HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 4-AUG-2020

1
Tuesday August 04, 2020 - 12:15:47 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 4-AUG-2020

    Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka Cafisay dayn Shiinuhu wuxuu ka mid yahay dalal amaah siiyay Soomaaliya intii u dhexeysay 1960kii iyo 1990kii. Mashruucyo iskugu jira kaabayaal iyo dhismeyaal ayuu Shiinuhu ka hirgaliyay Soom aaliya ka sokow t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka Cafisay dayn Shiinuhu wuxuu ka mid yahay dalal amaah siiyay Soomaaliya intii u dhexeysay 1960kii iyo 1990kii. Mashruucyo iskugu jira kaabayaal iyo dhismeyaal ayuu Shiinuhu ka hirgaliyay Soom aaliya ka sokow taageerada uu siin jiray hay'a daha caafimaadka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Maxamed (bidix) iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Dowladda Shiinaha ay aa qaadatay go'aan dayn ta lagaga cafinayo dalal Soomaaliya ay ka mid tahay. "Shiinuhu wuxuu daynta ka cafiyay Soomaaliya isaga oo aan dal banin isbeddel dhaqaale" ayay qortay Deborah Bräutigam, oo bare sare ka ah Jaamacadda Johns Hopkins, kana mid ah xeeldheerayaa sha cilmibaaristoodu ku soo baxday buugga China-Africa and an Economic Transformation. "Shiinuhu wuxuu taageeray howlgalkii aadami nimo oo uu Maraykanku hoggaaminayay billow gii 1990aadkii iyo 2dii howlgal ee Q/Midoobay hoggaminaysay oo Soomaaliya ka hirgalay" bay Bräutigam qortay. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in dayn cafintu aad u yarayn doonto daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan 5.2 Bilyan oo dollar. Dayntu waxay noqon doontaa 557 Milyan oo dollar haddii Soomaaliya gaarto marxaladda ugu dambaysa ee dayn cafinta loo gu talogalay Dalalka Saboolka ah oo aad u Qaamaysan (Heavily Indebted Poor Countries}


Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyada 2020

     Xildhibaanada G/Shacabka BFS ayaa kulan koodii Shalay waxa ay ku ansixiyeen Dib u Eegista Miisaaniyadda dowladda 2020.

     Kulanka oo uu shir guddoominayay Gudd oomiyaha Golaha Shacabka Maxam ed Mursal Sh.C/ra xmaan ayaa wax aa cod gacan taag ah loo qaaday dib u eegista miisaaniyada oo ay wasaarada maaliyadda ay aad u daneyn eysay. Ansixintan ayaa oggolaatay 143 Xildhib aan halka 3 xidhibaan ay diideen,mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahadceliyay Xildhi baanada Golaha Shacabka meel marinta dib-ugu-laabashada Miisaaniyadda 2020 oo ansi xinteedu muhiim utahay sii socod siinta howl aha Dowladda. Kulanka baarlamaanka oo lagu ansixiyay dib u eegista miisaaniyada

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku xaniban dalka Panama

     Dhallinyaro Soomaali ah oo sanado ka hor ka soo baxay dalka Soomaaliya, islamarkaana soo maray dalal badan oo ku yaala qaaradaha Yurub iyo Koonfurta Amer ica ayaa haatan ku xaniban dalka Panama, oo ku yaal la bartamaha qaaradda Am erica.

      Dhalinyaradan oo socdaalkoodu ku wajah naa dalalka Woqooyiga America,ayaa ku go’doomay dalkaas kadib markii xanuunka Coronavirus dartii ee dalkastaaba xuduudkiisa xiray.

    Mid kamid ah Dhalinyarada ku xaniban dal ka Panama ayaa sheegay in muddo shan bilo od ah ay ku xayiran yihiin dalkaasi,isla mar kaa na ay dowladda soomalaiya ka codsanayaan inay ka jawaabto cabashadooda.

Koonfur Galbeed oo Amar dul-dhigtay Hay’adaha Samafalka

      Wasiirka gar-gaarka iyo maareynta musii booyinka D/G/K/Galbeed Soomaaliya, Cabdin uur Cabdi Caruush ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay dar-dargeliyaan howlahooda ku aaddan taakuleynta Dadka ku waxyeello obay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Md. Caruush oo ka hadlayay kulan ay Muqdiho ku yeesheen Guddiga samata bixinta Dadka uu saameeyay fataha adda Webiga Shabe elle ee K/Galbeed ay aa intaa ku daray inuu si wanaagsan u socdo gurmadka, iyagoo la kaashanaya Dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalka.

     Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta Dowla dda ayaa sheegay in Degmooyinka Afgooye, degaanno ka tirsan Marka, Wanla-weyn iyo Aw-dheegle ay si weyn u sameeyeen fatahaad da Webiga, wuxuuna si gaar ah ugu mahad cel iyay Wasaaradda Caafimaadka KG oo Dadka barakacay la garab taagan taakuleyn iyo wacyi gelin ku saabsan xanuunka Coronavirus.

     In ka badan 40 oo Qof ayuu sheegay Wasiir ku inay saameysay fatahaaddu, halka 15,000 ay ku barakacday, wuxuuna intaa ku daray in Dadkaasi qaar ka mid ah loo qaybiyay Lacag, qaarna ay Raashiin iyo Agabka kale, isagoo ku cel-celiyay ka mahad-celinta doorka Bini’aad am-nimo ee ay hay’adaha samafalka, Dowlad da dhexe iyo maamulka KG ka geysteen taa kuleynta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle.

Koox hubeysan oo weerar ku dishay 24 Ruux

     Ugu yaraan 24 qof ayaa lagu dilay 42 qof oo kalane waa ku dhaawacmeen dagaal Afgha nistan ku dhexmaray ciidamada amniga iyo dabley Islaamiyiin ah oo hubeysan, kuwaa oo weeraray xabsi ku yaala bariga Wadankaasi.

    Afhayeenka isbitaalka gobolka Nangarhar Zaher Adel ayaa u sheegay wakaalada warar ka ee AFP in ilaa iyo hada la dilay 24 qof oo ay ku jiraan Ciidamada ammaan ka. Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo Buuxi yay ayaa Mar kii hore lala beegsaday Albaabka lagasoo galo Xab siga Caasimada Jalaalabad ee Gobolka Naghar,taasi oo Qiyaastii dhanka Galbeedka 115 Km Kabul kaga beegan. Kooxda Weerar ka soo qaaday ayaa mar kaa ka dib Rasaas hu wiyay Ciidamada Amniga oo Xarunta Waar diye ka Haayay.

     Xabsiga Maxaabiista kujirta oo gaaraya 1,500 maxbuus, ayaa la rumeysan yahay badi in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

     Idaacadda wararka ee IS, Amaq, ayaa ku dhawaaqday in dagaalyahannadeeda ay ka dambeeyeen Waxa ay ugu yeereen afgambiga xabsiga, sida laga soo xigtay.

     Weerarkaan ayaa imaanaya Maalin Kadib markii Wakaalada Sirdoonka Afghanistan ay sheegtay in sargaal sare oo katirsan Kooxda Daacish ay dileen Ciidamada gaarka ah ee Afghanistan meel udhow Jalaalabad.

Deni oo dhagax-dhigay wado isku xirta Koo nfurta & Waqooyiga Gaalkacyo

    Madaxweynaha D/G/Puntland Siciid C/hi De ni, ayaa Shalay dhagax dhigay wejiga 2aad ee Mashruuca dhismaha wadooyinka Nabadda ee isku xira Waqooyiga iyo Koonfurta Magaal ada Gaalkacyo.

     Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida Mas uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmud ug ay uga wada shaqee yeen hirgelinta wadooy inkan laamiga ah ee isku xiraya labada dhinac ee magaaladda, sidoo kale wuxuu Madaxweyn uhu u mahadceliyay Hay’adda SSF (Somali Stability Fund) ee fadhigeedu yahay Puntland oo kala shaqeysay mashruucan Dowladdaha Hoose ee 2da dhinac Puntland iyo Galmudug.

     Dhagax dhiga wejiga 2aad ee Wadooyinka Nabadda Gaalkacyo, oo Shalay ka dhacay Jidka 30ka ee isku xira xaafadaha Wadajir iyo Garsoor, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wafdi ka socda Galmudug oo uu hoggaamina yo Wasiirka Amniga Axmed Macalim Fiqi, Go leyaasha Puntland ee ku sugan Gaalkacyo, Gu ddoomiyeyaasha degmada ee Puntland iyo Ga lmudug,Saraakiisha Ciidamada ee 2da dhinac.

Laftagareen oo Hay’ado Caalami ah kala hadlay u gurmashada dadka Sh/Hoose

    Madaxweynaha DG/K/Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Hoyga uu ka Deganyahay M/Muqdisho kulan kula qaatay Mas’uliyiin ka socday 2da hay’adood ee Bisha-cas Turkey iyo Diyanet.

       Madaxda ka socotay labada Hay’adood iyo Madaxweynaha K/Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka uu saamee yay fatahaa da Wab iga Shabeelle ee G/ Sh/Hoose. Madax weyne laftagareen ayaa ka codsaday Madaxda ka socotay 2da Hay’adood inay gu rmad deg deg ah gaarsiiyeen dadka ka barak acayfatahaada D/Afgooye iyo tuulooyinka hoos taga.


KHUDBADIHII LAGA JEEDIYAY FURITAANKA SHIRWEYNAHA BEESHA MUDULLOOD


      Waxaa Xarunta Mowlaca Macallin Nuur ee M/Muqdisho ka furmay Shirwey naha wadatashiga Beelaha Mudullood, kaasoo qaban qaa badiisa soo socday tan & dhamaadkii sanadkii hore.  Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Ma dax wey nay aashii hore ee Soomaaliya, R/ Wasaarihii hore,Madaxweynaha Hir shabeelle, siy aasi yiin,Wasiirro, Xil dhibaano, Duubabka Dhaq anka Be esha iyo qeybaha ka la duwan ee bulshada.

  Shirka ayaa ku furmay si deggan iyo khudba do, waxaana hab maamu uska ahaa mid aad u heersaree yay, isla markaana hadalada loo siina yay sida ay Madaxda isugu xig aan xilal ahaan. Ugu horeyn  Imaamka Beesha Mudullood Imaam Max amed Yu usuf ayaa shirka furay, waxaana uu soo dhoweeyay gogosh an, isagoo ugu baa qay Soomaal ida kale in haddii ay gogol u baahda an Mowlaca Macallin Nuur ay im aan karaan.

  Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxame d (Cumar-Finish) ayaa ka jeediyay shirka khudbad dhinacyo ba dan taabaney sa, isagoo xusay loo baahan yahay Muduloodka xilka ha ya iyo midka ka degay ay jirtaa waxa ay wada dhowrayaan.

 "Waa inay jirtaa wax ay wada dhowraan siyaasiga xilka haya iyo mid ka xilka ka dagay oo ay beeshu leedahay, Umad waxa ay ku horumart aa talo mideysan iyo mabaa’dii, waxaan u baahanahay masaaliix joogto ah oo aan marnaba raac in is bedelka siyaasadeed ee dalka”ayuu yiri Cumar Filish.

  Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu marti qaaday shi rweynaha Beesha Mudullood ayaa hadalo duurxul ah oo bo ggaadin iyo dhiira gelin u jeediyay beelweynta Mudullood, isagoo soo dhoweeyay furitaanka shir ka beesha isugu timid.

   "Qofku marku uu gurigiisa ka soo baxayo muraayad ayuu isku fiiri yaa, si uu quruxdiisa u arko, quruxda rasmiga ah waa in laga arkaa dee gaanada ay bee shu degto”

 Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in Dhib ku marka uu bato bulshadu xiskooda ay kulmiyaan si ay uga arrinsadaan dhiba atada taagan,waxaana uu soo jeediyay in shirka ajan dihiisa iyo natiijada laga rabay waa inay ka soo baxaan

   Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo 13 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir. "Golaha Shacab ka waxaa ay ansixiyeen in 13 kursi laga siiyo Gobol ka banaadir, waxaa leena hay Madaxweyne Farmaajo weli agtada ayay yaallaan, ee saxiix si bulshada Ba naadir xaqooda u helaan”

  Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa shirka ka ha dlay, isagoo arrimo ay u badneyd siyaasadda iyo isu imaatinka Beesha ka jeed iyay shirka  "Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sh.Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Mad axweyne Xasan Sh. sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadad dii Madaxdii ka horeysay”ayuu yiri Wasiir Islow.

  R/Wasaarihi hore Prof.Cali Maxamed Geeddi oo shirka ka hadlay ayaa yiri "Mudullood waa Maktabad Qaran laga soo bilaabo AUN Madaxwe yne Aadan Cadde ayaa lagu soo aaminay hoggaanka Ummadda Soo maaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda”

Prof. Geeddi oo sii hadlayay ayaa yiri "Dowladda Shalay jirta meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaal inaa Dowladnimada”

     Iyadoo shirka uu si habsami leh iyo hab maamuus ku socday, ayna dhamaa tay khudbadii R/Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi ayaa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu shirka ka kiciyay fowdo iyo buuq, isa goo dalbaday in xoog lagu Cod baahiyaha, taasoo wax yar hakisay khd ubadihii shirka.

 Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in haddii shirka khudbadaha laga jeediyay ay san ku jiri laheyn arrinta doorashada uusan soo kici laheyn, isagoo yiri "Shirka hadduu shir mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorasha laga hadlay, si daas u soo kacay, doorasho dadban la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan”

  Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo fadhiga ka soo kacay ayaa mar kii buuq ka dhashay khudbadii Salaad Cali Jeelle iyo fowdada uu geliyay habs ami u socodkii khdubadaha ayaa ayaa sheegay in shirku yahay shir mudullood oo aan mucaarad iyo muxaafad aheyn nin aan mudul laheyn uusan goobta jog in, balse waxaa uu yiri in qof wal ba uu cod leeyahay "Nin la dhihi karo hadal la siinayo ma jirto, nin wal ba cod leeyahay, nin walba akhtiyaar leeyahay, waa la dhageysanayaa waa loo sacbinaya wuxuu dhaho asiga yiri, sidaas shir ku no qonayaa, sidaas shirka guul ku gaari karaa, fowdada hala dhaafo

Sheekh Shariif "Muddullood waa inay ka garaabaan dhibaatada kale ee walaalahood ka tabanayaan”

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed oo Shalay ka had layay shirweynaha Beelaha Mudullood oo si rasmi ah uga furmay Muqdisho ay aa ugu baaqay Beesha inay ka garaabaan dhiba atooyinka ay ka taban ayaan beelaha kale.

Sh.Shariif ayaa soo dhoweeyay, dhiira gelina u sameeyay dadaalka uu wa do Imaamka Mudullood oo ahaa inuu la fariistay beelaha kale ee ka tabanaya, intii burburka ka dhaceen dalka.  "Muddulood waa inay ka garaabaan dhibaatada kale ee walaalahood ka tabanayaan. Waa inay shir ka le isugu keenaan oo laga garaa bo dhibaato kasto oo ku dhacday qof walbo oo Somali yed”ayuu yiri Sheekh Shariif.

    Mar uu ka hadlayay arrimaha tabashada ciidanka ayuu sheeg ay in Be esha ay tahay tan ugu badan ciidanka xoogga, ayna u hurreen naf iyo maal ba, isagoo dalbaday in aan lagu dhibaateyn ciidanka. "Mudullood xoogoo da ugu badan waxay geliyeen dowladda dhexe, ciidamada ugu badan xoog ga waa mudullood, ma ahan in lagu dhibaateeyo qabiilkood dartood ciidan ku soo shaqeeyay duruufo adag”ayuu yiri Sheekh Shariif

     Mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada iyo muddo xileedka Madaxw eyne Farmaajo ayuu xusay inay waqti siiyeen, isla markaana maalintii la dooranayay isaga iyo Xasan Sh. ay garab istaageen, iyadoo aanay cid ka dalbatay ama tiri garab istaaga aysan jirin,  Waxaa uu sheegay inay doon ayaan in la aado doorasho, ayna diyaar u yihi in, isagoo xusay in arrinta doorashada qof iyo codka dowladda wado ay tahay arrin lala yaabo oo aan suura gal aheyn  "Walaalkeey Salaad Cali Jeelle wuxuu yiri doorasho qof iyo cod ayan rabnaa lakin aniga waxan leeyahay Doorashada la qabanayo xitaa Farmaajo ma oga nooca ay tahay, Marmar ayan isdhahaa Shariifow dabaal miyaa tahay horta. Sidee lagaaga dhaadhacsiin karaa Do orasho qof iyo cad ayaa dhaceeyso Agoosto ka hor, Bahashaan waa leesku dhi ibaa waa qori tuur. Haddaan aniga iyo Siyaad Barre iyo Cabdi Qaasim sii heys an laheen kursiga. Ka waran Xasan Sheekh iyo Farmaajo sacadaan madaxweyne ma noqon lahaayeen. Waa maya”  Sh.Shariif oo si gaar ah ula hadlayay Madaxweyne Farmaajo sii hadlayay ay aa yiri "Saxibkeeyoow Kursiga waa macaan yahay anagaa soo aragnay laakiin asoo macaan ah ayaan ka dagnay. Adna walaalow nala tartan”

     "Aniga ugu dambeyn waxaan leeyahay Doorashada diyaar ayaan u nah ay ee dowladda diyaar ma u tahay”

Xildhibaan Cosoble” Ra’iisul Wasaare kasta oo yimaada ma aqbaleyno muddo kororsi”

   Xildhibaan C/dir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaannada GShBS ayaa sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin in muddo kororsi ay same yso dowla dda uu hoggaamiyo Madaxweyne M.C/hi Farmaajo. Waxaa uu sheegay in Soo maaliya ay Shalay mareyso marxalad aad u dhib badanisla markaana ay joo gto in Xukuumaddii dalka ka jirtay si isxilqaan ah xilka looga qaaday,hayeeshee si kastoy ahaataba la sugayo soo dhisida Xukuumad Cusub.

     Waxaa uu hadalkisa intaasi ku daray Xildhibaan Cosoble in Hay’adaah kala duwan ee dowladda,sida Golaha Shacabka & Aqalka sare iyo sidoo kale mud do xileedka Madaxweyne farmaajo uu yahay mid geb-gabo ah,balse aysan u muuqan in la qabanayo doorasho.

    Soomaaliya ayuu sheegay inay soo martay Shan Madaxwey ne oo kusoo sha qeeyay duruufaha hadda la maraayo mid ka ad ag,kuwaasna ay qabteen doora sho waqtigeeda ku dhacdo,isla markaana Madaxweyne Farmaajo aysan ka ogo laaneyn muddo kororsi.

    Duruufahdaa hadda la maraayo kama dhib badna kuwii la soo maray, qof wal ba oo xil qabta wuu jeclaa in uu iska sii joogo,laakin waa laga diid ay,waxaad ogtihiin in hadda la raadinaayo xilka R/Wasaarenimo,waxaana idin sheegayaa xataa hadii uu Cosoble xilkaasi qabto in aan la ogolaan doonin muddo kororsi.

Wasiir Islow oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay doorashada waqtigee da in lagu qabto

    Siihayaha Wasiirka W/Amniga XFS Md. Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay aa Shalay ka qeyb galay Shirka Beesha Mudullood uga socda Xarunta Mow laca Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho. Wasiir Islow ayaa wax aa marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo qeyb galo Shirka Beesha Mudullood oo uu sheegay inuu yahay mid wadata shi ah oo lagu sixi doono waxyaabaha qaldan ee jira.Wasiirka Amni ga ayaa waxaa uu ka hadlay Arrimaha Doorashada la filayo inay dal ka ka dhacdo 2020/2021, isagoo sheegay in Doorashada dalka ay muhiim tah ay inay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, wuxuuna xusay in Doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay aan waqti lagu karin, wuxuuna tusaale u soo qaatay Doorashadii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

     Isaga oo sii hadlaayay Ducaale ayuu Madaxweyne M.C/hi   Farmaajo ugu baaqay inuu wadaddii Madaxdii ka horeysay, isla markaana Doorashada dalka lagu qabto waqtigii loogu tala-galay. "Doorashada waa inay ku dhacdaa waq tigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sh.Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay” ayuu yiri Wasiir Islow. Isagoo u mahad celiyey gogosha shirka beesha muddulood

 

Md.Salaad Cali Jeele: Ilaah baan idinku dhaarshee fursadiisa hala siiyo Madaxweyne Farmaajo

     Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ugu horeyn bogaadiyey shirwey naha Beelaha Muddlood ayaa waxaa uu sheegay in beesha muddlood tahay mid wax badan ka tartay howlaha dalka,waxayna mudan tahay in lagu tixgeliyo wanaageeda dadkoo dhami way og yihiin waxybaaha hey sta,waxaana heysta dhibaato badan oo ay ka mid tahay xagga amma anka waayoo ma ahan in deeganadeeda aysan qaar ka mid ah ka xoreynsneyn oo ay heytaan  alshabaab

   Beesha  waxaana laga rabaa inay  dadaal weyn mu ujiso inay lagalaan dagaal dadkeeda ka badbaadiso kuwa yare e xooga ku heytsya .

 Haddaba dadaal haloo galo si loo nabdeyn lahaa oo dadka dhibka ku haayo looga dul qaadi lahaa.

 Meel haddeysan nabad aheyn lama tagi karo waxaana ugu baaqayaa in dadaal wada jir ah loo galo sidii loo xoreyn lahaa deenadeenna si bu lshada ku nool oo dhibaateysan wax looga qaban lahaa waliab aniga in ta badan qarasha ku baxaya halagu qoro dhammaana arrintaas halaga howlgalo. Ayuu yri Salaad Cali jeelle.

    Dhinaca kale  Dhinaca kale Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah La taliy e-yaasha Madaxweynaha JFS,Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ku baa qay in fursadiisa la siiyo Madaxweynaha Qaranka. Wuxuuna sheegay in Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay muddo kororsi sameeyeen, isagoona mu ujiyay inaanay xilligaa jir in cid ka hortimid.

    "Xasan Sh. inuu lix bilood ku darsaday maad moogtihiin? Sh.Shariif Kampala Acc ord hal sano inuu ku darsaday maad moogtihiin? Soomaalinimadu cadaalad bay rabtaa.” Ayuu yiri Salaad Cali.

    Isagoo ka hadlayay Shirka Beesha Mudulood uga furmay M/Muqd isho ayuu yiri "Ninkan haddii ay u dhammaato uu farsamo la imaan wa ayo, isagaa laga rab aa.”

    Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka shaqeynayeen in doorashada waqtige eda ku qabsoomto, hase yeeshee ay diidan yihiin sida uu yiri dadka aan suggi karin. 

      "Madaxweyne Farmaajo anaa la taliye u ah doorashada inay waqt igee da ku qabsoomtaa ka shaqeynaa, laakiin dadkaan sugi karin oo fitno u un Da wo u tahay ayaan anagu diidanahay. "Ilaah baan idinku dhaar shee fursadiisa hala siiyo.” Ayuu yiri Ina Jeelle.

  Isagoo difaacayay Madaxweyne Farmaajo ayuu yiri "Hadda dhibaata da la geli yay, inta laga wacay meesha la yiraahdo Dhuusamareeb a yaa R/W/rihii saaxiib ka ahaayeen inta leesyku diraa, la riday.”   Danl eyda Siyaasadda ayaa cod kore ku diiday in muddo kororsi ay sameyso DFS. Tani waxay ka dambeysay markii ay sheegeen in dhaq dhaqaa qyada ka jira Villa Somalia ay muujinayaan muddo kororsi

ay u gogol xaareyso dowladda.

Diyaarad ku burburtay Garoon diyaaradeed oo ku yaalla Jubbada Hoose

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay burburtay diyaarad nooca Milateriga oo siday Sahay.

            Diyaaradaas oo ay lahaayeen Ciidanka dowladda Kenya ayaa burburtay xili ay dooneysay inay Cagadhigato dhabbaha Garoonka diyaaradaha Dhoobley, hayeeshee ay burburtay, uuna ka kacay dab xoogan.

Dad ku sugan Dhoobley ayaa soo sheegaya in diyaaradaas ay Sahay u siday Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee jooga Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana ay kasoo duushay Saldhig ay leeyihiin Ciidankaas.

            Weli lama oga sababta keentay burburka diyaaradda, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in shilka uu ku dhintay duuliyihiin diyaaradda, sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo duuliyaha caawiye u ahaa.

            Saraakiisha Ciidanka Kenya ayaa wada baaritaano kala duwan oo ku aadan waxa sababay burburka diyaaraddaas, iyagoona tilmaamay in baaritaano kadib ay faah faahin ka bixin doonaan.

Wasiir Beyle oo Shuruud ku xiray bixinta lacagta gur


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip