Wakhtiga Uu Mesut Ozil Ka Tagayo Arsenal Oo La Kashifay.

0
Thursday July 30, 2020 - 15:11:31 in Wararka by
  • Visits: 2339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakhtiga Uu Mesut Ozil Ka Tagayo Arsenal Oo La Kashifay.

    Wakiilka Mesut Ozil ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu ciyaaryahanka khadka dhexe uga tagi doono kooxda Arsenal xagaagan laakiin waxa uu qirtay in uu 90% ka tagi doono kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa sanadka 2021. Xiddiga 31 j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Mesut Ozil ayaa meesha ka saaray suurtogalnimada uu ciyaaryahanka khadka dhexe uga tagi doono kooxda Arsenal xagaagan laakiin waxa uu qirtay in uu 90% ka tagi doono kooxda marka uu dhoco heshiiskiisa sanadka 2021. Xiddiga 31 jirka ah ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan Arsenal isaga oo todobaadkii qaatay 350 kun oo Gini todobaadkii waxana uu ku fashilmay in uu wax kulamo ah u ciyaaro kooxda tan ilaa markii uu dib u bilowday xilli ciyaareedku isaga oo u muuqda mid aan ku jirin qorshaha Mikel Arteta.             ayaa si aad ah u doonaysa in ay iska iibiso Ozil si ay isaga yarayso mushaharkiisa aadka u badna laakiin xiddiga ayaan doonayn in uu isaga tago kooxda isaga oo doonaya in uu dhamaysto heshiiska uu kula jiro Arsenal.

          Arintaas ayaa la macno ah in uu Ozil si xor ah isaga tagi doono sida uu xaqiijiyay wakiilka xiddiga kaas oo sheegay in uuna xididgu meelna uga socon xagaagan.

"Uma malaynayo in uu Mesut Ozil ka tagi doono kooxda ilaa xagaaga 2021″ayuu u sheegay Fanatik.

"Waxa uu kooxda kula jiraa heshiis, mana jirto wax is badalay waxana uu sii joogi doonaa Arsenal”.

"Waxa jirta 90% in uu Ozil isaga tagi doono kooxda Arsenal xagaaga 2021″ayuu hadalkiisa sii raaciyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip