WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 7-DA MAARSO 2016-KA

0
Monday March 07, 2016 - 09:50:36 in Wararka by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ISNIIN 7-DA MAARSO 2016-KA

    XASAN SHEEKH OO HOGGAAMIYAHA SUUDAAN UGA TACSIYEEYAY GEERIDA DR AL TURAABI Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiiyeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan alBashiir, iyo shacabka r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XASAN SHEEKH OO HOGGAAMIYAHA SUUDAAN UGA TACSIYEEYAY GEERIDA DR AL TURAABI Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiiyeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan Cumar Xasan alBashiir, iyo shacabka reer Suudaan, geeridii ku timid Dr Xasan al Turaabi oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha asxaabta siyaasadda ee Suudaan, isla markaana xilal kale oo sare dalkaasi ka soo qabtey.

"Innaa Lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, waxaan idin la qeybsanayaa tiiraanyada geerida marxuum Al Turaabi oo naga wada dhintey. Labada shacab ee Soomaaliya iyo Suudaan waxaa ka baxay shakhsi qaali ah oo waddamada Carabta iyo caalamka Islaamka ay tebi doonaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka reer Suudaan ee uu ka baxayna uu samir iyo imaan ka siiyo.

MAXKAMAD KU TAALLA FINLAND OO XUKUN KU RIDAY DHALLINYARRO SOOMAALI AH.

Maxkamadda Degmadda Tapanila oo ku taalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Helsinki waxaa la soo taagay Afar Somali haysata dhalashadda dalkaasi, kuwaasi oo lagu soo eedeeyey inay gabdho ku tacadiyeen.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha waxaa lagu xukumay xabsi 1 sanno iyo 4 bilood, iyadoo labo kalena lagu xukumay min 1sanno.

Maxkmaddu waxay sii daysay Labo kale, kadib, markii lagu waayey caddaymo muujinaya inay ku lug lahaayeen Kufsiwadareedka lagu soo oogay Eedeysanayaasha kale.

Wargeyska Finaldn Today oo aan ka soo xiganay Xukunkaasi ayaa qoray in Jiilka soo korayo ee Soomaalida ku nool dalkaasi noqdeen kuwo horror oo kale ah, isla markaana intooda badan galaan faldembiyeed la xiriira kufsi.

Bishii Maarso ee sannadkii hore, Maxkamad ku taallo caasimadda dalkaasi ee Helsinki waxaa la soo taagay 5 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu helay inay wada kufsadeen Haweeney u dhalatay dalkaasi.

Waxaana Eedeysanayaasha lagu xukumay Xabsi ilaa 6 sanno ah.

Dhinaca kale,Tirokoobka Rasmiga ee ka soo baxay Dowladda Finland, waxay Boliska diiwaan geliyeen 1,010 Kiis oo Kufsi ah, iyadoo dadka Muhaajiriinta yihiin saddex jeer ka sarreeyaan Eedeysanayaasha u dhashay dalkaasi ee geysta falalka Kufsiga.

QAXOOTI SOOMAALI AH OO LAGU DILAY XERO KU TAALLA BARTAMAHA SWEDEN.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Wiilkaasi oo 19jir ahaa lagu tooreeyey Xarunta Magangelyodoonka ee Qaxootiga oo ku taalla Degaanka Storå oo 200 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Stocholm.

Wargeyska Thelocal.se ayaa qoray in Wiilkaasi tooreey looga dhuftay Luqunta, taasi oo keentay inuu ugu dambeyntii ugu geeriyoodo Isbitaalka.

Saddex nin oo da’doodu u dhexeyso 25 ilaa 30 jir ayaa la qabtay, kuwaasi oo lagu tuhunsanyahay dilkaasi. Labo ka mid ah Eedeysanayaasha waxaa la qabtay markii ay Boliska soo gaareen Xaruntaasi

Eedeysanaha 3aad ayaa la sheegay inuu u cararay duurka, balse wax yar kadib waa la qabtay, kadib, markii uu isku soo dhiibay Boliska ku sugan magaalladda Lindesberg oo laga maamulo Xarunta Qaxootiga Storå.

Afhayeenka Boliska Sweden, Stefen Wickberg ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka TT inay baaritaanka wadaan, wuxuuna tilmaamay inay Xarumaha Qaxootiga mushkilad ku noqdeen Boliska, oo ay mar kasta ka dhacaan dagaalo iyo jahwareer.

Wasiirka Socdaalka ee Sweden, Morgan Johansson waxa uu dilkaasi ku tilmaamay Fal naxdin leh, wuxuuna sheegay inuu si dhow ula socon horumarka laga gaarO Baaritaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waa Weerarkii 3aad ee sababa dhimasho ee sannadkan ka dhacay Xarumaha Sweden ee lagu hayo Qaxootiga Magangelyodoonka ah.

WAFDI UU HOGAAMINAAYO WASIIRKA QORSHAYNTA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte oo ay wehliyaan xubno ka socda Midowga Yurub ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalda Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi madaxweynaha Maamulka Jubaland axmed Maxamed Islaam axmed waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa wafdiga wasiirka kulan gaar ah kula yeeshtay xarunta madaxtooyada Maamulka Jubaland ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Intaas kadib madaxweynaha Maamulka Jubaland iyo wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte ayaa si wadajir ah saxaafada ula hadlay.

Ugu horenytii wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxman Yuusuf Xuseen Ceynte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muhiimada Magaalada kismaayo ay u imaadeen ay tahay in mashaariic kala duwan in ka hirgaliyaan Magaalada kismaayo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya Qadro Bashiir Cali oo qeyb ka aheyd wafdiga shalay Gaaray Magaalada kismaayo ayaa sheegtay in muhiimada ay Magaalada u gaareen ay tahay sidii loogu hirgalin lahaa iskuulo lacag la’aan ah. Iyadoona dhagax dhigtay xarun cusub oo iskuul ah oo laga dhisaayo Magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahadceliyey Midowga Yurub iyo dawladda federaalka howshan ay doonayaan inay hirgaliyaan waxaana uu ku dheeraaday arimaha wax barashada Jubaland iyo muhiimadda ay leedahay, isagoona kubooriyay bulshada reer Jubaland in bulsho walbo oo wax barata ay tahay midda horumarka iyo wax wada qabsi samaysa,

SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA GOBOLADA HIIRAAN IYO SH/DHEXE OO DIB U FURMAYA

Wafdi ka socday ergooyinkii ka qayb gali lahaa wajiga labaad ee shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe ayaa shalay waxa ay gaareen garoonka magaalada Jowhar, iyadoo maarkaasi ay ujeedu tahay sidii dib loogu bilaabi lahaa shirkii maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SH/Dhexe oo mudooyinkan hakad galay.

Ergada Jowhar gaaray ayaa waxa ay ka yimaadeen magaalada Beledweyne ee xarunta gob olka Hiiraan, waxaana ay ka kooban yihiin Odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

URURKA AL SHABAAB OO U GURMADAY DADKII AY BARAKACIYEEN DIYAARADAHA KENYA …

Ururka Al Shabaab, ayaa gurmad raashiin, maacuun, dhar iyo lacagba gaarsiiyay qaar ka mid ah deegaanada hoostagga Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo, oo ay ku dhaqan yihiin dad ay waxyeelo ka soo gaartay duqeymaha diyaaradaha Kenya ka wadaan Gobolkaasi.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in gurmadkan ay iska soo uruuriyeen shacabka ku dhaqan Gobolkaasi Shabellaha Hoose, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dadka reer Shabellaha Hoose ay u istaageen inay tabarucaad u uruuriya an shacabka Somaliyeed, ee waxyeeladu ka soo gaartay duqeymaha diyaaradaha Kenya ka gaysteen Gobolkaasi Gedo.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa sheegay in Gobolka Shabellaha Hoose ay ka amba baxeen saddex gaari oo xamuul ah, kuwaa oo sida uu sheegay waday raashiin, maacuun, dhar iyo lacag gaareysa 15 kun oo dollarka Mareykanka ah, oo loogu tallagalay in lagu caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay duqeymahaasi.

Abuu Cabdalla oo la hadlay Radio Alfurqaan, ayaa bulshada ku dhaqan Gobolka Shabellaha Hoose ku booriyay inay xoojiyaan gurmadka ay u fidinayaan dadka ku barakacay, kuna waxyeeloobay duqeymaha Kenya, sida uu yiri.

Waa gurmadkii ugu horeeyay oo Ururka Al Shabaab uu gaarsiiyo shacabka tan iyo wixii ka dambeeyay 18kii bishii January ka cabanaayay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya.

ALLAHA U NAXARIISTEE MARXUUM MAXAMED ABSHIR WALDE AYAA SHALAY LAGU AASAY NAIROBI…

Allaha u naxariistee waxaa shalay qabuuraha Langaanta ee Magaalada Nairobi lagu aasay Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo habeen hore ku geeriyooday isbitaal ku yaalo Magaalada Nairobi.

Aaska marxuum Walde oo ahaa ruugcadaa saxaafadeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro,xildhibaano,Mas’uuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalkani Kenya,Siyaasiyiin,waxgarad,Culumaa’udiin iyo dadweyne aad u fara badan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille oo ay aadisku garanayen allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde ayaa ka sheekeeyay intii uu ka garanayay taariikhda marxuumka.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa sheegay in marxuumka uu ka shaqeeyay wasaarada Warfaafinta,islamarkaana uu noqday agaasimaha idaacadaha Soomaaliyeed,maadaama ay xiligaasi jireen oo kaliya Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

"Waxa uu ahaa dadkii ay ka timid figrada shirkii Imbakasi ee lagu dhisay dowlada hada dalka ka jirta,isagoo sidoo kalna hormuud ka ahaa dhisidda maamulka Puntland”Ayuu sii raaciiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille.

Xildhibaan Cabdirisaaq Jurille ayaa intaasi ku daray in allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde uu noqday marxuumka kaliya si wada jir ah looga tacsiyeeyo meel kasta oo ay joogto ummada Soomaaliyeed.

Ka dib Aaska Marxuumka ayaa waxaa geeridiisa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisaba uga tacsiyeeyay Xildhibaanada ay ka midka Yihiin Pro Maxamed Cabdi Gaandi iyo xildhibaan Abshir Xasan Abshir,danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo Siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/raxmaan Baadiyow.

Wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya C/laahi Jaamac Ilkajiir oo ka soo qeyb galay aaska marxuumka ayaa ummada Soomaaliyeed iyo eheladiisa uga tacsiyeyay geerida marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde.

WUFUUD DF SOMALIA IYO EU ISUGU JIRA OO GAARAY KISMAAYO IYO ISKUUL LA DHAGAXDHIGAY

Wufuud ka kala Socday Midowga Yurub iyo Dowladda Somalia ayaa shalay gaaray Kismaayo, iyadoo ujeeddada Socdaalka Wafuudaan ay ahayd in Mas'uuliyiinta Jubbaland ay kala Hadlaan Mashruuc lagu Horumarinayo Waxbarashada Somalia oo ay iskakaashanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub kaasoo lagu baahinayo inta badan Gobollada Dalka.

Wafdigan ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa Hoggaaminayay Michael Cervone oo ah Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa xubno kale oo ka socday dalalka Midowga Yurub, ayadoo sidoo kale ay wafdiga qeyb ka ahaan wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte, Wasiirka Waxbarashada, Khadro Bashiir Cali iyo Mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wufuuddaan ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubaland, C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubaland.

Wafdiga ayaa imaatinkooda kadib la geeyay guriga martiga oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, ayagoo halkaasi ku yeeshay kulan kooban, waxaana intaa kadib ay masuuliyiintani si Wadajir ah u aadeen Dhulbannaan oo ku yaalla Xaafadda Farjanno, gaar ahaan Waaxda Siinaay, kaasoo loo asteeyay in laga dhiso Iskuul hab casri ah loo dhisi doono, kaasoo qayb ka ah Qorshaha Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ay iskakaashanayaan ee lagu Horumarinayo Waxbarashada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa dhagaxdhigay Iskuulka, wuxuuna intaa kaddib ay Mas'uuliyiintu si wadarji ah u gaareen hoolka weyn ee Daawad ee Kismaayo oo ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweeynayo Mashruucaan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte ayaa sheegay in mashruucani yahay mid lagu Horumarinayo Waxbarashada Dalka, iyadoo la tayeynayo iskuulaadkii hore u jiray, halka iskuulaad cusubna la dhisi doono.

Goobta ayaa lagu soo Bandhigay Nashqad Qurux badan oo loo dhisi doono Iskuulka cusub, iyadoo ay ka hadleen xafladda Wasiiradda Waxbarashada Soomaaliya, Khadro Bashiir Cali iyo Wasiirka Waxbarashada Maamulka Jubbaland, Maxamed Ibraahim Maxamuud, iyagoo si isku mid ah u soo dhaweeyay Mashruucan lagu Horumarinayo Waxbarashada Dalka.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, isagoo uga Mahadceliyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub Dadaallada lagu horumarinayo Waxbarashada ee Jubaland qeybta ka tahay, wuxuuna ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan mashruucan.

SHACABKA BENIN OO MADAXWEYNE SOO DOORANAYA IYADOO AY TARTAMAYAAN 33 MURASHAX

Waddanka Benin oo ka mid ah Waddamada Galbeedka Afrika ku yaalla ayaa waxaa shalay ka billaabatay Codbixinta guud ee shacabka Dalkaas ay kusoo dooranayaan Madaxweyne Cusub, iyadoo Xilka madaxweynaha ee dalkaas ay ku tartamayaan 33murashax.

Madaxweynaha Benin Thomas Boni Yayi ayaa iscasilay, kaddib markii uu laba xilli oo isxiga uu Xilka Hoggaanka Dalkaas hayay, waxaana shacabka guud ee dalkaas lagu sheegay 10.6milyan oo qof.

Ra’iisul Wasaaraha Benin, Lionel Zinsou ayaa ka mid ah murashaxiinta u Tartamaya xilka, isagoo ka socda xisbiga talada dalkaas haya, Waxaana la sheegay inuu ka mid yahay dadka hoggaaminaya maalgashiga bankiyada Faransiiska.

Doorashadan ayaa dib u dhacday, kaddib markii dhibaato lagala kulmay Qaybinta kaararka codbixinta, iyadoo Codkooda ay bixinayaan Malaayiin ruux oo shacab ah ayaa lagu wadaa inay socon shalay oo dhan.

Zinsou oo haysta Dhalashada Faransiiska,ayaa loo Tixgeliyaa sidii Murashax Faransiis ah, sida lagu sheegay Warbixin uu baahiyay Raadiyaha RFI ee laga leeyahay Faransiiska.

Benin oo Xorriyadda ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska sannadkii 1960kii, ayaa waxay Murashaxiinta jagada Madaxweynaha u Tartamaya waxay Ballanqaadeen inay Horumarin doonaan dhaqaalaha, shaqooyin Abuurayaan iyo inay la Dagaallamayaan Musuqmaasuqa.

Murashaxiinta kale ee ugu cadcad doorashada Benin ayaa waxaa la sheegayaa inay ka mid yihiin; Ganacsatada Caanaka ah sida; Sebastien Avajon iyo Patrice Talon, Dhaqaaleyahan, Abdoulaye Bio Tchane iyo Maalgashade Pascal Irenee Koupaki.

Inkastoo, Dastuurka Benin uu dhigayo in madaxweynaha Xilka banneynaya, Boni Yayi uu mar Saddexaad xilka u tartami karo, ayaa haddana wuxuu isagu sheegay inuu Go’aansaday inuusan doorashada ka qaybgelin si xilka uu u qabto mas’uul cusub.

Ugu dambeyn, Taallaabada uu qaatay Madaxweynaha Benin, ayaa waxay imaanaysaa xilli madaxweynayaasha dalal ka tirsan Afrika, sida Burundi, CongoBrazzaville iyo Rwanda ay wax ka bedeleen dastuurradooda si ay mar Saddexaad Hoggaanka dalkooda ugu tartamaan.

ATAM "NIN DAMBIILE AH OO MEEL LAGA SOO QABTAY MA AHEYN, HESHIIS BAAN KU IMID, NABADGELYO AYAA QAATAY”

Maxamed Saciid Atam oo hogaamin jiray maleeshiyaadkii ka dagaalamayay Buuraha Galgala ee Puntland ayaa bishii la soo dhaafay u dhoofay dalka Qatar, halkaasoo uu magangalyo ka helay, kadib markii uu qaatay heshiis nabadgelyo.

Atam oo bishii June ee sanadkii 2014 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, markii uu ka soo baxay AlShabaab ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ka hor inta aanu ka dhoofin magaalada Muqdisho waxaa uu ka hadlay noloshiisa, iyo xilliyadii uu la joogay AlShabaab iyo waxa uu damacsan yahay mustaqbalkiisa.

Mr Atam ayaa sheegay in noloshiisa aanay waxba iska bedelin, isagoo xusay inuu dareemayo culeysyo saarnaa oo ka degay, waxaana uu meesha ka saaray in aanay marnaba isku fikir aheyn isaga iyo AlShabaab.

"Culeysyo badan ayaa i hayay, hadii ay ahaan laheyd mid dibada ah oo ragga aan isla joognay hal god ku wada jirnay iyo culeys gudaha iga heystay, nin col ku dhex jira ayaa ahaa, heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa mid aan aad uga tashaday inaan nabadgelyo qaatay, inaan adduunka iyo intiisa kale nabad la qaato, inaan miraheeda helay baan u maleynayaa”ayuu yiri Sheekh Maxamed Saciid Atam.

Waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay Jihaadka, balse isaga iyo Shabaab uu farqi weyn u dhaxeeyay.

"Jihaadka waa sida salaada oo kale, wuxuu leeyahay shuruudo, yaa dagaalamaya, yaa lala dagaalamaya, yaa loo dagaalamayaa, xilligee la dagaalamaya, horta qofkii jihaad beenaya waa sida isagoo salaada beenaya, Shabaab waa khilaafeen jihaadka Nabiga Muxumaed NNKH, Nabigu wuxuu xarimay qof mu’min ah in la dilo, faham ahaan waxaa ku qancay in jihaadkaas aanu aheyn kii saxda ahaa”

Mar la weydiiyay in dowladda ay cafis kaliya u fidisay hogaamiyeyaasha Shabaab, halka dhalinyarada ay xukunto ayuu tilmaamay inuu isaga aanu aheyn dambiile meel laga soo qabtay, isla markaana uu ahaa nin heshiis ku yimid.

"Aniga nin Dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma aheyn, heshiis baan galay, waana ku qanacsanahay, waliba muddo ayaa raadinaya, suurta galnimada ayaa iga raagtay, qof kasta oo heshiis ku yimaada ha yaraado ama ha weynaado waa in balantiisa loo fuliyaa, markii uu qaato nabadgelyo, aniga tashaday waxaa rajeyneynaa inay aheyd in Towfiiqda alle i waafajiyay”ayuu yiri Maxamed Saciid Atam.

Maxamed Saciid Atam ayaa magangalyo ka helay dalka Qatar

Maxamed Saciid Atam ayaa magangalyo ka helay dalka Qatar

Sidoo kale mar la weydiiyay inuu xiriir u dhaxeeyo isaga iyo Xasan Dahir ayuu tilmaamay in aanu wax xiriir ah u dhaxeyn, isla markaana markii horeba aanay wada xiriiri jirin.

Dadka odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in tallaabada magangalyada uu uga helay Maxamed Saciid Atam dalka Qatar ay suura gelin karto in hogaamiyeyaal ka tirsan Shabaab inay ku fikiraan inay maraan wadadii Sheekh Atam, isla markaana ay qaataan Nabadgelyo.

DUQEYN LOO GEYSTEY SALDHIG AY ALSHABAAB KU LEEYIHIIN DEEGAAN KA TIRSAN BUULOBURTE

Duqeyn gantaalo loo adeegsaday ayaa shalay waaberigii lagu qaaday saldhig ayururka Alshabaab ku lahaayeen deegaan ka tirsan degmada Buuloburte.Xerada duqeyntu ay ka dhacday ayaa la sheegay inay ku dhowdahay tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta degmada Buulo Barde.

Sida laga soo xigtey idaacada codka Maraykanka VOA duqeyntan ayaa jug xoog leh laga maqlay iyadoo 7 jeer la garaacay. Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in xerada la duqeeyay ay ku sugnaayeen saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabab oo goobta u tagay in ay tababarka soo xiraan.

Duqeyntan ayaa loo malaynayaa inay ahaayeen mid ay geysteen diyaaradaha loo yaqaan droneka iyadoo holac iyo qiiq ka dhashay duqeyntan la arkayay illaa waaberigii shalay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Alshabaab kaasoo la xiriira weerarka la sheegay in lagu qaaday xero ku taal gobolka Hiiraan.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {Sheeko-Taxane ah}

Q/67aad

Raxma in yar ayey geed ka mid ah geedihii ku yaalay tiy aatarka qaran ay sal dhigatay waxaana ugu timid saaxiibteed Bushra , inta la isku soo booday oo la is dhun dhunkaday da badeedna la is marxabbeeyey ayey u soo dhaqaaqeen dhina ca boorka si loo ogaado habeenkaa riwaayadda socoto iya doo ay habeenkaana tiyaatarka qaranka ay ka socotay riway ad hal ku dhiggeedu yahay {Xuskii Jaceylka}.

Ka dib waxaa la isula dhaqaaqay daaqaddii Tikidhada laga ibsanlahaa waxaayna soo iibsadeen 2 tikidho ah , iyagoo gud aha u gakleen Tiyaatarka Qaranka iyagoo sal dhigtay kuraas tii Tiyaatarka dhex taalay 2 ka mid ah waliba 2 isku dheega noo qeybta dhexda ah .

Xilliga wuxuu socdaba oo ay saacaddii isa soo gurtaba waxaa la gaaray 8:00 habeennimmo waxaana la bilaabay showgii Riwaayadda ka horeeyey.Raxmo iyo Saaxiibteed Bu shrana waxaa isugu baxday sheeko in cabbaar ah ka dib mar kii la dhgeystay C/qaadir ayaa wuxuu soo galay gudaha tiyaa tarka, sidii uu u soo socday wuxuu fariistay kursigii ga badhii Raxma aheyd ku dhegganaa , Raxmana ma ay fahmini nan ka soo barbar fariistay.

C/qaadir waxaa uu fahmay markii lammaanihiisa Raxmo ay hadashay durbadiiba salaam buu ku boobay kolii Raxmo la salaama inta faraxd darted is heyn kari weyday ayey lamm aanaheeda C/qaadir dhunkasho ku boobtay ilowdayna saaxi ibteed bushra iney dhinaceeda fadhido. Intaa ka dib waxaa ay is bartay lammaanaheeda C/qaadir iyo Saaxiibadeeda Bu shra in cabbaar ah ka dib waxaa la bilaabay Ruwaayaddii la magac baxday {XUSKII JACEYLKA} oo ay hoboollada qaran ka soomaaliyeed ay dhigayeen waxaana ay habeenkaa libsat ay xalaawiyad iyo macmacaan u badan sida lows,Garaziina, shukulaato,buskud,I cun,ii iyo kuwo kale waxaana in daqaiiq ado ah ka dib lammaanayaashii is Jeclaa ee Raxmo iyo C/q aadir waxaa u bilowday kaftaniyo haasaawihii macaanaa oo ay isku yaqaaneen iyadoo habeenkaa hadalka uu daah furki isa bilowday gabadhii Raxma aheyd iyadoo ku bilowday sida tan waxayna tiri:-

C/qadir Abboowe Macaane Aaad baan kuu Jecelahay oo aan kaaga helayXusuusteeydana kama aad faaruqeydid, hab een walba xilliga jiifka oo adigaa ku brogarameysan miro dheeman la moodyoow.

Waxaa gidaarada wadanaheyga iyo qalbigeygaba ku qor an oo ka dhaqmi waayey hadalladaada macaan ee aad igula haasaawi jirtay gacaliye C/qaadir, wiil aan si fudud ku ilaawi karo ma aad tihid waxaana u hiloobay aragtidaada , waxaana cuntada iyo hurdada ila qeybsada xusuustaada farxadda igu igu beertay marka aan ku soo xusuusto aad baan ula yaabaa dabeecaddada wanaagsan iyo daacadnnimadaada waana ilm eeyaaoo weli arlada kuma aanan arag wiil kula mid ah runtii ilaa iyo maalintii aan caqliga yeeshay ayaan ku fikiray inaan helo wiil ii daacad ahoo aan wada beerno nolol cusub iyo Ub ax Curdin ah oo Fiid Qurx badanla soo baxa.

Sida aroorta waaberiga oo kale nuur indhaha u roonla soo baxay ilaa iyo haddana faraha kuma aan hayo waase jiraan wiilal aan horey u soo wada hadal wadaagnay oo aan rafiiq nay laakiinma eysan aheyn kuwa iidaacad ah. Marka in ta aan niyad jan aan ka qaadi lahaa ayaan waxaan door biday in aan isaga haro xabiibkaan jeclaayoow.

Gacaliye C/qaadir Abboowe Macaane jaceylka waxaan u aqaanaa inaan la noolaado shaqsiga aan jeclahay ,iyadoo be en, naf jecleysi iyo qiyaano aan lagu wada socon,Jaceylka no ocaan ahna nafteyda ayaan u hibeeyaa laakiin waa inaan he laa mid u dhigma mana aan rabo inuu igu koobnaado kalig eey .Midda kale Gacaliye C/qaadir,Jceylka xummaankumaku ma sameeyo qalbiga iyo naftaa deris la ah , balsewaa uu qaddariyaa oo aanu noqono kuwo is qaddariya mar walba

Midda kale Mcaane C/qaadir aad baan u aqaannaa qiim aha bani’aadminnimada iyo qaddarinta Jaceylka uu leeyahay mana aan jecli inaan kuugu xadgudbo aniga Raxma ah ,wax aana aan jecelahay inaanu noqonno lammaanayaal isku qeyb ,isku quud iyo isku firaash ah, inan iska kaa xummeeyana marnaba ma aan jecli walaaloow, ogoowna maalintaan ku ar ko ineey maalmaha kale iiga qiimo iyo farxad badan tahay, mana aan jecli qof I jecel ama aan jecelahay in aan waddada ugu tago ama uu waddada iiga tago haddiise C/qaadiroow shaqsi ku jecel uu hortaada ku ilmeeyo jaceyl uu adiga kuu qabo daraaddiis maxaad sameyn laheyd?

Ogoowse inaan ahay qof basher ah oo dareen,damqasho iyo damiir leh, illeyn waa tii la yiri :- {kii wax yar beertaa waxa yar buu goosan doonaa , kii wax badan beertaana wax badan buu goosan doonaa}.

Jaceylkana aanu isugu beerno sida beeraha miraha loogu beero oo kale hana igu abuurin macaan-gooyaheygii aan jec laayoow qalbi jab iyo qiyaano hana igu qiyaameyn hadal mac aan oo raaxo leh inaad qalbigeyga ku brogaraamiso, ogoo wse macaane inaan adiga kuu qabo jaceyl Xad dhaaf ah oo aan la qiyaasi Karin.

Ogoowna inaan raalli ku ahay xaalad walba oo xaggaada igala soo derista,waxaana aan jeclahay inay qalbiyadeeyna isku duubnaadaan sida laammaha ubax,miraha bardaha, Tid aca Timaha Dumarka oo kale macaane waxaana igu beeran jaceeyl hibaaqaada ka soo haajiray oo dhammaan xubnaha jirkeyga saameeyey.

Ogoowse jaceylka xiisa xiisaha ka dhasha inuu naceyb ku dhammaado,dullinnimoiyo ceeb. Qaarbaa intay hiigsanaay ee guur iimaankoodii ka anbaday oo waxaa ka soo baxay nabs igii jaceylka, marka gacaliye C/Qaadir iska ilaali in nabsigii jac eylka in sida taajka ama tusbaxa oo kale qoorta laguu suro.

Gacaliye C/qaadir haatana igula raaxeyso geeraarkan mii dda iyo malabka shinnida ka macaan iyo maaxda sonkorta.

GEERAAR

Ø Macaan gooyahihii, midki aan jeclaayoow

Ø qalbigeyga deeqdee, Dadka dunida joogaan

Ø Adaan kaa Asteestee, uunkale ma aan rabo walaal adiga mooyee

Ø Adduunyada dhammaanteed kuma arag sidadoo ruux aan ba kula simo lam keenin duniideed uurkeey u roono ow waan kugu ilwaadsaday.

Ø Inta Awliyaahoo Rabbi Aamineenoo

Ø Aqriyaan Qur’aankaan kuu awal wacaayoo

Ø Guul baan filaayaa iyo go’aan hagaagee guur wacan alahayoow geesigaan jeclaay iyo ani aan wada gorfeynaa ku guuleysto canshaqa mirihiisa gaamuro muddaan gar dadinay

Ø Ma ogtahay macaanoow in aragaagu ii yahay Sida Ugaa dha Duurkoo indhana u roon

Ø Ayaamahaan jaceylbaa ogadeyda saarane oontii an cun aayiyo anfacii ka soomoo oomayoo dartaayee aragaaga mooyee inta kale aduunyada oogadeeda saran uma jeedo anigee indhagey ruux kale arkibamaayaan inan ya hoo wee ma I uur naxeysaakaa oollimaayee

Ø Alle waxaan baryaayaa lbadii aroosee aqal wada galaan oo ubada wada dhalaan ayna uba ahaatee aamiin dhe adiguna …….

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

 

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab}

Tel:- 0618455506

BOGGA CAYAARAHA

 

LIONEL MESSI OO DHIGAY RIKOOR KALE OO GOOLDHALIN AH OO HORYAALKA LA LIGA AH.

Kulan kale, ciyaar kale iyo rikoor kale oo uu dhigay Lionel Messi.

Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay ka badiyeen kooxda Eibar goor dhaweyd, waxaana ay aheyd goolkiisii 20aad iyo 21aad ee La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Waa xilli ciyaareedkii sideedaad ee Lionel Messi uu dhaliyay 20 ama ka badan goolal horyaalka heerka koowaad ee Spain, mana jiro ciyaaryahan kale oo sidaas sameeyay.

Cristiano Ronaldo ayaa ku dhow isagoo 20 gool ama ka badan dhaliyay muddo todobo xilli ciyaareed ah horyaalka La Liga, halka Alfredo Di Stefano, Ferenc Puskas, Quini iyo Telmo Zarro ay dhaliyeen 20 gool ama wax ka badan lix xilli ciyaareed.

Hugo Sanchez iyo weeraryahankii hore ee Valencia Mundo ayaa iyagana dhaliyay 20 gool ama wax ka badan horyaalka La Liga muddo shan xilli ciyaareed ah.

MOHAMED ELNENY: "ILAAHAY AYAA KU MAHADSAN INAAN SAFTAY KULANKAYGII UGU HOREEYEY PREMIER LEAGUE, LAAKIIN HAL MURUGO AYAA I HAYSATA”.

Dhiiga cusub ee kooxda Arsenal Mohamed Elneny ayaa ilaahay ugu mahad celiyey inuu saftay kulankiisii ugu horeeyey Premier League daraad.

Arsen Wenger ayaa xiddiga reer Masar u soo xushay shaxda kowaad ee garoonka usoo gasha kulankii daraad Gunners barbaraha 2:2 ah kala kulmeen kooxda ay deriska yihiin ee Tottenham.

Wiilka muslimka ah ayaa shalay bogihiisa xiriirka Bulshada kusoo qoray "Alxamdulilaah, ilaahay ayaa mahad oo dhan u sugnaatay inaan kulankaygii ugu horeeyey Premier League saftay, laakiin murugada ayaa ah inaan la guulaysan kooxda, laakiin sida ugu wanaagsan ayaan u ciyaari doona kulamada soo socda”

SUUQA: MAN UNITED IYO TOTTENHAM OO ISKU HAYSTA XIDDIG KA TIRSAN BARCELONA.

Da’ yerka lagu magacaabo Barta ayaa lagu soo waramayaa in uu markan suuqa yaalo madama uu ku guuldareystey in uu noqdo dooqa kowaad ee kooxda Barcelona.

Xiddigaan ayaa toddobadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ayuu ahaa dooqa labaad ee kooxda Barcelona, waxa uu u saftay kaliya 55 kulan, isagoo kaliya seddex kulan oo horyaalka ah kusoo bilowday.

United ayaa lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Spain, iyadoo Jose Mourinho, uu u doonayo Old Trafford haddii Louis van Gaal uu ka bedelo shaqada.

Si kastaba ha ahaatee wargeyska Spain kasoo baxa ee Sport ayaa sheegay in Spurs ay hogaaminayso tartanka loogu jiro xiddiga reer Spain,

Tottenham ayaa diyaar u ah in ay xoojiyaan awoodooda haddii ay usoo baxaan tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

KOOXDA JUVENTUS OO DABAGAL XOOGAN KU HEYSO LABO KA MID AH XIDIGAHA DORTMUND UGU MUHIIMSAN

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in kooxda Juventus saraakiisha u qaabilsan Bundesligaha Jarmalka inay dabagal xoogan ku hayaan labo ka mid ah xidigaha Dortmund ugu muhiimsan.

Henrikh Mkhiratyan iyo Ilkay Gundogan ayay dooneysaa Juventus inay xagaagan kooxda Dortmund kasoo iibsato madaama labadan xidig ay ka mid yihiin laacibiinta qaarada Yurub ugu tayada wanaagsan.

Wargeska Tuttosport ayaa qoray in saraakiil ka socdeen kooxda Juventus ay daawadeen kulankii Dortmund la yeelatay naadiga Bayern Munich si ay qiimeyn ugu sameeyaan Gudogan iyo Mkhiratyan.

Mkhiratyan iyo Gundogan qandaraaska ay Dortmund kula jiraan ayaa ku eg xagaaga 2017 sidaa darteed kooxda reer Jarmal ma taagno boos ay xidigaheeda muhiimka ah ku ceshan karto.

Kooxda Juve saxiixa Gundogan waxay loolan xoogan kala kulmi doontaa naadiyada Liverpool iyo Man City oo iyagana damac xoogan kaga jiro inay lasoo saxiixdaan.

Kooxda Dortmund waxay dul dhigtay madaxa Gundogan €30m waxaana xusid mudan inay sanadii 2011 xidigan Dortmund €5.5m kaga soo iibsatay naadiga Nurnburg.

Henrikh Mkhiratyan isagana kooxaha Barcelona iyo PSG ayaa saxiixiisa xiiseenayaan madaama xidigan uu xili cayaareedkan hormar aan caadi ahayn uu sameeyay.

NATIIJOOJINKA IYO KALA HOREENTA HORYAALKA PREMIER LEAGUE

Tottenham Hotspur 2 2 Arsenal

Chelsea 1 1 Stoke City

Everton 2 3 West Ham United

Manchester City 4 0 Aston Villa

Newcastle United 1 3 AFC Bournemouth

Southampton 1 1 Sunderland

Swansea City 1 0 Norwich City

Watford 0 1 Leicester City

Crystal Palace 1 2 Liverpool

West Bromwich Albion 1 0 Manchester United

 

No

kooxda

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Leicester City

29

17

9

3

52

31

21

60

2

Tottenham

29

15

10

4

51

24

27

55

3

Arsenal

29

15

7

7

46

30

16

52

4

Man City

28

15

5

8

52

31

21

50

5

West Ham

29

13

10

6

45

33

12

49

6

Man United

29

13

8

8

37

27

10

47

7

Liverpool

28

12

8

8

43

37

6

44

8

Stoke City

29

12

7

10

31

34

3

43

9

Southampton

29

11

8

10

36

29

7

41

10

Chelsea

29

10

10

9

43

39

4

40

Natiijoojinka iyo kala horeenta horyaalka

Liga BBVA

Real Madrid 7 1 Celta Vigo

Villarreal 0 1 Las Palmas

Getafe 1 1 Sevilla

Deportivo La Coruna 3 3 Malaga

Real Betis 2 0 Granada

Eibar 0 4 Barcelona

Sporting Gijon 0 2 Athletic Bilbao

Valencia 1 3 Atletico Madrid

 

No

kooxda

P

W

D

L

F

A

GD

Pts

1

Barcelona

28

23

3

2

78

22

56

72

2

A Madrid

28

20

4

4

42

12

30

64

3

RMadrid

28

18

6

4

81

27

54

60

4

Villarreal

28

15

8

5

33

19

14

53

5

Sevilla

28

12

9

7

39

29

10

45

6

A Bilbao

28

13

5

10

44

36

8

44

7

Celta Vigo

28

12

6

10

40

51

11

42

8

Eibar

28

10

6

12

40

40

0

36

9

R,Sociedad

28

9

8

11

37

39

2

35

10

Real Betis

28

8

10

10

26

36

10

34

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip