
Caynte oo shaaciyey hal arrin oo horseed u ah xiisadaha siyaasadeed ee Somalia
Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasiga ah iyo xiisadaha ka dhashaba ay soo jiitamayeen 8-sanno ka hor.
Cabdiraxmaan Caynte ayaa xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex abuurma dowladda federaalka ku tilmaamay mid uu horseed u yahay dastuurka qabyo qoraalka ah oo la ansixiyey maanta oo kale 8-sanno ka hor (01-08-2012).
Dastuurka qabyo qoraalka dalka ayaa xiligan si rasmi ah loo dhameystirin kadib siddeed sanno, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay, maadama aan si dhab ah looga howl-galin dhameystirka dastuurkaasi oo kaalin mug leh ka qaadan lahaa deminta xiisadaha siyaasadeed.
"Maanta oo kale 8 sano kahor (01 August 2012) waxaa magaalada Muqdisho lagu ansixiyey qabyo qoraalka dastuurka KMG ee Soomaaliya. Yoolku wuxuu ahaa in muddo kooban gudaheed lagu qabyo-tiro dastuurka dalka, kaddibna afti loo qaado. Nasiib darro, 8 sano kaddib, dastuurkii wali qabyo” ayuu Caynte ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuuna intaas sii raaciyey "Inta uu qabyo yahay dastuurka dalkeenna waxaa maqan heshiis bulsho oo dhab ah, waxaana dhantaalan mid kamid ah tiirarka ugu waaweyn dowladnimadeenna. Xiisadaha siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn waxaa saldhig u ah maqnaanshaha heshiis bulsho iyo mugdiga iyo maldahnaanta dastuurka qabyada ah”.
"Hoggaanka Soomaaliya (mid hore iyo mid joogaba) wuu ku fashilmay inuu xalliyo arrintan masiiriga ah. Sidaas darteed, dowladnimadeenna waa ‘faanoole fari kama qodna”.
Caynte oo shaaciyey hal arrin oo horseed u ah xiisadaha siyaasadeed ee Somalia
Waxa sanadihii u dambeeyay si weyn usoo noq-noqonayey xiisadaha siyaasadeed ee dalka, taasi oo maalmihii u dambeeyayna marayey meel xasaasi ah, kadib markii si lama filaan ah daaqada looga saaray ra'iisal wasaarihii dalka. Xiisada siyaasadeed