan iyo markii dib loo askumay Dowladnimada Somaliya, muddo haataa.n laga jooggo labaatan sano. Galeyr ayaa xilkaasi ka soo qabtay Dowladdii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.



General Subxaanyo: Ninka maxbuus loo dhiibo, bam

XIGASHO:-DHACDO.COM

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip