FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SABIIBKA.

0
Tuesday July 28, 2020 - 15:22:55 in Wararka by
  • Visits: 1941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAA'IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SABIIBKA.

    Sabiibku waa Canab la qalajiyay waxaana laga soo saaraa gobolo kala duwan oo caalamka ah , dalka Turkiga ayaa ugu soo saaris badan wuxuuna sanadkii soo saaraa 306 000 Metric tons,dalalka Midowga Yurub ( EU ) ayaa ugu isticmaalid badan sabiibka waxeyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sabiibku waa Canab la qalajiyay waxaana laga soo saaraa gobolo kala duwan oo caalamka ah , dalka Turkiga ayaa ugu soo saaris badan wuxuuna sanadkii soo saaraa 306 000 Metric tons,dalalka Midowga Yurub ( EU ) ayaa ugu isticmaalid badan sabiibka waxeyna sanadkii isticmaalaan 342 000 Metric Tons oo Sabiib ah.               FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO SABIIBKA WAXAA KAMID AH :


• Sabiibku waxa uu yareeyaa dhibaatada cudurka KANSARKA. • Sabiibku waxa uu yareeyaa cudurada WADNAHA ( HEART DESEASES ).

• Sabiibku waxa uu kahor tagaa DHIIG YARAANTA ( ANEMIA).

• Sabiibku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka ILKAHA.

• Sabiibku waxaa ka buuxa FIBER kaas oo caawiya DHEEF SHIIDKA dhinaca kale Fiberku wuxuu ka hor tagaa CALOOL FADHIGA, wuxuuna jilciyaa SAXARADA, sidoo kale Fiberku wuxuu kordhiyaa mCULEYSKA iyo DHUMUCDA SAXARADA si fudud ayeyna SAXARADU u soo baxdaa.

• Sabiibku waa isha ugu wanaagsan ee laga helo Birta ( IRON) taas oo muhiim ah sameynta UNUGYADA CAS CAS ee DHIIGA , waxa kale oo Birtu caawisaa qaadida DHIIGA ee OGSIJIINTA ee UNUGYADA JIRKA.

• Sabiibku waxaa kujira Macdanaha Calcium iyo Baron , Kaalsiyamtu waxa ay muhiim u tahay caafimaadka iyo adkaanta LAFAHA, Baron waxa ay la shaqeysaa Fiitamiin D iyo Kaalsiyam waxeyna ilaaliyaan caafimaadka Kala goysyada iyo Lafaha.

• Sabiibku waa isha dabiiciyan laga helo kiimikooyin lagu magacaabo POLYPHENOLS kuwaas oo kahor taga in dhiigu ogsidhoobo, waxa kale oo kiimikooyinkaas kahor tagaan in Unugyada iyo DNA dhaawacyo gaaraan.

By. Muse Mohamed Osman.

muusekiimiko@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip