HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 29-JULY-2020

0
Wednesday July 29, 2020 - 10:59:06 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 29-JULY-2020

    Maxay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Qoor Qoor? Madaxweynaha D/G/GalMudug , Axmed Ca bdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan M/Muqd isho ayaa Habeen hore la kulmay Madaxweyn aha Soomaaliya, Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo ka wada-hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Qoor Qoor? Madaxweynaha D/G/GalMudug , Axmed Ca bdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan M/Muqd isho ayaa Habeen hore la kulmay Madaxweyn aha Soomaaliya, Md.Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka. Kulanka oo ahaa mid u gaar ah 2da mas 'uul ayaa wuxuu qaatay saacado badan, balse lama shaacin waxyaabihii lagu heshiiyey. Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in diirada lagu saar ay is-bedalka xukuumadda, doorashooyinka iyo dhameystirka shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in lagu soo qaaday kulankan arrimo ku saabsan soo xulida ra'iisul wasaaraha cusub ee bedalaya, Xasan Cali Khayre. Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin 2da dhinac, balse waxaa lagu soo warrama yaa in kulamadu ay sii socon doonaan Shalay & Maanta. Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee magacaab ista xukuumad cusub, kadib markii Sabtidii la riday xukuumaddii hore ee Soomaaliya.
Xoghayihii Joogtada Xafiiska R/Wasaaraha oo xilkii wareejiyay

     Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiiska R/l Wasaaraha, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa Shalay xilka ku wareej iyay xogahayaha cusub ee KMG ah Abdirisak Xuseen Aaden. Abdirizak Xuseen Aadan ayaa xilkaan si KMG loogu magacaabay, kadib markii xilkii laga qa aday R/Wasaarihii hore ee Somaliya Xasan Cali Khayre o o Sabtidii Baarlamaanka xil ka qaadis ay ku sameeyeen.

    Munaasabadda xil wareejinta Waxaa goobjo og ka ahaa kusimaha was iiru dowlaha XRW Md, Cabdullaahi Xaamud iyo howlwadeeno ka tirsan xafiiska hantidhowrka Qaranka.

     Sida muuqata waxaa Xafiiska laga saara yaa dadkii aadka ugu dhawaa R/wasaarihii hore ee Somaliya Xasan Cali khayre, kadib ma rkii codkii kalsoonida ay kala laabteen Baarlam aanka sida G/ Baarlamaanka sheegay.

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay xilka qaadistii Kheyre

   Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Isbedeladdii ku dhacay siyaasadda Soomaliya gaar ahan kalsooni kala laabashadii  Xildhibaanada Golaha shacabku ay ku same yeen R/wasaarihii hore Somaliya Md.Kheyre.

Qoraal ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ku sheeg een in tallabadaan ay ku dhawaaqday dowla dda dhexe ee Soomaliya ay cabad ku noqon karto geeddi socodka nabadeed ee dalka So omaliya, waxaana ay sheegeen in laga yaabo in ay wiiqdo  guulihii waaweynaa ee dowladda Federaalka hadda jirta ay horay u gaartay.

     Doorashooyinka soo aaddan ee dalka ka dhici doono ayay beesha caalamku ka digatay in la carqaladeeyo, doorashadana waqtigeeda aan laga dib marin.

     Hadalka Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo ay jireen eedeymo heer caalami ah oo G/Shacabka iyo Madaxweyne farmaajo loo jee diyay, kuwaas oo la xariiray kalsooni kala laa bashadii Golaha shacabka baarlamaanka Soo maaliya ay ku sameeyeen Xasan Cali Kheyre.

Maxay ka wada hadleen Madasha Xisbiya da, Mursal iyo Muudey (Akhriso)

    Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqifkeeda la xiriira Doorashada dalka u caddeysay Gud doonka Golaha shacabka ayaa sheegtay in la ma huraan ay tahay in Doorashada lagu qabto waqtigeeda.Guddoomiyaha Golaha Shacabka B/ F/Soomaaliya, Md Murs al iyo G/ku xigeenka koowaad ee G/Sh/B/F/S C/wali Muu deey ayaa kulan la yee shay Xalay hoggaanka sare ee MXQ gaar ahaan Madax weyneyaashii hore Md Sh.Sha riif Sh.Axmed iyo Mdane, Xasan Sh. Maxamud

    Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arr imo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn la haa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqti geeda loona dhan yahay.

    Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka G/Shacabka sheegeen inays an mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee G/Shacab ka,Waxaana Madashu gaarsiisay 2lda masuul mawqifkeda ku aaddan doorashooyinka dalka.

    Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.    Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Gol aha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaa do in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey ’adaha Dastuuriga ahaa ee DFS,waxaana hog gaanka MXQ u caddeeyey G/G/Shacabka ina an la aqbali karin muddo korosi, lama huraan na ay tahay in Doorashada lagu aado waqtig eeda.

    Sida la og yahay, muddo xileedkii Hay’ada ha DFS oo ku muddaysnaa 4 sano wuxuu mar ayaa dhammaad, waxaana la joogaa xilligii Do orashada loo diyaar garoobi lahaa, umana mu uqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diy aar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiya da Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaq aynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah.

   Madasha Xisbiyada Qaran waxay u aragtaa inay lama huraan tahay in Doorasho laysla og gol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin.

Cabsi xoogan oo markale soo wajahday dad ku sugan SH/Hoose

    Saacadihii la soo dhaafay waxaa bilaawday cabsi xoogaan oo soo wajahay dadka ku haray degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee ku hareereysan, ka dib markii ay kordheen biyaha wabiga shabeelle oo horay ugu fatahay deeg aanno badan oo ka tirsan G/Sh/ Hoose.

   Mid kamid ah Odayaasha dhaqanka D/Afgo oye  oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in in biyaha wabiga ay la socdaan xayawaano dad cun ah oo dhawaan la tilmaamay in ay cuneen gabar yar, wuxuuna intaa ku daray in sidoo kale laga cabsi qabaa inay ka dhashaan cuduro maadaama adeegya dii caafimaadka guud ahaan ay biyaha qaade en biyaha.

     Inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay D/Afgooye ayaa laga barakacay ka dib markii ay saameeyeen fatahaadaha wabiga shabeel le, waxaana socda gurmad ay sameeynayaan DG/K/Galbeed ,maamulka Gobolka iyo kan de gmada oo wada qeylo dhaan iyo gurmad si wax looga qabto xaalada cakin ee ka taagan G/Sh/Hoose. DFS ayaa iyane dhankeeda ku biirtay gurmadka dadka ka barakacay Afgoyee iyadoo lacag dhan 500,000 ama Nus bilyan u gu deeqday dadkaasi u baahanyahay gurmad ka deg deg ah.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tegay Dekadda

    Siihayaha xilka R/Wasaaraha XFS ahaana R/Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Shalay kor meer shaqo ku tegay Dekadda weyn ee M/Muqdisho.

     Kormeer uu tegay Dekadda Mahdi Ma xamed ayaa wax aa ku wehlinayay Siihayaha xilka WWX Cabdirax ma an Ducaale Beyle iyo xubno kale oo ka tirs an dowladda. Siihayaha xilka Md. Mahadi ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha kala duwan ee Dekadda Ma/Muq disho, isag oona kulan la qaatay maamulka Dekada oo ka warbi xiyay howlaha socda.

     Md.Mahdi ayaa tan iyo markii si KMG ah lo ogu Magacaabay Siihayaha xilka RW waxaa kormeer ku tegay Xarumo kala duwan oo ay leedahay dowladda Federaalka.

Dadkii ugu yaraa Ebid oo gudanaya Xajka sanadkan

    Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah ee caadi yan ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay bilaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka ka qeybqaadanaya fayraska korona awadii.

    Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuuc day dadkii caalamka ka iman lahaa ee tegi la haa magaalada barakas an ee Makkah al-Muk ar amah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-lee dahay sidii lagu xakam ayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

    Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniin ta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqor tooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

    Illaa 2 Milyan oo qof ayaa caadiyan sanadki isa Xajka guta, hasayeeshee sanadkan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof.

     Dadka loo ogolaaday inay ka qeybqaataan Xajka sanadkan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warra mayso wakaaladda wararka ee AFP.  Dadka gobtaas barakaysan cibaadada u tagaya ayaa waxa ay tahay inay iskarantiilaan Xajka ka hor iyo kaddibba, AFP ayaa sidaas ku warrantay.


Xasan Sheekh Maxamuud oo la shiray xildhibaano ka tirsan BF Somalia iyo Ujeedka

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Md.X asan Sh.ayaa Habeen hore la kulmay xildhiba ano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa jira Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD. Kulankan oo ay sidoo ka le goob-joog ahaayeen xubnaha xisbigaasi ay aa waxaa shir guddoomiyeyna Xasan Sh.

   Qoraal ka soo baxay Xisbiga MNaiyo Hor umarka ee UPD ayaa waxaa lagu sheegay in shirka looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doo rashooyinka.

Sidoo kale xisbiga ayaa diray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaqeeyo samatabixinta dalka iyo abuur ista jawi xasilan oo suurogelin kara wadatashi.

Halkan hoose ka aqriso:

    Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii side edaad ee JFS Md.Xasan Sh.Maxamud ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo mas’u uliyiinta xisbigu ay uga arrinsanayeen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

    Mas’uuliyiinta ayaa ka dooday sida ay muhii m u tahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajir ka umadda Soomaaliyeed isla markaana laga fogaado wax walba oo keeni kara qalqal siyaa sadeed ama amni.

      Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay marxa ladda kala guurka ah ee dalku marayo iyo sida ugu haboon ee dalka ay uga dhici karto doora sho heshiis lagu yahay oo xilligeedii ku qabsoo nta. Gebangebadii kulanka ayaa laga soo saa ray baaq ku aadan in si wadajir ah looga shaq eeyo samatabixinta dalka iyo abuurista jawi xa sillan oo suurogelin kara wadatashi si loo gaa ro isfaham siyaasadeed oo lagu maareynayo marxaladaan kala guurka ah.

SACIID DENI oo bannaanka soo dhigay wixii ay ku wada hadleen isaga iyo Farmaajo

    Xilli wali aad loo hadal hayo xil ka qaadistii R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxwey naha Puntland, Saciid C/hi Deni waxa uu ka ha dlay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo mada xweyne Farmaajo intii ay ku sugnaayeen M/Dhusamareeb. Deni ayaa sheegay in madax weyne Farmaajo ay Dhusmaareeb dhowr jeer kulamo gaar ah ku yeesheen.

    "Shirarkii aan aniga la galay Farmaajo, mad axweynaha wuxuu diirada aad u saarayay inaan kala shaqee yo ajenda uu markaa u dhigay ay in doorasho qof iyo cod ah lagu qaban karo, mudada lagu gaari karana aysan cayimneyn, u muuqaneys ana in dowladda ay rabtay in wakhtiga loo ko rdhiyo”, ayuu yiri Saciid Deni.

    Deni ayaa hadalkan jeediyay isagoo jawaab ka bixinayay xil ka qaadistii lagu murmay ee R/ wasaare Kheyre oo uu ku tilmaamay mid shar ciga baalmarsan.

    Dhankiisa ayuu sheegay inu u isku dayay in madaxweynaha uu ku qanciyo in xilligan ay u adag tahay in laga shaqeey muddo kororsi taa soo ka hor-imaneyso waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhusamareeb. "Markii aan arrintaas kala hadlay, waxaa uu muuqaneysay in mada xweynaha uu ku qancay ra’yiga ah in doorasho qof iyo cod ah la qabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.    Doorashada xilligan Soomaaliya ka hirgeli karta ayuu sheegay inay tahay door asho dadban oo aan gaarsiisaneyn qof iyo cod, kana duwan tii 2016-ka ka dhacday dalka.

Guddiga ay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ku heshiiyeen shirka Dhusamar eeb ayuu sidoo kale sheegay in shaqadoodu ay tahay inay kasoo tala bixiyaan nooca dora sho ee uu dalka qaadanayo kahor kullanka da mbe ee maamul goboleedyada iyo DFS.

    Inkastoo BBC-da aysan si rasmi ah u xaqiij in karin hadalka kasoo yeeray madaxweyne Deni ayaa haddana si arrintaas aan wax oga ogaano ayaa waxaanu la xiriirnay DFS, balse nooma aysan suurtagelin inaan wax jawaab ah ka helno.

     Qaar kamid ah axsaabta siyaasadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ka digay muddo kororsi aysan xukuumadda sheegin inay dama csan tahay balse iyagu ay ku tuhmayaan.

    "Waxey doonayaan in ay ansixiyaan qorsh ihii muddo kordhinta ee uu Guddiga Doorasha da soo jeediyey, kaddibna xukuumadda eedda la saaro mooshin gacan taag ahna lagu rido”, ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdir axmaan Cabdishakuur.

    Hadal haynta ah in dowladda ay "dooneyso muddo kordhin” waxay soo taagnayd muddo, waxaana aad uga digyaya arrintaasi siyaasiyiin ta mucaaradka.

    Balse, R/Wasaaraha "xilka laga qaaday”, Xa san Cali Khayre, ayaa horraantii bishan sheeg ay in doorashada lagu qaban doono wakhtigee da, aysanna jiri doonin muddo kordhin.

     Wuxuu yiri: "Doorashadu waa inay ku dha cdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ah, si aan u xaqiijino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan”.

     "Wa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii lo ogu talagalay, lagana fogaadaa in lagu shaq eyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah mudda kordhintu waxay horseedi kartaa qal alaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dast uur”, ayuu hadalka ku sii daray. Xigasho: BBC

DFS oo War kasoo saartay Khasaaro ka dhashay Dabeylo ka dhacay Dalka

     Wasiirka W/Gargaarka iyo maareynta Musi ibooyinka XF S Md.Xamse Siciid Xamse oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay Qasaare Nafeed iyo Mid hantiyadeed ay geystaen Mowjado dabeylo wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah Xeebaha dalka Soomaaliya.

    Wasiirka ayaa sheegay inay degaano dhowr ah oo ka mid ah Xeebaha Soom aaliya ay daadad xoogani ka jire en kuwaasi oo doonyo badweyn ta ay kula qalibmeen dadkii saar naa taasi oo ay dabeyluhu sababeen.

 "Waxaa jiro qasaaro nafeed iyo maalmo oo ay geysteen mowjaha Dabeylo wato oo ka socdo dalka gaar ahaan GSh/Hoose iyo Jubbada dhe xe waxaana loo baahanyahay in la qaato fariim aha aan ka jeedineyno qataraha kusoo wajah ay deegaanadaasi hase ahaatee waxaa kaloo loo baahanyahay in layska kaashado sidii wad ajir loogu wajahi lahaa ayuu yiri wasiir Xamsa Saciid Xamsa .

    Sidoo kale Agaasimaha qeybta Maareynta Musiibooyinka ee W/Gargaarka &maareynta masiibooyinka DFS ayaa sheegay inay jirto hal is kale oo dhinacyo bada , isaga oo xusay inay Digniin u dirayaan dadka ku nool degaanada ay halistu ka jirto loona baahanyahay in laga di gtoonaado isla markaana ay ka dalbanayaan bulshada inay qaataan fariimaha digniinta ah ee Wasaaraddu bixineyso.

    W/Gargaarka ayaa wada dadaalo looga ba dbaadinayo dadka soomaaliyeed halista Mowj adaha Badda, iyo Roobabka dabeylaha wata ee ka dhacaya qeybo ka mid ah xeebaha dal ka gaar ahaan Sh/ Hoose iyo Jubooyinka.

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay deg aan ka tirsan G/Baay

   Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan G/Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu yimid, ka dib markii Al-shabaab ay weerar dhabba-gal ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan K/Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Goofguduud iyo D/Bardaale ee G/Baay.

    Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inta socday dagaalka inay maqlaye en dhawaqa rasaas xooggan oo 2da ay isdhaafsanayeen, is la markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in daga alka ay Ciidanka K/Galbeed ay uga dileen hal Askari oo ka tirsan Ciidanka K/Galbeed, halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay mid kale.

    Ilaa iyo hada ma jiro war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka K/G/Soomaaliya oo ay u ga hadlayaan Khasaaraha dhashay dagaalkii ay la galeen Al-shabaab, kaasi oo markii hore ka bilowday weerar dhabba-gal ah.

Shaqaalaha Dowladda Somalia oo la fasaxay iyo sababta oo la shaaciyay

      Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bul shada XFS ayaa War qoraal ah oo kasoo ba xay waxaa lagu sheegay in dhammaan shaqa alaha kala duwan ee dowladda loo fasaxay Cii dda Carafo awgeed, oo ku aadd an maalinta Ji mcaha 31 July. "W/Sh&Arrimaha Bulshada wax ay ku wargelinaysaa dhamma an Shaqaalaha Hay’adaha Dowlad da iyo Shaqaalaha Hay’adaha gaarka ah loo le eyahay in ay tahay fasax yihiin Ciidda Ca rafa oo ku aaddan maalinta Jimcaha 31 July, Maa lmaha fasaxa waa Sabtida iyo Axadda, Waxa an u rajeynaynaa Shaqaalaha Soomaaliy eed inay ku ciidaan farxad iyo nabad” ayaa la gu yiri Qoraalka Wasaaradda.

   Sidoo kale WSh&Ar/Bulshada ayaa shaq aa lada DFS& kuwa hay’addaha gaar ah u raj eesay inay ku ciidaan farxad iyo nabad.

   Maalinta Jimcaha ee soo socota ayay ku bee gsan tahay Maalinta 1aad ee Ciidda Carafo, isla markaana waxaa Banka carafo la istaagi doonaa Khamiista soo soco ee 7adkan, wax aana Ciiddaan ay ku soo aadeysaa xili uu

jiro Cudurka COVID-19.

 

C/weli Gaas "Wixii Baarlamaanka ka dhacay waa wax laga soo shaqeeyay oo shirqool u eg”

     Madaxweynihii hore ee Puntland horayna u soo noqday R/Wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in wi xii ka dhacay Baarlamaanka Sabtidii la soo dhaafay uu ahaa wax aan sharci ga waafaqsa neyn. C/weli Gaas ayaa sheegay in la baal maray xe er hoosaadkii iyo nidaamkii la ra bay in loo maro haddii R/Wasaare mooshin laga keenayo ama la dhaliilayo oo ah eyd in isaga fursad la siiyo oo uu hadlo, isna    dhifaaco, balse taas aysan dhicin.

     "Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowla dnimada ku haboon aniga ilama ahan baarla maanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay R/Wasaaraha ay u dhintay ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in Baarlama anka iyo Guddoonka ay rabaan muddo kororsi, isagoo xusay mar walba oo marxalad kala gu ur ah la galo u sidaan u dhaqmo Baarlamanka

    Bixitaanka R/Wasaarihii hore Md.Kheyre ay aa durba ka dhashay cadaadis xooggan oo do wladda Soomaaliya kala kulmeysa Beesha Ca alamka, iyadoo Mareykanka ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo Kooxo qaswadayaal ah.XIGASHO:-VOA

Dad shacab ah oo dhigayay Bannaan bax oo la rasaaseeyay

    Wararka ka aan ka helayno M/Garoowe ee Xarunta G/Nugaal ayaa waxaa  ay sheegay aan  in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay dad shacab ah ku rasaaeeyeen halkaas, wa xaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad ka.Ugu yaraan seddex qof ayaa ku dhawaacm ay kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntand ay rasaas ku fureen dad ka cabanay ay lacag canshuur ah oo ay sheegeen in wasaardda ganac siga maamulka Puntland ay wa ydiisatay, taasi oo la sheegay inay bulshada ku nool Garoowe ay ka xumaa deen.

    Goobjoogayaal ayaa ku warramay  in dadkii dhaawacmay goobaha caafimaadkan loola ca raray, waxaana la kala eryay dadkii shacabka ahaa ee cabashadooda kusoo bandhigay gud aha M/Garoowe. Dhanka kale W/Ganacsiga Puntland ayaa sheegtay in lacagaha ay dadka shacabka weydiiyeen aysan ahayn canshuur, balse ay tahay lacagta shatiga ah, taasi oo ay bixiyeen.

     Weli Booliska iyo hay’adaha ammaanka Puntland kama hadal rasaasta Shalay ciidanka Ammaanka ay ku fureen  dadka shacabka ah ee Shalay  bannaanbaxa dhigayay.

Maxaa ka jira in Somaliland heshiis qarso odi ah ay la gashay DFS?

    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta maamulka Soomaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada  oo lagu sheegayay in wasiirku uu heshiis qarsoodi ah la galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka So omaaliya.Wasiir Cabdinaasir oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararkaas, waxaana uu sheegay in aysan jirin cid uu he shiis qarsoodi ah uu la galay, isla markaana warkaas la faafiyay uu yahay mid been abuur ah.

     Waxaa uu sheegay Wasiir Cabdinaasir in arrintaan ay ka danbeeyaan dad uu ku shee gay qaswadayaal oo doonaya in ay iska hor keenaan shacabka iyo mas’uuliyiinta Soomaliland, waxaana intaas uu ku daray in sawirada baraha bulshada lagu faafiyay ay ahaayeen kuwo been abuur ah oo laga matalay in uu isaga yahay.

      Sidoo kale Wasiirka ayaa uga digay dadka falalkaas ku kacay in ay  ka waantoomaan, ay san shacabka iyo mas’uuliyiinta iska hor kee nin, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ays an aaminin wax waliba oo ay arkaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip